“Ma jiro wax heshiis ah oo aan gaadhnay Beesha Caalamka” Madaxweynaha Puntland C.weli Gaas DHAGAYSO

Garowe 12. February,2016(SDN/QJ):– Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay  in uusan  jirin wax heshiis oo ay la gaareen xubnaha beesha caalamka ee cadaadiska ku saarayay  Puntland in ay ogolaato go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga hanaanka doorashooyinka 2016-ka. Cabdiweli Gaas  ayaa sheegay in…

Read More

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay Kulan Guddoomiyaha KULMIYE la yeeshay Odayaasha Gobolka Gabiley & la Xisaabtanka Shacabka looga baahan

Hargaysa 12. February,2016(SDN/QJ):– Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay kulan Guddoomiyaha KULMIYE toddobaadkan la yeeshay Odayaasha Gobolka Gabiley.   Jamaal, ayaa qoraal dheer oo uu arrinkaasi iyo arrimo kale kaga hadlay, waxa uu ku yidhi, “Waxaa aad ii soo jiitay kulan ay odoyaasha Gobolka Gabiley la yeesheen…

Read More

Somalida Ku dhaqan Magaaladda London oo Dibad bax ka dhan ah Ciidamadda Kenya ee Ku Sugan Gudaha Somalia ka hor dhigay Safaaradda Kenya ee London DAAWO

London 12. February,2016(SDN/QJ):– Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ayaa Mudaaharaad ka hor-dhigay Safaaradda ay Kenya ku leedahay magaalada London, iyagoo dalbanaya in ciidamada Kenya ay ka baxaan Soomaaliya. Dibadbaxayaasha oo tiradoodu ay kor u dhaafaysay 250-qof oo Haween iyo ilmo u badnaa ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya ee Somalia ku sugan ay dhibaato ku hayaan Shacabka…

Read More

 “Degmada Xariirad Way Ka Arradan-tahay Adeegyada Bulshada,Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Reer Xariiirad Way kuu soo Ducaynayaan” Nimco Cali Gurey

Xariirad, 12. February,2016(SDN/QJ):– Wefti ay hogaaminaysay Marwo Nimco Cali Amarkaak (Nimco Cali-Guray) oo madax ka ah samafalayaal is abaabulay ayaa waxay xadhiga ka jareen Kayd Biyood laga dhisay magaaladda Xariirad. Sidoo kalena waxay dib-u-habeyn ku sameeyeen Dugsiga Sare Ee Aadan Bille Secondary School, oo ay Jiingada ka qaaday Dabeylo xoogan. Deeqdan oo kala ahayd Kay-biyoodka…

Read More

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Booyado Biyo ah ugu Deeqay Dadka Abaarahu Sameeyeen Ee Gobalka Gabiley

Gabiley 12. February,2016(SDN/QJ):– Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in deegaanada abaarahu ay saameeyeen ee gobalka Gabiley ay ugu deeqeen 10-Booyaddood oo biyo ah, ka dib markii uu Shalay la Kulmay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi Xili uu ku sii…

Read More

Shabakadda Xidhiidhka Bulshadda ee Twitter-ka oo Is bedelo Mug leh lagu Samaynayo

Hargaysa 12. February,2016(SDN/QJ):– Barta Bulshadu ay ku xiriirto ee Twitter-ka ayaa la sheegtay inay ka fakareyso inay is-beddelo sameyso, si ay adeegsiga bartan uga dhigto mid fudud oo cid walba ay adeegsan karto.   Arrintan ayaa imaanaysa, kaddib markii Warbixintii ugu dambeysay ee la soo saaray ee ku Saabsanayd Wax-qabadka Barta Twitter-ka ay Muujisay in…

Read More

Gudoomiye C.raxmaan Cirro iyo Weftigiisii oo Gaadhay Magaaladda Boorama Isla markaana Khudbad Diiwaangelinta Codbixiyeyaashana u Jeediyey Ardayda ka Hawlgalaysa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha DAAWO

Boorama 11. February,2016(SDN/QJ):– Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Wefti Miisaan leh oo ka tirsan Xisbigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Boorama oo ay u Tageen Bilowga Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo si rasmi ah Gobolkaasi uga Bilaabmi doonta Maalinta Sabtida ee Taariikhdu Tahay…

Read More

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo si Qoto dheer uga hadlay Taariikhda Faca weyn ee Jaamacadda Camuud ugu Fadhido Dalka Somaliland Iyo Xusuustiisii Beri-Samaadkii DAAWO

