Khudbaddii R.Wasaare K/Xigeenka ee Kulanka Horu-marka iyo Dib u Dhiska Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka (SDRF)
Muqdisho, February 15, 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carte oo maanta shir gudoominayay shirkii Horu-marinta iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka (SDRF Meeting) ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan qorshayaasha horu-marineed ee ka socda guud ahaan dalka Somaliya. Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socda dawlad goboleedyada sida Puntland, Galmudug, Jubbaland,…
