Kulan Ku Saabsan Anshaxa Toosan Iyo Tebinta Togan oo Madal isugu Keenay Bah’da Warfidiyeenada iyo Culimada ugu Caansan Geyiga Somalida

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):-  Ururka Al-bashiir oo ka shaqeeya dacwada Diinta Islaamka iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa magaalada Hargeysa ka furay kulan muddo saddex maalmood ah soconaya oo ku saabsan sidii saxaafaddu u tabin lahayd warar togan, una ilaalin lahayd anshaxa suuban ee saxaafadda iyo bulshada. Kulankan oo soconaya saddex maalmood ayaa saxafiyiintu…

Read More

Afhayeenkii G.Dhallinyarada WADDANI oo Ku Dhex Xanuunsanaaya Saldhiga Dhaxe ee Hargeysa+ Eheladiisii iyo Mas’uuliyiinta WADDANI oo Laga Hor Istaagay DAAWO

Hargaysa 19.June 2016 (SDN/QJ):- Afhayeenkii garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Dhamme oo isaga iyo dhallinyar kale oo dhawaan dhalliilay heshiiska dekadda Berbera ay maalintii 14 aad maxkamad la’aan ugu xidhan yihiin saldhigga dhaxe ee Hargeysa, ayaa ay aad u adag tahay xaaladda caafimaad ee sarkaalkan. Sida ay noo xaqiijiyeen ehelada Maxamed Siddiiq iyo weliba…

Read More

“Xarunta Xuquuqal Insaanka waxay ku baaqaysaa in xorriyadooda loo soo celiyo afar qof oo loo xidhay aragtidooda oo ay dhiibteen” Bayaanka HRC

Hargeysa 19,June,2016(SDN/QJ):-Xarunta Xuquuqal Insaan ee Madaxa Banaan Human Rigth Center waxay xukuumada iyo laamah Amniga ugu baaqay in xoriyadooda loosoo Celiyo Afar qof oo ay sheegtay in loo xidhay aragtidooda oo ay ka hadleen.   Warsaxaafadeed uu ku Saxeexanyahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaan Mr Guled Dafac oo Nuqul kamid ahi soo Gaadhey xafiiska Warqabadka Shabakada…

Read More

Xukuumada Mileteri ee Masar oo ka Noqotay Daldalaadii Madaxweynihii Hore ee dalka Masar Maxamed Mursi Kuna Xukuntay Xabsi Daa’in

Qaahira, 19,June,2016(SDN/QJ):-Madaxwaynihii Hore ahna Hogaamiyaha Ikhwaanul Muslimiinka Masar,  Maxamed Mursi ayaa Shalay oo  sabti ah lagu Xukumay Xabsi Daa’in. Maxkamada Danbiyada ee Qaahira ayaa ku xukuntay Lix ka mida Ikhwaanul Muslimiinka Dil Toogasho halka laba kalena ay ku xukuntay Xabsi Daa’in ama madaxa haku Furto. Xabsiyada  ku yaala dalka Masar oo xukunka ugu badani yahay…

Read More

Hargaysa: Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Warancade oo Caawa la Weeraray Iyo Cida Weerarkaas ka danbaysay oo la Shaaciyey DAAWO

Hargaysa 18.June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Xili Ku siman Wakhtigii Afurka ee Caawa ayaa Waxay Rasaas Xoogan laga Maqlay Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade oo Ku Yaala Xaafada New Hargaysa. Warku Wuxuu Sheegayaa in Ninka Weerarka gaystay uu ka mid ahaa Ehelada Wasiirka hasa yeeshee Ciidamadu kumay Guulaysan inay Gacanta ku soo dhigaan…

Read More

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Kulamo Diblomaasiyaddeed La Qaatay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Sweden iyo Maayirka Magaalada Stockholm

Stockholm 18.June 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo muddooyinkii dambe socdaal ku joogay dalalka Sweden iyo Finland, ayaa maanta kulamo la qaatay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka dalkaasi Sweden Mr.Tobias Billstrom iyo weliba sida oo kale Maayirka magaalada Stockholm Mr’s. Karin Wanngard iyo…

Read More

Madaxwaynaha, Guddoomiyaha Kulmiye iyo G. Golaha Wakiilada Ahna G. Waddani oo Tacsi u Diray Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse oo Hargeysa ku Geeriyooday

Hargaysa 18.June  2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Geeriyooday Alle ha u Naxariistee Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,…

Read More

Madaxweynaha Kenya oo Magacaabay Guddi ka Shaqeyn Doona Horumarinta Jaadka – Qaadka

Nairobi,18,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha dalkan Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta ayaa magacaabay guddi ka kooban 14-xubnood kaasoo ah guddi farsamo oo ka shaqeyn doona horumarinta jaadka iyo suuq geyntiisa. Guddigaa farsamo ayaa wuxuu shaqeyn doonaa hawlihiisana uu ku soo koobi doonaa muddo 3 bilood ah sida faafin rasmi ah oo dawlada Kenya ay leedahay lagu caddeeyay…

Read More

Al-shabaab oo Xaqiijisay Dilkii Sh. Dul-yadeyn oo ay Toogasho ku dileen Ciidamada Soomaaliya iyo Ajnabi

