Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland ee Maanta oo si Gaar ah loogaga Hadlay Xuska 26 June

Hargaysa 23.June 2016 (SDN/QJ):- Shirkii todobaadlaha ahaa ee golaha xukuumadda oo tirsigiisu ahaa 199,  ayaa maanta oo ah 23-June-2016, ku qabsoomay hoolka shirarka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.   Sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada C.raxmaan Sheekh Cilmi Faahiye Shamax Waxaa Shirkan shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa lagu…

Read More

Shacabka Britain oo AFTI u Qaadaya in UK ay ku sii jirto Midowga Yurub iyo in kale

London,23,6,2016 (QJ/SDN) – Britain ayaa Waxaa maanta oo Khamiis ah looga codeynayaa inay UK kasii mid ahaado Midowga Yurub iyo in kale; iyadoo mas’uuliyiinta iyo shacabka dalkaas ay aad ugu kala duwan yihiin inay Midowga Yurub kasii mid mid ahaadaan iyo inay ka baxaan. Goobaha cod-bixinta ayaa furmay aroornimadii hore, iyadoo ay aftidooda dhiibanayaan dad…

Read More

DAAWO: Lamaane Soomaali Ah Oo Soo bandhigay Sirta Jacaylkooda

London,23,6,2016 (QJ/SDN) – Qoyskan ayaa ka hadlay wanaaga Jacaylka iyo sida loogu baahanyahay in aad Lamaanahaaga u muujiso dareenkaaga Jacayl una adeegsato ereyada Macaan ee soo jiidashada leh. Lamaanahan ayaa la magacbaxay Lamaanaha Jacaylka ama (The Somali Love Couple) maadaama ay awoodeen inay jacaylkooda isu muujiyaan, ugana faa’iideeyaan qoysaska kale ee aan weli u suurto…

Read More

Kooxda UN Monitoring Oo Indhahooda Ku Soo Jeediyay Masuuliyiin Somaliland Ah

Hargeysa,23,6,2016 (QJ/SDN) – Kooxda daba-galka Qaramada Midoobay ee warbixinaha u diyaariya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa indhahooda ku soo jeediyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, kooxda UN Monitoring Group waxa ay baadhis ku hayaan sanduuqyada xisaabeed ee xubno ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Sida ay ilahani…

Read More

Khilaaf Cashuureed Oo Ka Dhex Istaadhmay Maayarka Hargeysa Iyo Shirkadaha Biyaha & Sharaabka

Hargeysa,23,6,2016 (QJ/SDN) – Khilaaf ayaa ka dhex istaadhmay dawladda hoose ee Hargeysa iyo qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland, gaar ahaan shirkadaha soo saara biyaha iyo sharaabka. Kulan saacado qaatay oo shalay ka dhacay xarunta wasaaradda daakhiliga oo dhex maray maayarka Hargeysa iyo ganacsatada, ayaa yimid markii ay ganacsatadu ka biyo diideen cashuur ay dawladda…

Read More

Dowladda Ingiriiska Oo Sheegtay In Somaliland Aqoonsigeedu Aanu Micno Sameynayn

London,23,6,2016 (QJ/SDN) – Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan dalkii hore la isugu odhan jiray Somaliya ee hadda u kala qaybsan Somaliland iyo Somaliya Ms. . Harriet Mathews, ayaa xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska ku tilmaantay mid taariikhi ah, taasina ay sababayso in Ingiriisku Somaliland la yeesho xidhiidh gaar ah. Ms.  Harriet Mathews, oo dhawaan su’aalo lagu…

Read More

Maamulka Puntland Oo Amar Adag Dul Dhigay Warbaahinta Ka Hawl-gasha Deegaanadooda

Garowe,22,6,2016 (QJ/SDN) – Wasaradda warfaafinta Puntland ayaa maanta soo saartey qoraal ay warbaahinta ka howl gasha Deegaanada Puntland kaga mamnuucayso inaan waraysi laga qaadi karin dad ay ku sheegeen iney xiriir la lee yihiin kooxaha Daacish iyo Burcad badeed. Qoraalka wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde soo saaray ayaa si caro leh loogu sheegay warbaahintii…

Read More

DAAWO: Magaalada Gabiley Oo Laga Mudaharaaday

Gabiley,22,6,2016 (QJ/SDN) – Magaalada Gabiley ee gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo qafaalashadii lagu sameeyay Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan muuqbaahiyaha HCTV. Mudaharaadkan ayaa ah mid ay shacbigu kaga soo hor jeedan xadhiga ay dawlada Ethiopia  u geysatey Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo telefishanka HCTV uga soo warami jiray…

Read More

SAWIRRO: Boob xooggan oo Loo geystay Dukaamo ay Ajaaniib leeyihiin oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika

Ceptown,22,6,2016 (QJ/SDN) – Degaano ku yaalla duleedka Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ka socday maanta illaa caawa rabshado iyo boob xoogan oo loo geystay goobo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali iyo ajaaniib kale oo ka shaqeysta wadankaas. Wararka ayaa sheegaya in boobkan uu bilowday markii banaanbax cabasho ah ay dhigeen dad shacab…

Read More

Dalka Angola Oo Laga Mamnuucay Islaamka

Angola,22,6,2016 (QJ/SDN) – Dawladda Angola, ayaa ku dhawaaqday in Islaam dalkeeda mabnuuc ka yahay, iyadoo amar ku bixisay in la xidho dhammaan masaajidada dalka ka jira. Wasiirka Dhaqanka Angola, Rose Cruze Silva, ayaa sheegay in masaajidada dalkan Kiristaanku ku badan yahay ka jira dhammaantood la xidhay ilaa inta laga soo saaraayo amar dambe oo dawliya….

Read More

DAAWO: Qaar Ka Tirsan Jaaliyadda DDSI Ee Maraykanka Oo Taageeray Xasuuqii Gaashaamo

Minnesota,22,6,2016 (QJ/SDN) – Oaar ka mid ah jaaliyadda Dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa taageero wayn u muujiyay ciidankii Liyuu Boolis ee xasuuqa ka gaystay deegaanka jaamac-dubad ee Gaashaamo, iyagoona eedayn culus usoo jeediyay shacabka ku dhaqan Gaashaamo. Dadkani oo shirk u qabsadan Minnesota maraykanka ayaa dhaliilo kala duwan usoo jeediyay qaar ka tirsan masuuliyiinta dowladda…

Read More

“Tartanka soo Socda shaki kama qabo Ilaahay idinkiisa siday u eegtahay iyo indhahay leedahay, KULMIYE waa intiisii oo…” – Guddoomiyaha KULMIYE

Hargaysa 22.June 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigiisu mar kale ku guulaysanayo doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee u qorshaysan inay qabsoomaan horraanta sannadka 2017. Sidaana waxa uu Md. Muuse Biixi ka sheegay casuumad afur…

Read More

Safiirada Dowlada Ingiriiska Ee Wadanka Somaliya Oo Ka hadashay Qadiya Gooni Istaaga Somaliland Iyo Qodobo kale oo Xasaasi ah DAAWO

London 22.June 2016 (SDN/QJ):- Safiirka Dawlada Ingiriiska u fadhida Somalia ayaa Wax laga Weydiiyey inay Xafiis Ku leedahay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland, Wada hadalada u Socda Somaliland iyo Somalia,Taageerada Ingiriisku siiyo Somaliland iyo Qadiyada aqoonsiga Somaliland. https://www.youtube.com/watch?v=PsejTx1rw_A

Read More