Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid oo Naqdiyey Doodii Qareenada ee Garabka Faysal iyo Qodobo uu Cuskaday DAAWO

Hargaysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa Naqdiyey Qaabka Qareenada ka socday Dhanka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid inay Awoodii Xisbiga ku soo Koobeen laba Qodob. https://www.youtube.com/watch?v=NDt1fRAI198&feature=player_embedded

Read More

Xiisaha ku Lamaan Su’aalihii ay Gudida Ansixinta Xisbiyada Qaranku Weydiiyeen Labada dhinac ee Khilaafka Xisbiga Ucid DAAWO

Hargaysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): –Waxaa Maalintii Shalay Gudida Diiwaangelinta Iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranku ay Gudo galeen Ka Garnaqista Dacwada Mudada dheer soo socotay ee dhex taala Xisbiga Ucid. Labada Dhinac ee Khilaafku ka Dhexeeyo ayay Madashaasi Su’aalo ku Weydiiyeen. https://www.youtube.com/watch?v=-UauxzwZL8E

Read More

Jamaal Cali Xuseen Oo Wacad Ku Maray Inaanay Doorasho Dalka Ka Dhacayn Hadii Aan Cadaalad Looga Gar Niqin Dacwada Xisbiga Ucid DAAWO

Hargaysa 13.June 2016 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka dareen Celiyay Sida uu u arko Khilaafka Xisbiga Ucid ee ay Garnaqisa ku hawlan yihiin Gudida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka. https://www.youtube.com/watch?v=ZCi67R4caNM

Read More

“Halkan baa Sacab naloogu Tumay iyo Hablahaa I Jecel,Waa la ii footaynayaa Waxaas Murashax lagu Noqon Maayo” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe DAAWO

Hargaysa 13.June 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Mar uu Shalay ka hadlayay Madashii Garnaqa Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen Waxa uu ku celiyey inaanu haba yaraatee Jamaal ahayn Murashax. https://www.youtube.com/watch?v=zGqIcWMg9C0

Read More

Kulankii Komishanka, Soo Jeedintii Muuse Biixi Ee  Kala qaadista Doorashada Baarlamaanka Iyo Madaxtooyadda, Taageeraddii Faysal C Waraabe  Iyo Diidmaddii Waddani

Hargaysa 13.June 2016 (SDN/QJ):-Komishanka doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa shalay kulan wadahadal ah oo ay isku hor fadhiisteen kaga wada hadalay arrimaha diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo doorashooyinka, isla markaana kulankaa waxa hogaaminayay komishanka doorashada oo u yeedhay sadexda xisbi qaran. Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay oo…

Read More

Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland oo ka Hadlay Doorashooyinka Is barkan ee Madaxtooyada iyo Wakiiladda in la Kala Qaadayo DAAWO

Hargaysa 13.June 2016 (SDN/QJ):- Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay in la Kala Qaadayo Doorashooyinka Is barkan ee Sannadkan inagu soo Fool leh ka dhici doona Somaliland Waxaanu Sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyeen Qadiyada Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiiladda oo…

Read More

“Ina Cali Waraabe Qolada Irbadda Sunta Ah Kaga Soo Mudda Xaga Burco Iyo Barigeeda.. Allaylahey Kanaa waali Cas Ah.”Cali Guray

Hargaysa 13,June 2016 (SDN/QJ):- Saaka ‘’Shalay’’ waxan aad ugu qoslay Qareenadii Faysal oo Khilaafka UCID garan waayay cidda dacawaynaysa Faysal. Lakiin lamaan yaabin waayo dacawad madani ah ayay ka fakirayeen sidii nin kiradii guriga iska bixin waayay oo ninkii guriga lahaa dacwaynayo. Kamay ahayn aqoon lakiin dee wixii ay ku difaaci karayeen wax aan difaac…

Read More

Hanuuniyihii Beenta ee Hitler, Joseph Goblous, (Xogta Dahsoon) DAAWO

Hargaysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): –Bold joseph Goblous waxa uu sanadkii 1897 ku dhashay magaalasa brussia ee dalka Jarmalka isagoo ka soo jeeday qoys dabaqada dhexe ah, umana suurogelin in uu dagaalkii koowaad ee dunida ku biro ciidanka Jarmalka, markii uu dagaalkaasi marayey meeshiisii ugu adkayd ayaa Joseph goblous waxa uu ku biiray xisbigii naasiga, inkastoo…

Read More

Mashruucii Xukuumaddu Dabada Ka Riixi Jirtay Ee Banka Qoolcaday Oo Gabi Ahaanba La Kansalay Iyo Lacagtii Mashruucaasi Oo Meel Kale Loo Duway

Hargeysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): –Mashruucii shaqaaqadu dhawaan ka dhacday, Muddadana Muranku ka taagnaa ee ay dadka deegaanka iyo xukuumaddu isaga hor iman jireen ee Banka Qoolcaday ayaa gabi ahaanba la kansal gareeyey kadib kulankii dhawaan ku qabsoomay Caasimadda Hargeysa ee Isu-duwidda Deeqaha Somaliland hesho ee Mashruuca SDF kaasi oo warar xog ogaal ahi sheegeen in…

Read More

Hargaysa: Ammaanka Masaajidka Cali Mataan Oo Dawladdu Adkaysay Iyo Sheekh Maxamed Aadan Oo Ka Hadlay DAAWO

Hargeysa, 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ah Khadiibka Masaajidka badhtamaha Caasimadda Hargeysa ee Cali Mataan , ayaa ka hadlay Dedaallo Ciidammada Booliisku ku sugayaan ammaanka Guud ee Masaajidkaasi, maaddaama oo lagu jiro Bisha Ramadaan isla-markaana Dadka Masaajidka ku cibaadeystaa badan yihiin, jiraana Tuug iyo Dad Waalan oo Mararka qaarkood Dadka dhiba….

