Xilal Su’aalo Dhaliyey,Wasiiro Hoos loo dhigay,Kuwo la Naawilayay oo Laga Reebay,Mas’uuliyiinta Heshiiskii Dekeda Berbera Galaaftay Iyo Khilaaf Lagu Xaliyey Dhinac kastaa ha Guulaysto
Hargaysa 17.Aug 2016 (SDN/QJ):- Abbaaro Rubuc saac markii ay goor-sheegta Bariga Afrika dhaaftay habeen badhkii ay soo gelaysay Isniintu, ayaa xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu warbaahinta soo gaadhsiiyey digreeto ka soo baxday madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xambaarsan xilal magacaabis, is-ku-beddel iyo xil-ka-qaadis saamaysay 47 kursi oo ka…
