Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii – 2016ka)
“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye, Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’, Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’, Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye, Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye, Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye, Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede, Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye, Waxan…