Boorama 11. February,2016(SDN/QJ):– Gudoomiyaha Xisbiga Taladda dalka haya ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Ku Sugan Magaaladda Boorama isagoo Xubin ka ah Wefti uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa Maanta ka hadlay Madal lagu daah furayay Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Goboladda Awdal iyo Salal ka Bilaabmi doonta Maalinta Sabtida ayaa si faahfaahsan uga…

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyadda kula Kulmay Qaybaha Ganacsatadda dalka kuna Guubaabiyey inay Kaalintooda ka qaataan Gurmadka Abaaraha

Hargeysa 11. February,2016(SDN/QJ):– Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa Waxa uu ka hadlay Kulan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Maanta Qasriga Madaxtooyadda Kula qaatay Ganacsatada kala duwan ee dalka Isla markaana uu Ku Guubaabiyey inay doorkooda ka qaataan Gurmadka Loo fidinayo dadka ku tabaaloobay abaaraha ka Jira dalka. Wasiirka Madaxtooyadda…

Read More

Shir looga Hadlay Maamulka Hawada Somalia oo lagu Qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Nairobi — Shir looga hadlay Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana qodobbada Shirkaan looga hadlay ka mid ahaa sidii maamulka Hadawa Soomaaliya oo muddo 20-sano ka badan ah laga hagayay Kenya loogu wareejin lahaa gacanta Dowladda Somalia. Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta hay’adda Maamusha Hawada Somalia…

Read More

“Gobolnimada Gabileyna Haddii Ay Golaha Soo Hordhigaan Qofka 1aad Ee Ansixinaya Ayaan Ahay,Aniga Oo La Kaashanaya Mudanayaasha Golaha Wakiilada” Gudoomiye Cirro

Gabiley 11. February,2016(SDN/QJ):–Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo wefti uu hoggaaminayo oo  saaaka aroortii hore gaadhay magaalada Gabiley,ayaa  sheegay inuu  noqonay qofka 1aad ee ansixinaya Gobolnimada Gabiley,haddii ay Xukuumadda KULMIYE soo hordhigto golaha wakiilada Somaliland, isagoo sheegay inuu la kaashan doono mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland,waxaanu sheegay in aanay Xukuumadda KULMIYE…

Read More

Dawladda Ingiriiska Oo Mar Kale Cusboonaysiisay Digniinta Ammaanka Somaliland

Hargeysa — Dawladda Ingiriiska ayaa cusboonaysiisay digniin amni oo la xidhiidha inta badan magaalooyinka Somaliland, waxaanay muwaadininteeda u sheegtay inay tagi karaan oo keliya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo iyagana ay sheegtay in loo tagi karo arrimo muhiim ah. Digniintan amni oo ay wasaaradda arrimaha dibadda, waaxdeeda socdaalka dibadu cusboonaysiisay 9 february, waxa ay ka…

Read More

Telefishanka Press Tv oo Barnaamij Gaar ah ku eegay in Somaliland heli karto Aqoonsi DAAWO

Hargeysa 11. February,2016(SDN/QJ):– Africa Today Waa Barnaamij uu Baahiyo Telefiishanka caalamigaa Press Tv Dhawaan Waxa uu barnaamijkaas kaga Hadlayey Mawduuc uu Cinwaan uga dhigay “Should Somaliland win international recognition?” ama “Somaliland Ma Heli Kartaa Ictiraaf caalamiya” . Wuxuu Barnaamijku ka hadlayaa Waxyaabihii Somaliland u qabsoomay Mudadii ka danbaysay Markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day…

Read More

“Waxa Ayaan Daro Ah In ay Saylici Iyo Muuse Biixi Ay Khayriyada Borama Ay Ka Qudbadeeyaan Iyada Oo Cidi Joogin Jewi Gabaxna Kal Kulmay Magaalada Borama..”Siyaasi Saleebaan Qolombi DAAWO

Boorama 11. February,2016(SDN/QJ):– Siyaasi Saleebaan Qolombi ayaa sheegay in Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ay Weji Gabax kala kulmeen Fagaaraha Khayriyadda ee Boorama oo ay Maalintii Shalay Gaadheen.

Read More

Gudoomiye Cirro oo Saaka u ambo baxaya Gobolka Awdal oo ay ka bilaabmi doonto Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Hargeysa 11. February,2016(SDN/QJ):– Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta safarkii sama-wade lugtiisii labaad ugu socdaalaan gobolada galbeedka dalka. Md C/raxmaan cirro iyo wefti uu hoggaaminayo,ayaa safarkan sama-wade la magac baxay lugtisii hore ku soo gaala bixiyey gobolka Togdheer iyo deegaanada…

Read More