Aqoonyahan Mohamed Hagi oo si aqooni ku dheehan tahay uga hadlay xadhiga ganacsade Cumar Caydiid
London Feb 04,2016(SDN/QJ)-Aqoonyahan Mohamed Hagi oo ku takhasusay culuunta dawlad wanaaga ayaa si cilmiyeysan uga waramay xariga ay xukuumada Somaliland u geysatay ganacsade Cumar Ceydiid. “Xadhigga ganacsade Cumar Caydiid, waa mid runtii aad looga xumaado. Ceeb bay dawladnimada ku tahay in sharciga iyada laga ga Cawdo. Xuquuq ka qaadidda qof muwaadin ah oo waliba maal-galiye…
