“Gaadiid Iska Daayoo Waxa La Isku Qabsan doonaa Dad Nool, Haddii Kiiskaa La Furo..” Cuqaal ka Tirsan Koonfurta Hargaysa oo Sida Fiinta uga Qayliyey Kiis Maxkamada Sare Yaala
Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Cuqaal iyo Odayaal ka tirsan Beesha Koonfurta Hargeysa, ayaa ka digay Kiis ay sheegeen inuu Maxkamadda Sare ee Somaliland hor-yaallo, kaasoo ay sheegeen inuu ka mid yahay Kiisas dalka ka dhacay wixii ka horreeyey 1994-kii, isla markaana la iska saamaxay, kaasoo ay sheegeen haddii Maxkamaddu furto inay ka dhalan doonto dhibaato…
