Sidee Loo Aasayaa Feedhyahankii Adduunka, Marxuum Muxammed Cali SAWIRRO+DAAWO

Louisville 11.June 2016 (SDN/QJ):- – Kumanyaal ku nool magaalada Louisville ee Kentucky ee Dalka Maraykanka, ayaa macsalaameyntii ugu dambeysay siiyay feedhyahanka caanka ahaa Muxammed Cali oo Alle u naxariistii lagu aasayo Magaalada Louisville, ka dib markii uu toddobaadkii hore geeriyooday isagoo da’diisu tahay 74 jir. Naxashka ciyaaryahanka saddexda jeer ku guuleystay horyaalka miisaanka culus, ayaa…

Read More

Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo looga Dilay Halgan 33 Askari lagana Dhaawacay 64-Askari

Halgan,11,6,2016 (QJ/SDN) – Xaalada deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ayaa xalay iyo maanta deggenayd, kaddib dagaal culus oo shalay ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ku dhex-maray deegaankaas. Tirada dhimashada labada dhinac ayaan weli xaqiiqo dhab ah loo hayn, balse gudoomiyaha deegaanka Halgan, Guhaad Cabdi Warsame ayaa VOA-da u sheegay in markii…

Read More

Haweeneyda Guddoomiyaha u ah Midowga Afrika oo Cambaareysay Weerarkii Alshabaab Ku Qaaday Halgan

Addis-ababa, 11,6,2016 (QJ/SDN) – Haweeneyda guddoomiya u ah ururka midowga Afrika,  Nkosazana Dlamini-Zuma  ayaa cambaareysay weerarkii shalay xarakada Shabaab ay ku qaaday fariisin ay ciidamada Itoobiya ee AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Halgan oo katirsan gobolka Hiiraan. Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaas oo xooggaanaa oo u dhexeeeyay Al-shabaab iyo AMISOM gaar ahaan ciidamada…

Read More

Maxamed Cali Clay oo Meydkiisa Maanta Lagu Aasay Kentucky, Maraykanka

Washington,11,6,2016 (QJ/SDN) – Meydkii feeryahankii caanka ahaa ee Maraykanka Maxamed Cali Clay ayaa maanta oo Jimce ah waxaa lagu aasayaa Kentucky Maraykanka. Waxaa kasoo qeyb galaaya dad badan oo caan ah sida madaxweynaha Turkiga ee Raccep Tayip Ordagon. Allaha u naxariistee Maxamed Cali Clay wuxuu ahaa feeryahan in kabadan kontan jeer feerka culus ku guuleystay, …

Read More

Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Itoobiya oo Qaabab kala duwan uga hadlay Weerarkii Halgan

Halgan,11,6,2016 (QJ/SDN) – Inkastoo la sheegay in Khasaare Culus loogu Geystay Al-shabaab Weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM ee ku yaalla Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa haddana Siyaabo kala duwan ay uga Hadleen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Ammaanka Gudaha Soomaaliya, AMISOM, Dowladda Itoobiya iyo Maamulka deegaanka Halgan. Wasiirka Amniga…

Read More

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo Booqday Xarunta Safaaradii Hore ee Soomaaliya ee Nairobi Kenya

Nairobi,11,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii shalay ahayd kormeer ku tagay xarunta safaaraddii hore ee ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kenya oo dayactir lagu wado. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo ku xigeenkiisa ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay madaxweynaha, R/wasare ku xigeenka xukuumadda, wasiirka arrimaha…

Read More

Dawladda Itoobiya Oo Ciidamo Aad U Hubaysan Soo Dhoobtay Xuduudda Ay La Wadaagto Somaliland Iyo Culays La Saaray Dadka Iskaga Gudbaya Labada Dal Iyo Qaabkii ay Iskugu Dhaceen Labada Gaadhi ee Fidnadu ka Kacday

Gaashaamo 10.June 2016 (SDN/QJ):- Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay Deegaanka Gaashaamo ee ay ka dhacay Dil wadareedka ay fuliyeen Ciidamada Itoobiyaanka ahi ayaa daaha ka rogay in Dawlada Itoobiya ay Culays xoogan saartay isku socodka guud ahaan deegaamadaasi,iyadoo Meydadka dadkii la Xasuuqay, qaarna la aasay qaarna wali ay ka dul barooranayaan eheladii ay…

Read More

Dawladda Oo Sharaxday Qaabka Ay u Waajahayso Nabadeynta Beelihii Ku Diriray Dharkeyn-geeye

Laascaanood 10.June 2016 (SDN/QJ):- Wasiirul dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Somaliland oo gurmad nabadayn ah ku jooga gobolka Sool,ayaa sheegay in nabadayntii ay u tageen gobolka Sool iyo daminta colaada Dharkayn-geeye ee khasaaraha dhalisay ay meel wanaagsan u marayso. Wasiirku…

