Qaar ka Mid ah Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Sweden oo Mudaharaad ka Dhan ah Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga siiyey Berbera ka hor dhigay Safaaradda Imaaraadka DAAWO

Sweden 18.March 2017 (SDN/QJ): – Qaar ka Mid ah Jaaliyadda Somaliland ee Ku dhaqan dalka Sweden ayaa Bannaan bax ay kaga soo Hor Jeedaan Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga Siiyay Madaarka Magaaladda Berbera waxay ka hor dhigeen Safaarada Imaaraadku ku Leeyahay Dalkaasi. https://www.youtube.com/watch?v=biLCzeUy7Cc

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Mashruuc laga Hirgaliyey Cisbitaalka Guud Isla Markaana Dhagax dhigay Xarun Caafimaad oo Kale DAAWO

Hargaysa 18. March 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) waxa uu maanta xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Gargaarka deg-dega ah ee cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxana uu sidoo kale dhagax dhigay dhismaha xarunta Hooyada Iyo dhalaanka ee Cisbitaalka Guud.

Read More

Madaxweynihii Hore ee Somalia Xasan Sheekh oo u Baqoolay Dalka Turkiga oo uu Degi doono & Balanqaad uu Hore u Jeediyey oo Beenoobay DAAWO

Muqdisho 18. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii Hore ee Dalka Somalia ee dhawaan lagaga Guulaystay Doorashadii Madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday Xasan Sheekh Maxamud oo ay Weheliyaan Xubno ka Mid ah Qoyskiisa ayaa u Kicitimay Dalka Turkiga. Xasan Sheekh ayaa Hore u Balanqaaday in aanu dal kale degi doonin Hadii looga Guulaysto Doorashadii Madaxtinimo. https://www.youtube.com/watch?v=N8GZUTcRCJo

Read More

Oday Xaaji Cabdi Waraabe oo Taageeray Xeerka Baananka ee Culimadu ku Sheegeen inuu Xalaalaynayo Ribada DAAWO

Hargaysa 18. March 2017 (SDN/QJ):- Xaaji Cabdi Kariin Xuseen Yuusuf oo Ku Magac dheer Xaaji Cabdi Waraabe ayaa Mar uu Maanta ka qayb qaadanayay Dood Golaha Guurtidu ku lafo Gurayeen Xaalada Siyaasadeed ee Gudaha iyo Dibada ee Somaliland Wuxuu ka hadlay Xeer Muran dhaliyey oo Hor yaala Golaha Wakiiladda Somaliland. https://www.youtube.com/watch?v=NLC0n_WVJRI

Read More

“Waar Yaynaan Dadkeenna Ku Halleynin Xukuumaddaa Aad Ogtihiin Siday U Isticmaasho Hantida Ummadda…” Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 18. March 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimchii ee Shalay kaga hadlay Abaarta ka jirta Gobollada Somaliland, waxaanu ku baaqay inaan Dadka Abaartu dhibaateysay inaan lagu halleynin Xukuumadda oo uu sheegay in aanay u dhaqmayn sida Dad ay Abaari ka jirto Dalka ay Masuulka ka yihiin. Sheekh Aadan-Siiro wuxuu…

Read More

Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada iyo Culaysyo badan oo haysta R/Wasaaraha

Muqdisho 18. March 2017 (SDN/QJ):-Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caqabado kala duwan kala kulmaya magacaabista golaha Wasiirada, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan khilaaf ka dhashay magacaabista Golaha Wasiirada. Sida aan Wararka ku heleyno Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faragalin dhinacyo kala duwan ka imaaneysa kala kulmaya magcaabista golaha Wasiirada, waxaana marar…

Read More

Golaha Wakiiladda Somaliland oo Maanta Meel Mariyey Wada Hadalka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Kula Jirto Maamulka Khaatumo & Mudane Gudoomiye Baashe Khaa’imul Wadan Ku Sifeeyay DAAWO

Hargaysa 18. March 2017 (SDN/QJ):- Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiiladda Isla Markaana uu Shir Gudoominayay Ku Simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaasha Golahaasi Waxay Taageereen Wada Hadalka u Socda Xukuumadda Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo. https://www.youtube.com/watch?v=fxkzBeycOD8 https://www.youtube.com/watch?v=XuQRvTkq9Y8

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Siilaanyo, waxa uu maanta Kormeer, dhagax dhig iyo Furitaan ka fuliyey Cusbitaalka guud ee Caasimada Hargeysa SAWIRO

