Wasiirkii Hore Ee Hawlaha Guud Oo Ka Dayriyey Sida Sicir-bararka Dollarku Uu U Naafeeyay Nolosha Ciidammada Iyo Shaqaalaha Dawladda

Hargaysa 29. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, imikana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka dayriyey Xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada kala duwan ee Somaliland. Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlayey sida uu nolosha Bulshada Somaliland u dhibaateeyay Sicir-bararka Lacagta…

Read More

Guddiga Ka Soo Kabashada Abaaraha Oo Shaaciyey Tirada Qoysas La Xoolaynayo, Seerayaal La Xidhayo, Ceelal & Beero La Qodayo

Hargaysa 29. May 2017 (SDN/QJ):- Guddiga ka soo kabasahada Abaaraha ee 18-ka May ee Somaliland, ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada ee Hargeysa. Kulankan oo uu Guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Guddigaasi, ayaa muddadii uu socday waxa lagaga hadlay arrimo doora oo la xidhiidha hawlihii Madaxweynuhu u igmaday ee taakulada…

Read More

Raysal Wasaare Xasan Khayre Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid Ah Safiirada Caalamka ee Muqdisho Jooga DAAWO

Muqdisho 29. May 2017 (SDN/QJ):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay Beesha Caalamka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran. Kulanka waxaa goob joog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee…

Read More

Puntland Oo Ka Farxisay Dhalinyaro Ka Tirsanayd Kooxda Daacish-Somalia (Magacyada)

Garowe 29. May 2017 (SDN/QJ):- Puntland ayaa fasaxday Lix nin oo ka soo baxsaday Kooxda Daacish, kuwaasoo dhawaan isu soo dhiibay Ciidanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Kooxdan ayaa inta aysan soo baxsan ka hor kooxda Daacish ay ku xukuntay dil toogasho ah ka dib markii laga dareemay iney baxsan rabaan, iyadoo intii ay baxsadka…

Read More

Maxaad Kala Socotaa Noocyada Khudrada ee ku Habboon in La cuno Xiliga Afurka?

Hargaysa 29. May 2017 (SDN/QJ):- Tiro badan oo dadweynaha Muslimiinta ah ayaa isticmaala cuntooyinka dufanka iyo baruurta  leh xiliga ay afurayaan, taasina waxa ay ku keentaa inay mudo yar ka bacdi dareemaan firfircooni la’aan, halka sidoo kalena ay cuntadaasi ku sababto in miisaankoodu kordho bisha gudaheeda, hadaba si jidhkaagu u ahaado mid caafimaad qaba bisha…

Read More

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Juballand Oo Sabab La Yaab Leh Looga Qaaday Xilalka (Akhriso Magacyada)

Kismaayo 29. May 2017 (SDN/QJ):- Baarlamanka Juballand oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa xilkii Xildhibaanimo ka qaaday labo Xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamankaas. C/qaadir Ibraahim Cali iyo Maxamed Cali Yuusuf ayaa lagu eedeeyay inay mucaaradeen Madaxweynaha Juballand Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).   Xildhibaanada Baarlamaanka ee xil ka qaadista sameeyay ayaa sidoo kale ku…

Read More

Maxaad Ka Og Tahay Faa’iidooyinka Cunitaanka Suxuurtu Jidhka u Leedahay?

Hargaysa 29. May 2017 (SDN/QJ):- Cuntada xiliga suxuurtu waa cuntooyinka ugu muhiimsan bisha barakaysan ee ramadaanta, culimada caafimaadkuna waxay sheegeen inay suxuurtu ka muhiimsan tahay afurka, sababtoo ah waa cuntada ka caawinaysa qofka in uu u adkaysto culayska soonka, iyadoo ku dhiirrigelinaysa qofka in uu soomo, ajar iyo xasanaad badanina uu ku jiro. Cuntada suxuurtana…

Read More

Weerar Dhiig Badan Uu Ku Daatay Oo Ka Dhacay Caabudwaaq & Tirada Dhimashada Oo Gaartay

Caabudwaaq 29. May 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyootay 15 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay goob dad barakacayaal ah loogu qeybinayey raashiin mucaawino ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.   Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayey wararku sheegayaan iney iskugu jiraan…

Read More

‘’ Yurub Kuma Tiirsanaan Doonto Maraykanka Iyo Ingiriiska’’ Raysal wasaaraha Waddanka Jarmalka

Paris 29. May 2017 (SDN/QJ):- Markel ayaa sheegtay inay doonayso inay xidhiidh saaxiibtinimo la yeeshaan labadaa dal iyo weliba Ruushka, balse waa inay Yurub ku dagaalanto midnimada mustaqbalkooda. Hadalkan Raysal wasaaraha Jarmalka ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay wadamada G7 ku guuldaraysteen inay isku raacaan xakamaynta qiiqa cimilada oo ka dhacay dalka Faransiiska. Markel…

Read More

Madaxweynaha Turkiga oo Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay Dhigiisa Dalka Iran iyo Waxyaabaha ay Ka Wada Hadleen