Muqdisho,18,6,2016 (QJ/SDN) – War-saxaafadeed ay soo saartay Xarakada Al-shabaab ayay ku shaacisay Dilkii Sh. Maxamed Maxamuud Cali [Dul-yadeyn] oo Saraakiishooda Sare ka mid ahaa, kaasoo ay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwo Ajnabi ahaa oo Is-kaashanaya ay ku dileen Horraanteedii bishan deegaanka Buulo-guduud ee Gobolka Jubbada Hoose. Bayaanka Al-shabaab oo ku qornaa Af-Carabi, kana koobnaa Shan…

Read More

Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Hargeysa,18,6,2016 (QJ/SDN) – Alle ha U naxariistee waxa maanta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ku geeriyooday Maxamed Cabdi Iskeerse oo ka mid ahaa Aasaasayaashii xisbiga Kulmiye horena wasiirkii ganacsiga uga soo qabtay  xukuumadii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Iskeerse ayaa muddo xanuun u jiifay Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana dhawr goor halkaasi ku booqday mas’uuliyiin…

Read More

Puntland oo Dil Ku Xukuntay 43 ka mid ah Maxaabiistii Al-shabaab ee lagu Qabtay Dagaalladii Puntland

Garowe , 18,6,2016 (QJ/SDN) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, ayaa Dil ku xukuntay 43-ruux oo ka mid ah Dagaal-yahannadii Al-shabaab ee lagu soo Qabtay dagaalkii Puntland iyo Al-shabaab ku Dhexmarya Deegaannada Xeebaha ku yaalla 14-kii bishii Abriil ee sannadkan lagu jiro. Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland C/llaahi Xirsi Cilmi oo – Cali Barre loo…

Read More

Dowlada Eritrea oo shaacisay tirada Ciidamada Itoobiya kaga dishay Dagaalkii ay la galeen

Asmara,18,6,2016 (QJ/SDN) – Dowada Eritrea, ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaalkii isbuucan ka dhacay magaalada Tsorona ee kutaala xaduuda ay wadaagaan Dalalka Eritrea iyo Itoobiya . War kaso baxay dowlada Eritrea ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ciidankooda ku dileen 200-askari oo Itoobiyaan ah sidoo kale ay ku dhaawaceen in ka badan 300-oo…

Read More

Dadkii ku dhintay Gaadhiga konteynarka ee laga helay Zambia oo la xaqiijiyey in aanay Soomaali aheyn

Zambia,18,6,2016 (QJ/SDN) –  Tahriibayaal maalmo ka hor ku dhintay konteynarka gaari xamuul ah oo lagu qariyey wadanka Zambia ayaa waxaa la soo xaqiijyey ineysan Soomaali aheyn. Dadkan oo tiradooda lagu sheegay 19 ruux ayaa dhintay markii ay ku neef qabatimeen kontaynarka saarnaa gaarigan xamuulka ah oo lagu xiray si loogu qariyo, waxaana gaarigan uu ka…

Read More

SAWIRRO: Madaxweyne Siilaanyo Oo Abaal-marinno Guddoonsiiyey Xufaaddii Qur’aanka Kariimka Ah Ee Kaalmaha Hore Galay

Hargeysa,17,6,2016 (QJ/SDN) – Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland ayaa Afur u sameeyay Ardaydii ka qayb-gashay Tartankii Xiftiga Qur’aanka Kariimka ah ee uu Isagu Maal-geliyey. Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo u dhignaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa markii  labaad sharfay Diinta Islaamka ka dib markuu…

Read More

Xasan Shiikh oo Xeer kusoo saaray magacaabida Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka 2016

Muqdisho,17,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer kusoo saaray magacaabista Guddiga heer Federaal ee Hir-gelinta Doorashada Dadban ee Sannadkan 2016-ka ka dhacaya dalka. Guddigaan oo ka kooban 22-xubnood – ayaa Lix ka mid ah yihiin Haween, Waxayna kala yihiin magacyadooda; Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa 02. Maxamed Jaamac Mursal 03. Xuseen Maxamuud…

Read More

Taxanihii Qisaska Nolosha iyo Tusmadii Xusuus Qor Dhakhtar Ilkood Kala Soco Qurbejoog.com “Ma Leedahay Raxmad kugu Abuuran? {DHAGAYSO}

Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):- Waa Qormadii Taxanaha ahayd ee Xusuus Dhakhtar Ilkood oo ay inoo Soo diyaariso Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Aqoon durugsan u leh Xanuunada Ilkaha kana Shaqaysa Magaalada Hargaysa. Waxay Taxanahan inoogu soo bandhigaysaa Khibrad ay ka heshay Mudadii ay ka shaqaynaysay Mihnada dhakhtarnimo,Waxaana si Joogto ah Taxanahan idiinku soo…

Read More

Isku Shaandhayntii u danbaysay ee Madaxweyne Siilaanyo ku Sameeyo Golihiisa Wasiirada Iyo Magacyada Safka Hore kaga  Jira

Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu 20-ka bisha Ramadaan Sameeyo isku shaandhayntiisii ugu dambaysay lixdii Sano ee uu hoggaaminayay  Somaliland. Isku shaandheynta Madaxweynuhu sameynayo waxay iskugu  jiri doontaa xil ka qaadis, isku beddel iyo in la magacaabo wejiyo ku cusub siyaasadda Xisbiga Kulmiye iyo Somaliland.   Xogahaha…

Read More