Odayaasha dhaqanka ee 135 Oday oo la qorsheynayo in loo madax banaaneynayo soo xulida Xildhibaanada

Muqdisho 22.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddiga doorashooyinka ayaa wada qorshayaal ay ku doonayaan sidii meesha looga saari lahaa 51-ka xubnood ee soo dooranaya Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo ku sababeynaya dhowr arrimood oo qeyb ka tahay amniga, dhaqaalaha iyo waqtiga oo aad u yar. Kulamo xiriir ah oo Guddiga doorashooyinka ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlayay qaabka…

Read More

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid oo Cambaareeyey Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Muqdisho, August 22, 2016 – (SDN/QJ)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo Shalay lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, halkaas oo naftooda ay ku waayeen dad isugu jirey shacab iyo masuuliyiin maamulka gobolka. “Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee…

Read More

Somaliland: Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Doorashada oo lagu Daahfuray Gobolka Sool

Laascaanood 22, August, 2016 –(SDN/QJ)- Daahfurka diwaangalinta Codbixiyayaasha Somaliland ayaa maanta lagu qabtay caasimada Gobolka Sool ee Laascaanood. Wasiiro ka tirsan xukuummada Madaxwayne Siilaanyo, Madaxda Xisbiga Kulmiye,Waddani iyo Ucid, salaadiin, golaha deegaanka magaalada Laascanood, guddida komishanka Doorashooyinka iyo shacabka ku nool gobolkaasi ayaa ka qaybgalay munaasibada lagu daahfurayay diwaangalinta codbixiyaha doorashada oo maalinta berry ah…

Read More

Maxamed Faarax (Moh Faarah) oo Wacdaro ka dhigay Tartanka Olombikada ee ka socda Brasil

Rio 22, August, 2016- (SDN/QJ):- Orodyahan caanka ah ee Maxamed Faarax ayaa habeenkii xalley ku guuleystay Orodka 5000 Mitir. Maxamed Faarax, oo u ordayay Dalka Britain ayaa guul wayn kasoo hooyay tartan Olombikada ee sanadkan lagu ciyaarayo dalka Brasil. Maxamed Faarax waxaa uu ka guuleystay  Orodyahano ka socda kontameeyo dal oo aduunka ah kuwaasi oo…

Read More

Laba Qof oo ku dhintay Is Rasaaseyn ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Laascaanood

Laascannood 22, August, 2016 – (SDN/QJ):- Laba qof ayaa ku dhintay is rasaaseyn maanta duhurkii dhex martay ciidamada Booliiska Somaliland iyo Ganacsato qaadka keena magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Is rasaaseyntu waxaa ay ka dhalatay kadib markii ciidamada Booliisku sheegeen inaan magaalada Lasoo Galin Qaadka waxaana halkaasi ciidanka rasaas ku furay nimankii qaad layaasha ahaa,…

Read More

“Somaliland Diyaar Uma Aha Waxyaabihii Heshiiska Lagu Galay,Anagu Hargaysa Kuma Soo Socono…..” Madaxweyne Ku Xigeenka Kooxda Khaatumo DAAWO

Buuhoodle 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh ee Maamulka Khaatumo la baxday, ayaa Shaaca ka qaaday in wax iska beddeleen qaabkii wadahadaladda u dhexeeyay Somaliland iyo Khaatumo, isla markaana dhabar-jab ku yimi, ka dib markii ay Somaliland ku eedeeyeen inay jebisay qaar ka mid ah qodobbo hor-dhac ah oo la isku afgartay….

Read More

“Inay Curado Khar Lihi U Kici Ciidan La Arkee” Mujaahid Cali Guray oo Dhaliilay Qaabka Maamulka Jaamacada Camuud u Casuumaan Mas’uuliyiinta Qaranka

Hargaysa 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Guray ayaa ka falceliyey hadal ka soo yeedhay Gudoomiyaha Jaamacada Camud Prof Saleebaan Cabdi Guuleed. ‘’Jaamacad arday ka qalin jebisay Shahaadado loogu qaaybinayo xisbiyada shaqada ka gashay anigu maan garan. Xataa Madaxwaynaha ma qabo in ay muhiim tahay inu sanad kasta ka qaybgalo….