Read More

Dhageysiga Dacwad ay Madaxtooyadu dabada ka riixayso Loona  Haysto Wargeyska FOORE Oo Isniinta Maanta Furmaysa

Hargaysa 13.June 2016 (SDN/QJ):- Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa Muddaysay Dacwad ciqaab ah oo lagu oogayo Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE, Wakhti Guddoomiyaha Wargeyska FOORE damaanad dibadda ku joogo kadib xadhigii dhawaan loo gaystay. Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamaddaasi Mudane Garyaqaan Axmed…

Read More

Magaca Nin Kooxda Al-shabaab U Gawracday Inuu Hoggaamiyahoodii Geeriyooday Ku Soo Hagay Diyaaradihii Maraykanka Ee Duqeynta Ku Khaarajiyey

Muqdisho, 13 June, 2016-(SDN/QJ): – Al-shabaab ayaa Afar Ruux oo rag ah oo ay Sheegtay inay ahaayeen basaasiin ku toogtay Doraad gellinkii dambe deegaanka Buulo-fulaay oo ka tirsan gobolka Bay. Dilkan oo isugu jiray Toogasho iyo Gawrac, ayaa waxa fulisay Maxkamad Al-shabaab leedahay, iyadoo Toogashadooda ay goobjoog ka ahaayeen dadweyne badan oo ka mid ah…

Read More

Huteel Lagu Caweeyo oo Ku Yaal Magaalada Orlando ee Maraykanka oo Nin Hubaysani ku dilay 50 Qof iyo Tiro taas ka badan oo dhaawac ah

Orlando 12.June 2016 (SDN/QJ):-Konton Qof ayaa ku dhintay ilaa iyo 53 Kalena way ku dhaawacmeen kadib markii nin lagu magacaabo Cumar Mateen uu Weerar ka gaystay Goob lagu Caweeyo oo ku taala Magaalada Orland kaas oo markii danbe la dilay. Weerarkan oo saqdii dhexe ka dib ka dhacay magaalada Orlando, gobolka Florida ee dalka Maraykanka…

Read More

Shaqaalaha Soomaalida Ee Waddamada Khaliijka Carabta Oo Halis Ku Jira Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Dubai,12,6,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo dhawaan la saxiixay heshiis cusub oo dhigaya in shaqaale guryaha ka shaqeeya oo Soomaali ah oo dhan 600  ilaa 1,000 loo diro Sacuudiga bishaan Ramadaan ayaa bishaani sideedaba ay shaqo badan tahay. Sidaas waxaa qortay jariidada the New Arab. Taas waxaa u sabab ah shaqada cunno karinta oo badan bishaan barakaysan…

Read More

Haweenka Soomaaliyeed oo lagu boorriyay inay ka qayb-qaataan doorashooyinka Dalka

Muqdisho, 12,6,2016 (QJ/SDN) -Kulan lagu qabtay Muqdisho ayaa loogu baaqay Haweenka Soomaaliyeed inay ka Qayb-qaataan Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorashada la Filayo inay Somalia ka dhacdo daba-yaaqada 2016-ka. Xubnihii ka qayb-galay kulankan ayaa waxaa ka mid ah; Taliska AMISOM, Waxaana lagu dhiirri-geliyay Haweenka Soomaaliyeed inay u kacaan sidii ay xuquuqdooda u soo dhacsan lahaayeen; ayna qayb…

Read More

Xil. Koorre Oo Ciidamada Qaranka Ku Amaanay Doorka Ay Ka Qaateen Nabadayntii Dharkeen-Geenyo

Hargeysa,12,6,2016 (QJ/SDN) – Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Xaaladii ugu dambaysay ee dagaalkii ka dhacay Dharkeen-geenyo, waxaanu baaq nabadeed u diray Labadii Beelood ee halkaas ku dagaalamaya, waxaanu ugu baaqay inay colada soo afjaraan, oo nabadgalyada qaatan, waxaanu Xukuumadda iyo Ciidamada Qaranka ugu mahadnaqay doorka ay…

Read More

Ismaaciil Buubaa Oo Sheegay In Waddada Loo Maray Aqoonsi Somaliland Ay Mugdi Sii Gelisay Qadiyadda, Farriinna U Diray Saaxiibkii Cali Khaliif Galaydh Iyo Itoobiya

Hargeysa,12,6,2016(QJ/SDN) –  Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta ruug-caddaaga ah ee Somaliland ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya waxa uu kaga hadlay dhacdadii lagu laayey dadka maatida ah ee Deegaanka Gaashamo, waxaanu ku taliyey sharciga la hor keeno dadkii dhibkaas gaystay, dagaalkii ka dhacay Dharkeen-geenyo isaga oo uu si gaar ahna fariin waano…

Read More

Madashii Maanta ee Ka Gar-naqa Khilaafka Xisbiga Ucid,Doodihii dhinacyada Muranku u dhexeeyo Iyo Muuqaal Sir ah DAAWO

Hargaysa 12,June 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa ka Furmay Ka Garnaqista Dacwada u dhaxaysa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Waxaana Gacanta ku haya Kiiskan Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka . https://www.youtube.com/watch?v=iIXj8Au26jA https://www.youtube.com/watch?v=LjEjkIvkaxc

Read More