Khamiis Ilaa Khamiis: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Safarkiisii Maxaa War Laga Hayaa?

Hargeysa,21,7,2016 (QJ/SDN) – Maanta waa maalintii 8aad ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku maqanyahay safar gaar ah oo uu ugu baxay dalka Turkiga. Wuxuu baxay khamiistii toddobaadkii hore. Madaxtooyada ayaa safarka Madaxweynaha ku sheegtay inuu yahay mid gaar ah. Markii uu dalka Turkiga habeen joogay waxa ka dhacay inqilaab fashilmay, waxaanay bulshada Somaliland wax…

Read More

Go’aano Laga Soo Saaray Khilaafkii Xisbiga Ucid,Dooda Cida Guulaysatay oo Midba dhankiisa ku Sheegay DAAWO

Hargaysa 21.July 2016 (SDN/QJ):- Guddiga Diiwaangelinta axsaabta siyaasadda iyo ururada Qaranka ayaa maanta go’aan ka gaadhay khilaafkii Ururka Ucid. Go’aanka gudiga oo nuxurkiisu yahay in heshiiskii labada dhinac galeen uu ahaa mid aan dhammaystirnayn oo aan golaha dhexe ansixin, xisbigaasina si wadajir ah u qabsado shirweynihiisii, isla markaana xubnaha golaha dhexe yihiin kuwii lagu ansixiyey…

Read More

DAAWO: “Jamaal Cali Xuseen Saddex Sanno Ayuu Musharax Baan Ahay Lacag Ku Urursanaayey “.. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa,21,7,2016 (QJ/SDN) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka hadley go,aamada ay maanta  gudida diiwaangalinta ururada Siyaasiga ah ay ka soo saartey khilaafkii xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in go,aamadaas ay qaadan doonaan waxii ay is waafaqaan xeerka xisbiga UCID u yaala…

Read More

F.C.WARAABE: ‘Shirka Garxajis Waxaanu u Aragnaa Fidno Cusub, Waana Horjoogsanaynaa Mana Dhacayso’

Hargeysa,21,7,2016 (QJ/SDN) – Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Xussen ( Faysal Cali Waraabe ) ayaa waxaa uu ka hadley shir la sheegay in beesha garxajis ay  dhawaan qabsan doonto. Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi aanu aheyn mid Somaliland dan u soo wada isla markaan keeni kara nabad galyo daro…

Read More

SULDAAN XIIRAY: ‘Garxajis Shir Beeleed Ma wado ee Danahooda gaarka ah ayey ka Tashanayaan’

Hargeysa,21,7,2016 (QJ/SDN) – Afhayeenka dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo maanta ka hadlaayey caleemo saar loo sameeyey suldaanka guud ee beesha Guuyoobe ( Ciidagale) ayaa waxa uu si faah faahsan uga hadley shir  ay qaban qaabineyso beesha Garxajis. Suldaanka ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi meeqaamkiisi laga duway isla markaana si kale loo turjuntey…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Oo Noqonaya Qofkii Ugu Horreeyay Ee Soomaali Ah Oo Qaaata Baasaboorka Qaaradda Afrika

Kigali (QJ/SDN) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa waxa uu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah kaasi oo qaata baasaboorka qaaradda Afrika ay ku midowday ee African Passport. Kaasi oo dhawaan bixintiisa laga bilaabay dalka ruwaanda caasimaddiisa Kigali. Wasiir Hadliye oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay…

Read More

Shirkii Gogosha Nabada ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyey Gobolada Bari oo Go’aamo Dhaxal Gal ah Galabta laga soo Saaray DAAWO

Awr Boogays  20.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Degmada Awr Boogays Galabta lagu soo Gabo Gabeeyay Shirkii Gogosha Nabada ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u fidiyey Beelaha Gobolada Bari ee Somaliland oo loogu Magac daray Shirka Samo talis Kaas oo ay ka qayb galeen Wefti Sare oo ka Tirsan Xukuumada Somaliland.