Read More

“Xataa Guddoomiyaha KULMIYE Maannaan Casuumin ee Weftiga Dowladda Ayuun Buu Ka Mid Ahaa..” Gudoomiyaha Jaamacada Camuud DAAWO

Hargaysa 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa ka hadlay eedayn Xisbiyada Mucaaradka ahi u jeediyeen Xukuumadda iyo Maamulka Jaamacadda oo ay sheegeen inaanay ku casuumin Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah Munaasibadda Qalin-jebintii u dambaysay oo Salaasadii toddobaadkii hore lagu qabtay xarunta Jaamacaddaas ee magaalada Boorama, keliyana Xukuumaddu xuurtaysatay siday ku doodeen…

Read More

Xogo Halis Badan oo Laga Helay Doorka Faafitaanka Fikirka Shiiciga Iyo Takfiirku Ka Marayo Somaliland, Shirkii Shiicada Afrika Ee Diridhaba Ka Dhacay Oo Ay Ka Qayb Galeen Kooxo Dalka Ka Tagay

Hargaysa 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Iyada oo ay isa soo tarayso walaaca Culimada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ka qabo fikradaha halista ku ah caqiidadeena suubban ee Diinta Islaamka, Dhibaatooyinka dhaqan xumo ee dibadaha la innooga so waariday, kooxaha aaminsan mabaadii’da halista ah ee dhawaan soo baxa ah iyo guud ahaan xaaladaha dhinaca fusuqa iyo fasahaadka…

Read More

Ma Dhabbaa In Mashruuc Malaayiin Doollar Ku Baxaya Oo Lagu Tayaynayo Shaqaalaha Dawladdu Qarka U Saaran Yahay In Uu Buro Iyo Sababta Loo Aanaynayo!!!! DAAWO

Hargaysa 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Mashruuc Culus Oo Baanka Aduunku ugu deeqay Somaliland oo kor loogu qaadayo Tayada Aqooneed ee Shaqaalaha Dawlada Somaliland oo malaayiin Dollar ku baxayso ayaa qarka u saaran inuu hakad galo kadib sida la sheegay isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Golihiisa Xukuumadda,waxaana la sheegay in Masuuliyiintii Mashruucani soo dhaweeyay ay walaac…

Read More

Adhicadeys: Geerida Wadahadalkii Khaatumo, Loollanka Kooxaha Waydeeyay, Iskushaandhaynta Siilaanyo & Isa Seega Mashaariicda

Adhicadeys 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Iyadoo Madaxweyne Siilaanyo uu habeen hore u hoyday magaaladda Laascaanood, Isagoo halkaana kaga qaybgeli doonna xaflad lagu iclaaminayo bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha gobolkaa, taasoo ay ka qaybgeli doonnaan madaxda axsaabta, xukuumadda iyo komishanka doorashadu, ayaa dhanka kale waxa soo baxaya tibaaxo tusmaynaya, baaxaadeg iskhilaafka dhawr qodob sida; wadahadalkii xukuumaddu la waday…

Read More

Mudo Bil Gudaheed ah oo Sadex Maxbuus ku Geeriyoodeen Jeelka Dhexe ee Magaalada Berbera

Berbera 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Marxuum Maxamed Carraale Muuse Ducaale oo kamid ahaa maxaabiista ku jirta jeelka weyn ee Berbera, ayaa habeenimadii jimcuhu soo geliyey ee bishan Augost ahayd 19-ka, sanadka 2016-ka ku geeriyooday xabsbigaas, kadib markii uu xanuun muddo bilo ah dareemayey. Sida ehellada marxuumku u xaqiijiyeen qaar kamid ah warbaahinta waxa xukunka marxuumkan ku…

Read More

Wiilkii Cilmi Boodhari Dabka Ugu Dhiibi Jiray Hodon Oo Imika Isagoo Waayeel Ah Ka Sheekeeyay Arladii Uu Kula Noolaa Cilmi & Hodon, + Wixii Qiso Dhacay DAAWO

Hargaysa 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wariye A. A. Ciidle ayaa magaaladda Hargeysa waxa uu waraysi kula yeeshay Oday Maxamed oo ah waayeel isagu in badan usoo taagnaa taariikho badan oo dalka JSL ama geyigan soo maray, waxa uu nolal kusoo gaadhay aabihii jaceylka Cilmi Boodhari iyo Hodon-tii uu jeclaa, wakhtigaas oo Oday Maxamed sida uu sheegay…

Read More

“Puntland Waxay Ku Dooddaa Isku Dhiig baynu nahay, haddii Reer Sool DNA laga qaadana..” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland

Laascaanood 21.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay sanadkan lacag todobada Milyan oo horumarin ah galisanyo gobolka Sool. Wasiirka ayaa sidoo kalena baaq u diray qurbajooga reer Sool isaga oo ugu baaqay inay ka qayb qaataan horumarka iyo dhismaha gobolka Sool, Mr. Xaashi ayaa arrimhaasi kaga…

Read More