Guddoomiye C/raxmaan Cirro Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo U Amba baxay Gobolka Tog-dheer

Hargaysa, 19 January, 2016-(SDN/QJ): –Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah Ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo wafti culus oo uu hoggaaminayo ayaa hadda safar shaqo ugu kicitimay gobolka Tog-dheer. Mr C/raxmaan Cirro oo maanta ka soo laabta safaro shaqo oo uu ugu maqnaa dalka debadiisa ayaa isla markiiba u amba-baxay magaalada…

Read More

“Xeerkan Baananka ee Golahayga horyaala waa qayrul sharci, waa qayrul dastuuri, waa ribo,dagaal ayaan la galayaa” Xildhibaan Maxamed Saalax Cige

Hargaysa, 19 January, 2016-(SDN/QJ): – Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Xeerka banaanka ee dooda iyo muranka adag dhaliyey, waxaanu sheegay in Xeerkani uu yahay mid ribo ah, oo Shareecada iyo Dastuurka Somaliland ka hor imanaya,waxaanu tilmaamay inuu Culimada ku taageersan yahay go’aankii ay ka soo saareen….

Read More

Xarakada Al-shabaab oo Toogatay Laba Ruux oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen DF iyo AMISOM

Muqdisho,19Jan,2016(QJ/SDN)-Al-shabaab ayaa toddobaadkan horraantiisii waxay fagaare ku yaalla gobalka Shabeelada Hoose ku dishay labo qof oo ay ku eedeysay inay la shaqeeya ciidamada AMISOM iyo dowladda federaalka. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha uu dilku ka dhacay, iyadoo labada qof ee la toogtay oo rag ahaa lagu kala magacaabi jiray; Cabdi Eeney Deerow oo…

Read More

Ciidammada Ammaanka Somaliland oo qabtay 46 Tahriibayaal Itoobiyaan ah

Go’da-wayn, 19 January, 2016-(SDN/QJ): – Maamulka degmada Go’da-wayn iyo Ciidammada Ammaanka, ayaa gacanta ku dhigay Tahriibayaal tiro badan oo hab sharci daro ah loo dhexmarinayay Somaliland, kuwaasi oo u dhashay Dalka Itoobiya. Tahriibayaashan oo saarnaa laba gaadhi oo NOHA ah, waxaana in gacanta lagu dhigo fududeeyay kadib markii ay isku dheceen baabuurta Tahriibayaashu saarnayeen iyo…

Read More

Maydadka Askar Kenyaan lagu dilay Weerarkii Ceel-cadde oo la geeyey Nairobi SAWIRRO

Nairobi,19Jan,2016(QJ/SDN)-Abaarihii 10-kii Fiidnmimo ee xalay Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi ka degatay Diyaarad Xamuul oo waday maydadka 4 Askari oo ka tirsan Ciiddankii Kenyaanka ee lagu dilay weerarkii ay Alshabaab dhawaan ku qaadeen Saldhig ku yaalla Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo. Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalkaasi, Raychelle Omamo ayaa sheegtay…

Read More

Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa Oo Toogasho Ku Dilay Wiil Dhalinyaro Maxbuus Ahaa

Hargeysa,19Jan,2016(QJ/SDN)-Ciidanka booliska saldhiga Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ayaa goordhaweyd toogtay laba maxbuus oo dhalinyaro ahaa, iyadoona mid ka mid ah dhalinyaradaasi uu isla markiiba geeriyooday halka kii kalena uu soo gaadhay dhaawac halis ahi. Dhalinyaradan oo ahaa maxaabiis laga keenay maxkmadda magaalada Hargeysa ayay waxay isku dayeen inay ka baxsadaan gaadhi xaajiyad ahaa oo…

Read More

Dawladda Ingiriiska oo Haweenka Muslimiinta ah culays ku saaraya inay bartaan luqadda Ingiriisiga

London, January 16, 2016-(SDN/QJ) :– War  Shalay lagu daabacay Jariiradda The Times ayuu Raysalwasaaraha UK David Cameron kaga adlay qorshe cusub oo ay xukuumaddiisa soo wado, kaasi oo lagu cadaadinayo haweenka Muslimka ee dalkaasi ku dhaqan inay bartaan luuqadda Ingiriiska. Qorshahan ayaa qeexaya in haweenka muslimka ah haddii ayna luuqada dalka lagaga  hadlo baran ay…

Read More

Somaliland: Nin Xalay Lagu Toogtay Magaalada Hargeysa Iyo Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay

Hargeysa,19Jan,2016(QJ/SDN)-Nin ayaa xalay lagu dilay magaalada Hargeysa, waxaana lagu toogtay rasaas. Ninkan ayaa lagu toogtay meel dhinaca galbeed ka xigta garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium, waxaana la sheegay in lagu dhuftay rasaas uu markiiba u geeriyooday, lamana xaqiijin xalay magaciisa marka laga reebo haybtiisa guud. Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan…

Read More

Xukuumadda Kenya oo sheegtay inay duqeysay Saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Soomaaliya