Istanbul 29. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Ordugaan ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in la wanaajiyo Cilaaqaadka dalkiisu la wadaago dalka Iiraan, ka dib markii wada hadal dhinaca telefoonka ah uu la yeeshay dhigiisa dalka Iiraan Xasan Rooxaani. Madaxweyne Ordugaan waxa uu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay xidhiidh dhex mara labada…

Read More

Iska Hor imaad Dhex Maray Booliska Marooko iyo Dibad Baxayaal ka Gadooday Waaran Qabasho ah oo loo Soo Jaray Hogaamiye Mucaarid

Maroko 29. May 2017 (SDN/QJ):- Isku dhacyo Cusub ayaa dhexmaray Ciidanka Bileyska iyo Mudaharadayaal isugu soo baxay Magaalada Xasiima  ee dalka Maroko, magaaladaas oo xarun u ah dhaqdhaqaaqa Mucaaridka ah ee uu hogaamiyo Naasir safsaafi ka dib markii Jimcihii xukuumadu soo saartey waaran lagu soo qabanayo mr: Naasir safsaafi. Wakaalada Wararka ee France press ayaa…

Read More

Sidee Ayey Muslimiintu Ugu Soomayaan Dalalka Aanay Cadceedu Dhicin ?

Oslo 29. May 2017 (SDN/QJ):- Guud ahaan Dadka Muslimiinta ah ee Dunida guudkeeda ku nooli waxay shalay sabtidii oo ku beegnayd 25 bisha May ee sanadka 2017ka Soonka bisha barakaysan ee Ramadaan, siday diinteena suubani inoo jiidaysay Ilaahayna SWT Qur’aanka inoogu sheegay waxay Muslimiintu Soomaan laga bilaabo Subaxa “Al-fajar” ilaa iyo inta uu habeenku soo galayo…

Read More

Maxkamadda Ciidammada Puntland oo Dil ku Xukuntay Shan Nin oo Al-Shabaabnimo Qirtay, lana Qabtay iyagoon Qarxin

Garoowe 29. May 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa xukun dil ah ku riday Shan Wiil oo Dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyey in dhawaan lagu soo qabtay Gaadhi walxaha qarxa laga buuxiyey oo ay Ciidammada Ammaanka Puntland gacanta ku dhigeen intii aan qaraxa la fulin. Maxkamadda, ayaa ku…

Read More

8 Qof Ayaa Dhintay Ka Dib Markii Uu Nin Hubaysani Rasaas Ooda Kaga Qaaday Dalka Maraykanka

Mississippi 28. May 2017 (SDN/QJ):- Booliska ayaa sheegay inay xidheen nin looga shakisan yahay inuu khilaaf ka dhexeeyey xaaskiisa iyo seediyadii, ka dib markii uu toogasho ka geystay deegaanka  Mississippi. Sida ay ku warramayso warbaahinta gudaha ee dalka Maraykanka toogashada ayaa ka dhacday saddex guri wakhti habeenimo ah. Baadhayaasha ayaa sheegay in dadka dhintay ay…

Read More

Hooyo Danyar ah oo Isku Mar Saddex Caruura Ku Dhashay Cisbitalka Hargeysa+ Shacabka Somaliland oo ay Ka Codsatay in La Soo Taakuleeyo DAAWO

Hargaysa 28. May 2017 (SDN/QJ):- Hooyo danyar ah oo ka soo jeeda qoys sabool ah isla mar ahaantaana maalmahii ina soo dhaafay cisbitaalka weyn ee Hargeysa ku umushay saddex caruura oo Mataano ah, ayaa shacabka Somaliland iyo umadda Islaamka ah ba ka codsatay in ay soo gaadhsiiyaan gargaar deg-dag ah.

Read More

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Oo Tababar ku Saabsan Ka Hortaga Dabka Iyo Qaabka Loo Isticmaalo Dab-demiyaasha U Furay Shirkadda Laydhka Sompower SAWIRO

Hargaysa 28. May 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska  ayaa  Tababar ku saabsan ka hortaga dabka iyo qaabka loo isticmaalo dabdemiyaasha oo hal maalin qaatay  u furay Shirkadda Laydhka Sompower, Tababarkan ayaa ahaa Tababar Bilow ah [ Basic Fire Training ], waxaana halkaa ka soo qayb galay xubno ka mida shaqaalaha Shirkadda Laydhka Sompower kuwaasoo ka…

Read More

Madaxweynaha Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Dalka Itoobiya Iyo Dulucda ay Daaran Tahay

Hargaysa 28. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaya afka shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dalka aynu walaalaha iyo jaarkaba nahay ee Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaas, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeynaya sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay…

Read More

Xukuumadda Somaliland Si Adag uga Hadashay Dhawaaq Ka Soo Yeedhay Dawladda Ingiriiska DAAWO

Hargaysa 28. May 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Somaliland, ayaa jawaabtii ugu adkeyd ka bixisay dhawaaq ka soo yeedhay dawladda Ingriiiska oo ku saabsan in Somaliland ay ka mid tahay dalalka aan la isku aamini karin amaankooda isla mar ahaantaana ay ku dartay liiska dalal ay ku sheegeen in ay uga digayaan muwaadiiintooda in ay tagaan. https://www.youtube.com/watch?v=yV49psOWVeM

Read More