Baarlamaanka Ingiriiska Oo Fadhi Uu Goob Joog Ka Ahaa Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Cameron Kaga Dooday Qaddiyada Somaliland Iyo Dib U Dhaca Doorashooyinka
Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Isniintii 25 January 2016, waxa lagaga dooday qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, doorashooyinka dib u dhacay iyo arrimo kale oo khuseeya Somaliland. Doodda Somaliland waxa golaha hordhigay oo bilaabay xildhibaan Stephen Doughty oo laga soo doorto Cardiff South iyo Penarth oo ay dadka reer Somaliland oo badani degenyihiin kuwaas oo uu codkooda ku fadhiyo,…