Read More

Akhri Magacyada Dadkan Hungurigu Ka Hayo Kursigaasi Villa Somalia Iyo Laba Haweena Oo Ka Dhex Muuqda

Muqdisho 10.June 2016 (SDN/QJ):-  Tan iyo markii la galay sannadkan aynu ku jirno ee 2016, waxaa isa soo tarayo musharaxiinta raba in aay u tartamaan jagada ugu sarreeysa JFS oo ah xilka Madaxweyne. Haddaba, waxaa ilaa hadda isa soo sharaxay ilaa iyo afar iyo toban (14) musharax oo sheegay in aay yihiin musharaxiin. Waxaana jira…

Read More

Qaar ka Mid ah Dhallinyarada oo Faahfaahiyey Galdaloolooyinka Heshiiska Xukuumada ee DPW DAAWO

Hargaysa 10.June 2016 (SDN/QJ):- Kulan ay Magaalada Hargaysa ku Yeesheen Qaar ka Mid ah Dhallinyarada dalka ayay kaga hadleen Galdaloolooyinka Ka Muuqda Heshiiska Hordhaca ah ee Maalgalinta Dekeda Berbera. Xafladaas oo si cilmiyaysan loogu falanqeeyay Heshiiska oo Copy ka Mid ah Nuqulkiisa lagu soo bandhigay ayaa Sababay in qaar ka mid ah Dhallinyaradii Goobtaas ka…

Read More

Aragtiyaha Dadweynaha Ku Nool Magaalada Hargaysa ee Dagaalada ka dhacay Degmada Gaashaamo ee Kililka 5aad ee Itoobiya DAAWO

Deegaanka Jaamac Dubad 10.June 2016 (SDN/QJ):-Dadweynaha Kala Duwan Ee Ku Dhaqan Caasimada S/land Ee Hargeysa ayaa Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyey Dadkii Lagu Laayey Degaanka Jaamac Dubad ee Degmada Gaashaamo ee Kililka Shanaad ee Dalka Itoobiya. https://www.youtube.com/watch?v=_TiFSbiRvSE&feature=share

Read More

“Xadhiga Iyo Dilka Loo Gaysto Qoomiyada Somalida Wuu Ka Gadisan Yahay Kuwa Loo Gaysto Qoomiyadaha Kale Ee Dalkeenan Itoobiya” Madaxweyne Iley

Jigjiga 10.June 2016 (SDN/QJ):- Hadal qoraalkan ciwaanka aan uga dhigay qormadaydan waxa uu ka mid yahay hadalo uu ku hadlayay madaxweynaha kililka shanaad ee itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar Ilay. Goorta uu hadalkan jeedinayay waxa uu la hadlayay dadwaynaha ku nool magaalada jigjiga iyo guud ahaan umadda somaaliyeed ee ku dhaqan kililka shanaad oo kala socday…

Read More

Muwaadin Reer Laasqoray Ah Oo Sheegay In Ay Caddaymo U Hayaan Fadeexadda Uu Wasiir Buureed Ku Kacay

Hargaysa 10.June 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga Cali Maxamuud Jaamac (Buureed) ayaa gabi ahaanba Musuq maasuqay Qalab kaluumaysi oo la sheegay in Xukuumaddu ugu dhiibtay Ganacsatada Kaluumaysiga Dekeda Laasqoray ee Somaliland,waxaanu sida la sheegay Wasiirku qalabkaasi uu u iibsaday Qaab Private ah oo uu lacagtii uga soo xerootay uu jeebka ku shubtay, Isagoo qalabkaasi sida…

Read More

“Agaasimaha Guud Ayaa u Sabab Ah Inay Wasaaradda Deegaanku Ilowdo Xafiiskeeda Laascaanood” Cabdi Xirsi Jiir

Laascaanood 10.June 2016 (SDN/QJ):- Maamulaha Wasaaradda Deegaanka ee Magaalada Laascaanood, Cabdi Xirsi Jiir, ayaa sheegay in xarunta wasaaradda Deegaanka ee gobolka Sool in aanay shaqayn isla markaana shaqadii ay qaranka u qaban la haayeen uu fadhiid ka dhiigay Agaasimaha guud ee wasaaradaas oo uu ku eedeeyay in aanu wax wada shaqayn ahba la lahayn gobolka…

Read More

Sool: Askari ka Tirsan Ciidanka Qaranka oo Lag Dilay Degmada Xudun

Xudun 10.June 2016 (SDN/QJ):- Askari ka tirsan ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhigoodu yahay degmadda Xudun ee gobolka Sool, ayaa shalay toori uu ku dilay askari kale oo ay isku xero ka wada tirsanaayeen. Wararka ka imanaya jiida dilku ka dhacay ayaa sheegaya in ALLE ha u naxariistee Marxuum-Maxamed Dube Maxamuud uu ku geeriyooday dhaawacyo…

Read More