“Shan Nin oo isku-talo ah, Hal Shansho ayaa ka go’oda, Shan Nin oo kala talo ahna, shan shansho ayaa ka go’oda” Madaxweyne Siilaanyo oo Casho Sharaf u Sameeyay Ciyaar Yahanada Gobolada Somaliland SAWIRO
Hargaysa 06.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha oo munaasibad aad loo qurxiyey ku qaabiley ciyaar yahanada gobolada dalka ayaa khudbad ka jeediyey madashaasi, waxaanu yidhi madaxweynuhu “Ciyaartoygiinan Cawada Badan, Sharaf weyn bay ii tahay, in aan caawa (Xalay) idinku marti-qaado Xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Qasriga looga taliyo qarankeena. Mar labaad, waxaan jecelahay inaan halkan ka…