Hargaysa 18. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu socod lug ah ku tegay cusbitaalka guud ee hargeysa isagoo kormeeray xaruntii hore ee gurmadka degdega ah lagu dawayn jiray, waxaana halkaasi warbixin ka siiyey agaasimaha cusbitalka Dr Askar oo sheegay in xaruntan la dhisay 1953kii, tahayna meel qadiimi ah…

Read More

FINLAND: Xaflad Lagu Taageeray Marwo Saamiya Muuse Oo U Sharraxan Golaha Deegaanka Helsinki + Akhriso/Daawo

Helsinki 18.March 2017 (SDN/QJ): – Magaalada Helsinki ee Dalka Finland, ayaa waxa lagu qabtay Munaasibad lagu taageerayo Marwo Saamiya Muuse oo ah Haweenay Soomaaliyad ah oo u sharraxan inay ka mid noqoto Golaha Deegaanka Magaalada Helsinki ee Caasimadda Dalka Finland. Munaasibaddan oo ay soo buux-dhaafiyeen Taageerayaasha Marwo Saamiya Muuse oo isugu jira Soomaali tiro badan…

Read More

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE ee Nairobi oo la Kulmay Safaaradaha Dalalka Denmark, Finland, Australia iyo Hay’adda USAID

Nairobi 18.March 2017(SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa kulamo la yeeshay Safiirrada Safaaradaha dawladaha Denmark, Finland iyo Australia ee ku leeyihiin magaalada Nairobi iyo madaxda sare ee hay’adda USAID. Shir…

Read More

Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Oo Hawlo Shaqo U Jooga Ingiriiska Ayaa Ka War Bixiyey Kulamo Uu La Qaatay Maayaradda Bristol, Shafill Iyo Madaxa Dabdamista Bristol

Bristol 18.March 2017 (SDN/QJ) Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa ka warbixiyey safar shaqo uu uu ku joogo dalka Ingiriiska, isagoo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Magaalooyinka Bristol, Shafill iyo saraakiisha sarsare ee dabdamiska Bristol iyo nawaaxigeeda. waxaanu yidhi maayar ku xigeenku mar uu u waramayey qaybo ka mida…

Read More

MARAYKAN: Xubno Iska-casilay Xilal ay Kulmiye ka Hayeen oo ka Gilgishay Deedifayn Madaxda Xisbigu Ka Daba-direen

Denver  18. March 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyihii hore ee gobollada dhexe ee waddanka Maraykanka u qaabbilsanaa Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Khayre Maxamed Axmed oo isaga iyo Xubno kale oo xilal ka hayey Kulmiye toddobaadkan dhammaaday iska casileen Xilalkii ay Xisbigaas ka hayeen, ayaa ka jawaabay Tallaabo ay ku kaceen Hoggaanka Waqooyiga Maraykanka ee Kulmiye…

Read More

War-saxaafadeed: Qodobbada Lagaga Wada-hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Khamiistii oo Shalay la Soo Saaray

Hargaysa 18. March 2017 (SDN/QJ):Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada isla-markaana uu Guddoominayey Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa waxa hadheeyay War-bixinno la xidhiidha Abaarta. War-saxaafadeed uu Waxyaabihii lagaga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL, ayaa u qornaa sidan “Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii 16.03.2017-ka oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha JSL Mudane…

Read More

Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Tacadiyada Ka Dhanka Ah Saxaafadda Iyo Xadhiga Muddo Dhaafay Ee Cabdimaalik Muuse Coldoon

London 18.March 2017 (SDN/QJ): –Muniir Axmed Cigaal, kaaliyaha  warbaahinta ee murashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay tacadiyada saxaafadeed ee ay xukuumadda Somaliland kula kacdo wabaahinta madaxa banaan. Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah waffti culus oo uu hogaaminayo Murashaxa WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo hogaamiyaha Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku sugan…

Read More

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo si Adag uga Soo Hor-jeestay Xeerka Bangiyada Ganacsiga

Hargaysa 17. March 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa farriin adag u diray Golaha Somaliland oo uu hor yaalay xeerka bangiyadda ganacsi. Wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa golaha ugu baaqay in ay ka feejignaadan ansixinta xeerka bangiyadda ganacsiga oo uu ku dooday inay ku jiraan qoddobo fududaynaa isticmaalka…

Read More