Urur Siyaasadeedkii Dalsan oo ku biiray Xisbiga Kulmiye iyo Weedhihii Madasha Maanta ee Midowgooda.
Hargaysa 11.Feb (SDN) Munaasabad balaadhan oo maanta lagu qabtay magaalada hargaysa ayaa ururkii Dalsan oo ka midahaa ururadii ku hadhay doorashadii golayaasha Deegaanku waxa uu Maanta si rasmi ah ula midoobay xisbiga talada haya ee Kulmiye. Munaasabadan oo ka dhacday Hotelka maansoor ee Magaalada hargaysa ayna ka soo qayb galeen madaxda Xisbiga, Mas’uuliyiin ka tirsan…
