Farriinta Ay Xambaarsan Tahay Khudbad Dheer Oo Madaxweynaha Somaliland Ka Jeediyey Degmada Adhi-caddeeye Ee Gobolka Sool
Laascaanood 20.Aug 2016 (SDN/QJ):- Weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ee ku sugnaa gobolka Saraar ayaa, uga si gudbay gobolka Sool, gaar ahaan degmada Adhi-cadeeye oo si aan hore loo arag, miisaan leh oon loo kala hadhin loogu soo dhaweeyey. Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay soo dhawayntii ugu balaadhnayd kala kulmeen shacbiga deegaamada…
