Loolanka u dhexeeya Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani Ka Dhego adayga Go’aanada Guddida Anshaxa ee Komiishanka Doorashadda & Sida loogu qanci karo Natiijadda Doorashadda DAAWO
Hargaysa 10. August 2017 (SDN/QJ):- Waxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira. Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobayo. Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo. Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana, qadar Eebbe weeye. 27 sanno oo go,doomin ah…