Read More

SAWIRRO: Suldaankii Ugu Da’da Yaraa Somaliland Oo Maanta La Caleemo Saaray

Hargeysa,20,7,2 016(QJ/SDN) – Magaalada Qoton-dabo ee koonfurta gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland waxa maanta lagu Caleemo saaray Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi [Galaal] oo noqonaya Suldaanka ugu da’da yar salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guud ahaan Salaadiinta Soomaaliyeedna waxa uu noqonayaa Suldaanka labaad ee ugu da’da yar – waxaana isaga ka da’yar Suldaan Maxamed Suldaan Suldaan Axmed…

Read More

Ergayga QM u Qaabilsan Carruurta iyo Wasiirka Difaaca Somalia oo Maanta ku kulmay Muqdisho

Muqdisho,20,7,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa wafdi ka socda Qaramada Midoobay, kaasoo ay Hoggaaminaysay  u qayb-sanaha Xog-hayaha guud ee QM ee Arrimaha Caruurta ku dhex nool waddamada colaaddu ka jiraan, Ms Leila Zerrougui. Kulankaan, ayaa looga hadlay sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar kale…

Read More

Wejiga Labaad Ee Wada Hadaladii Xisbiga Waddani Iyo Isbahaysiga Oo Dib U Furmaya, Iyo Cirro & Xirsi Oo Hargeysa Ku Soo Noqday

Hargeysa (QJ/SDN) – Wada hadaladii u dhexeeyay ee muddo u socday xisbiga Waddani iyo siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE, ayaa la filayaa inay dib u bilaabmaan. Wada hadaladan oo muddo soo socday, ayaa la sheegay inay hadda ku dhow yihiin gunaanad, waxaana laga yaabaa inay dhawaan labada dhinac wada jir ugu dhawaaqaan in wada hadaladii dhammaadeen islamarkaana…

Read More

Arday Somaliland Ah Oo Wacdaro Ka Dhigay Jaamacada Ethiopian Civil Service Oo Ay Ka Qalinjebiyeen

Addis-ababa,20,7,2016 (QJ/SDN) – Maalmo ka hor waxa jaamacadda dawladda Itoobiya ee Ethiopian Civil service university ka qalin jebiyay 1500 oo arday oo ka kala socday dalalka gobalka Geeska Afrika oo ay Somaliland ku jirto. Ardayda qalin jebisay oo waxbarashadoodu ahayd deeq waxbarasho oo ay Itoobiya siisay ayaa waxa ay ka kala socdeen wadamada Somaliland, Itoobiya,…

Read More

Muuse Biixi Oo Meesha Ka Saaray In Muddo Kordhin Madaxweyne Jirto

Hargeysa,20,7,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha  iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa meesha ka saaray in muddo kordhin loo samayn doono Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay inay madaxweynaha iyo KULMIYE diyaar ka tahay doorashada madaxweynuhu. Muuse Biixi, oo shalay hadal ka jeediyay madal baabuur iskaragooyin ah loogu dirayay jidka Ceerigaabo, ayaa wuxuu sheegay in gudoomiyaha…

Read More

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Oo Qalliin Caafimaad Dalka Hindiya Loogu Sameeyay

Cadaado,20,7,2016 (QJ/SDN) – War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed uu safar caafimaad uu aaday dalka Hindiya todobaadkii tagey. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Ka hor intuusan Hindiya aadin, Madaxweynuhu wuxuu kulamo kala duwan kula lahaa Nairobi beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Deegaanka…

Read More

Somaliland: Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo Ka Hadashay Suxufiyiin Hargeysa Lagu Maxkamadaynayo

War-saxaafadeed Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa Xeer-ilaaliyaha Guud inuu ka noqdo eeda uu ku soo oogay suxufi Ibraahim Cismaan Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland wuxuu dacwad ciqaab ah ku soo oogay Ibraahim Cismaan Axmed oo ah tafa-tiraha Hangoolnews. Ibraahim waxa lagu eedeeyey inuu “daabacay war been abuur ah iyo af-lagaado.” Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaay dacwadda…

Read More