Madaxweyne Afrikan ah oo magacaabay Wasiiradii ugu badnaa Taariikhda uu yeesho dal Afrikan ah

Ghana 21. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa magacaabay Wasiiradii ugu badnaa taariikhda uu yeesho dal kuyaala qaarada Afrika, Waxaana wasiiradan la magacaabay ay kor u dhaafayaan 100- Wasiir. Madaxweyne Nana Akufo-Addo oo dhawaan ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada ayaa magacaabay 110- Wasiir, waxa ayna ka kooban yihiin xukuumada cusub 56-Wasiir ,50 Wasiir…

Read More

Cali Guray Oo Ka Hadlay Heshiiskii Saldhiga Millatari Ee Dhex-maray Somaliland Iyo Imaraadka

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ka hadlay heshiiskii Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka carabta ay shalay si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalada Abu-Dhabi, heshiis dawladda imaaraadku kaga furanayso saldhig Millatari madaarka magaalo-xeebeeda Berbera ee gobolka Saaxil. Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo qoraal uu arrintaa kaga hadlayo soo…

Read More

Nuxurka Heshiiska ay Somaliland Iyo Imaaraadku Kala Saxeexdeen ee Ku Saabsan Saldhiga Mileteri ee Magaaladda Berbera DAAWO

Abu-dubai, 20 March, 2017 (SDN/QJ):- Wefti Qaran oo ka Socda Somaliland Isla Markaana uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Magaaladda Dubai ee Dalka isu Taga Imaaraadka Carabta kaga  qayb galay Dhaqan Gelinta Heshiiskii Saldhiga Mileteri Imaaraadka Looga Siiyay Magaaladda Berbera.  

Read More

“Haddii Goluhu Wax Walba Gacanta U Taago, Qalad Baynu Gelaynaa” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah mudaneyaasha golaha wakiillada ee kasoo jeeda gobolka Saaxil, isla markaana katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa eedo culus dusha ka saaray golaha uu ka tirsan yahay ee wakiillada, waxana uu sheegay inay faraha la geleen arrimo aan shaqadooda ahayn oo sharciga baal marsan….

Read More

Wejigii 3-aad Ee Wada-hadaladii Xukuumadda Somaliland Iyo Khaatumo Oo Furmaya

Jabuuti 20. March 2017 (SDN/QJ):- Wejigii saddexaad ee wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo, ayaa loo ballansan yahay in wajigiisii saddexaad beri ka furmaan dalka Djibouti, waxana halkaas gaadhay waftiga Khaatumo oo uu hoggaaminayo Cali Khaliif, halka waftiga dawladda Somaliland-na oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire oo lagu wada inuu maanta ka soo am-babaxo…

Read More

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dadkii Lagu Dilay Badda Yemen DAAWO

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-kayse), ayaa ka hadlay ALLE ha u naxariiste dadkii ku geeriyooday Doontii ay isbaahaysiga la dagaalamaya Kooxda Xuutiyiinta ay Gantaalka ku dhufteen oo ay ku jiraan dad Somaliland ka soo jeeda. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada waxa kale oo uu…

Read More

Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Oo Kala Saxeexday Heshiiska Saldhigga Berbera & Mashaariicda Laga Fulinayo Dalka Ee Qaybta Ka Ah

Abu-dubai, 20 March, 2017 (SDN/QJ):-Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa rasmi ahaan u kala saxeexday Heshiis Dawladda Imaaraadka u fasaxaya inay Saldhig Ciidan ka samaysato Magaalada Berbera, kaasi oo hore Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland ansixiyeen markii Xukuumaddu u gudbisay. Warbaahinta looma soo bandhigin Masuuliyiinta Somaliland iyo Kuwa Dawladda Imaaraadka Carabta oo kala…

Read More

Golaha Wakiillada Oo Ka Dooday Xaaladda Adag Ee Dalku Galay, Dhaliisha Guddida Abaaraha & Xildhibaanno Soo Jeediyey In Madaxweynuhu Hor-yimaaddo