Nairobi,19Jan,016(QJ/SDN)-Iyadoo xoogag taabacsan Al-shabaab ay ku qaadeen weerar saldhig ay ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayna ku dileen sida ay sheegeen in ka badan 100-askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayay ciidamada waxay markii ugu horreysay sheegeen in ay duqeeyeen saldhig ay Al-shabaab leedahay. Taliyaha ciidamada Kenya ayaa sheegay in duqeyntan…

Read More

Maamulka Falastiin oo xidhay Masuul ka tirsanaa oo Basaasnimo ugu adeegayey Israel

Falastiin, 19 January, 2016-(SDN/QJ) :– Waxaa Axaddii Doraad Xabsiga loo taxaabay mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Falastiin, kaasi oo la sheegay inuu si qarsoodi ah ugu basaasi jiray Isra’iil. Jariirada Al Ayyam ee kasoo baxda dhulka Falastiin, ayaa sheegtay in mas’uulkan oo aan weli magaciisa la shaacin uu muddo 20 sano ah u soo…

Read More

Dawladda Somaliland waa inay joojiso xadhiga iyo cabsi gelinta ay ku hayso suxufiyiinta, isla markaana waxa ku waajib ah inay ixtiraamto Dastuurka Somaliland

Hargaysa, 19 January, 2016-(SDN/QJ): –Gudoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Association (SOA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa waxa cambaareeyey Xadhiga ay xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO kula kacday Weriye Cabdi Maalik Coldoon oo ka mid ahaa Suxufiyiinta ka hawlgala Gobolka Togdheer  oo lagu xidhay sifo ka baxsan sharciga, isla markaana ugu baaqay xukuumadda inay si…

Read More

Diyaaradaha Dagaalka dalka Kenya oo billaabay Raadinta Askar kaga maqan Koonfurta Somalia

Muqdisho,18Jan,2016(QJ/SDN)-Ciidamada Kenya ayaa billaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan askar ku lumay weerarkii Al-shabaab ku qaaday saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-Cadde Jimcihii lasoo dhaafay. Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa sheegtay in howlgalkan u yahay mid Cirka iyo Dhulka isugu jira oo ay ku raadinayaan ciidamada ka maqan, kuwaasoo ay ku sheegeen inay ka carareen saldhigga markii ay…

Read More

“Ciidanka qaranku meesha ay tageen waa Somaliland, xaq ayeyna ciidanku u leeyihiin inay tagaan meel kasta oo Somaliland ah, wayna tegayaan” Gudoomiye Baashe

Hargaysa 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa caddeeyey in aanay mudanayaasha goluhu ansixin doonin xeer ka soo horjeeda shareecadda islaamka iyo dastuurka dalka. Md. Baashe oo saxaafadda la hadlay shalay, waxa uu sheegay inay kulan yeesheen culimada Somaliland, wadahadalna ka yeesheen qabyo-qoraalka xeerka bangiyada ganacsiga oo…

Read More

Soomaaliya oo lacag ka heshay Sacuudiga maalin kaddib markii ay Xidhiidhka u jartay Iiran

Muqdisho 18.Jan 2016 (SDN/QJ): –Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaal marin uga heshay Boqortoyada Sacuudiga Carabiya lacag gaareysa konton milyan oo dollar maalintii ay ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyada u jartay dowlada Iran. Wakaalada  Wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay heshay dukumeenti cadeynaya  lacagta la siiyay dowladda Soomaaliya. Wasiirka maaliyada ee xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Aden…

Read More

Kenya oo Raacdo ugu Jirta Askar Ciidamaddooda ka Tirsan oo Lagu Waayay Deegaanka Gedo Iyo Alshabaab oo Sheegtay inay Gacanta ku hayaan askar Kenyaan ah

Kismaayo 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Ururka Al-Shabaab ayaa shalay sheegtay in askar Kenyan ah ay ku qabsadeen weerarkii ay toddobadkii tagay ku qaadeen saldhig milatariga Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo. Saraakiisha Kenya oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inay qaadeen howgal cir iyo dhul ah oo ay ku baadi doonayaan askar ka…

Read More

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Xaglo Toosiye Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Buuhoodle,Xili ay Ciidamadda Qaranku Afarta Jihaba ka fadhiyaan Magaalada Buuhoodle

Buuhoodle 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Mudane Dr Saleebaan Ciise Xaglo toosiye ayaa Gaadhay Magaalada Buuhoodle . Waxaana uu Wasiir Xaglo toosiye Kala kulmay Soo Dhaween balaadhan iyadoo uu magaaladana uu ku suganyahay Cali Khaliif oo ku hawlan sidii uu hurin lahaa Colaado aanay bulshadu Deegaankaasi u baahnayn wakhti xaadirkan . Xaglo Toosiye…

Read More

R.Wasaare Cumar oo Cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Ceel-Cadde

Muqdisho, January 18, 2016 (SDN/QJ):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen fariisin ay Ciidamadda AMISOM ee ka socda dalka Kenya iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Ceel-cadde ee gobolka Gedo. “Waxaan tacsi u dirayaa ehelada…

Read More