Qiimaha Shidaalka Oo 12 Sanno Halkii U Hoosaysay Ka Gaadhay Dunida Iyo Somaliland Oo Aan Laga Dareemin
Hargaysa 18.Jan 2016 (SDN/QJ):- Shidaalka oo qiimihiisu tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore aad hoos ugu sii socday ayaa mar kale qiimo dhac weyn uu ku yimid maalmihii u dambeeyey, waxa aanu gaadhay halkii ugu hoosaysay 12 sano, taas oo hoos martay Soddon Doolar foostadii. Qiimaha Foostada Shidaalka ah ayaa salaasadii toddobaadkii dhowaa hoos uga dhacay 29.91…