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shalay Dood-adag ka yeeshay Abaarta Dalka ka jirta iyo Sida ugu habboon ee loo Samato-bixin karo Dadka Gobollada bariga ee Abaartaasi Waxyeelaysay. Fadhigii Shalay ee Golaha Wakiillada oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi Baashe Maxamed Faarax, ayaa Xildhibaannada qaarkood waxay soo jeediyeen in…

Read More

Guddida Dhaqaalaha Ee Guurtida Oo Baadhaya Sababta Keentay Sicir-bararka Dollarka & Kulan Ay Shalay Ugu Yeedheen Guddoomiyaha Baanka

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):-Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Shalay Su’aalo la xidhiidha Sicir-bararka Dollarka iyo Qiimo-dhaca Shilinka Somaliland waydiiyey Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cumar Yuusuf. Guddoomiyaha Baanka dhexe oo Guddida ugu yeedhay Xarunta Golaha Guurtida ee Hargeysa, ayaa la waydiiyey Su’aalo door ah oo la xidhiidha Sicir-bararka Dollarka, sidaana waxa Warbaahinta…

Read More

Qaar kamid ah Musharaxiintii Madaxweyne oo ku hungoobay in ay kamid noqdaan Xukuumada cusub (Warbixin)

Muqdisho 20. March 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan si rasmi ah loogu dhawaaqo, waxaana golaha Wasiirada kasoo dhax muuqan doona siyaasiyiin horey dalka xilal uga soo qabtay iyo kuwa saaxada siyaasada ku cusub. Sida aan Wararka ku heleyno qaar badan oo kamid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha…

Read More

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Warbixiyey Natiijada Safar Wefti uu Hoggaaminayey kaga soo Laabteen Dalka Kenya

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE  Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka warbixiyey natiijada safar shaqo oo wefti uu hoggaaminayey ugu maqnaayeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo qaatay muddo toddoba maalmood ah. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo safarkiisa ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md….

Read More

Galaydh Oo Shalay U Dhoofay Jabuuti, Una Sii Gudbaya Imaaraadka Oo Wefti Somaliland Ahi Joogaan

Laascaanood 20. March 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa Shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool. Galaydh ayaa waaberigii Shalay gaadhey magaalada Laascaanood, halkaas oo uu ka raacay Diyaarad geysay Dalka Jabuuti,  waxaana la sheegay in uu uga sii gudbi doono dalka Imaaraatka Carabta. Safarka Galaydh ayaa la…

Read More

Madaxweynaha Dalka Nigeria oo Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad Sida ay Wakhtigan Tahay

Nigeria 20. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Nigeria Muxamadu Buhari ayaa ka hadlay caafimaadkiisa, waxaanu sheegay in “weligii aanu qaban xanuunkii hayay” dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay. Wuxuu sidaas u sheegay madaxda ku soo dhaweysay magaalada Abuja ee caasimadda Nigeria oo uu dhawaan ku dib ugu noqday, ka dib markii uu caafimaad u tagay Britain….

Read More

Somaliland: Saddex Ururrada Bulshada Rayidka Ah Oo Cambaareeyay Weerar Lagu Dilay Tobaneeyo Qoxooti Soomaali Ah

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):- War-saxaafadeed ay Xalay si wada jir ah u soo saareen saddex ka mid ah ururrada Bulshada Rayidka ah oo fadhigoodu yahay Somaliland, ayaa waxay ku cambaareeyeen Weerar Habeen hore Diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ahi ku dishay illaa 42 Qof oo Soomaali ah, Xilli ay ku safrayeen Doon ka soo…

Read More

Ururka Al Shabaab oo gar gaar ka qeybisay Deegaano hoostaga Degmada Ceel Buur (Daawo Sawirada)

Ceel Buur 20. March 2017 (SDN/QJ):- Xarakada Al Shabaab ayaa raashinka nuucyadiisa kala duwan waxa ay u qeybisay boqolaal qoys oo kunool deegaano hoostaga degamada Ceel Buur , qoysaskan ayaana kamid ahaa dadka ay saameysay abaarta jirta. Al Shabaab ayaa deeq isugu jira Bur, Sokor, Bariis, iyo Saliid waxa ay u qeybiyay qoysas danyar ah oo…

Read More