|

Ismaandhaafka u dhexeeya Punt land iyo Dawladda Federaalka oo Gudi loo saaray

Garowe 03.April 2014 (SDN)- Shirka gollaha wasiiradda oo uu shir gudoominayay madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa maanta looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin ammaanka,macaha madow ee gaadiidka lagu dhajiyo iyo khilaafka Puntland iyo DF.

wasiiraddaWasiiradda ayaa si qoto dheer uga hadlay arinta khilaaf ku saabsan ee u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxana loo saaray guddi wasiiro ah oo aan lagu cadayn qoraalka madaxtooyadda kasoo baxan inta uu dhan yahay iyo sida uu shaqada u gudo galayo waxayna baaris iyo dib u eegis ku samayn doonan arrimaha la isku maandhaafsan yahay.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxmaed Cali (Gaas) ayaa horay u sheegay wixii wada hadal ah ee ku saabsan Puntland iyo DF in loo marayo qaab dastuuri ah isla markasna laga wada xaajoonaya wuxuna cadeeyay hadddii ka kala aamusnaado inaysan waxba hagaagi doonin.

Madaxwaynihii ka horeeyay Gaas ee Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa cadeeyay madaxda Muqadisho inay is-badal iyo wax ka saaris ku sameeyeen dastuurkii KGM ahaa ee lagu wada heshiiyay wuxuna xusay in laga saaray in ka badan labaatan qodob oo muhiim u ah wada shaqaynta dowladda dhexe iyo mamulada dalka ka jira.

Xukumadda cusub si cad uma sheegin sida loola shaqaynayo Dowladda Xasan Shiikh Maxmauud iyo sida loo kala qaybsanayo dhaqaalaha magaca Soomaaliya lagu soo qaado.

Arrimaha kale ee shirka gollaha wasiirada looga hadlay waxaa ka mid ah in aan Puntland la keenin Qaxootiga Somalida ah ee ku nool dalka Norwey taasoo codsi kasoo dirtay madaxda dalkaasi.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay Puntland isticmaalka beersoolka madow ee gaadiidka lagu dhajiyo kuwo dowlada iyo shacabka.

Garowe SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed