Xaaji Cabdi Waraabe oo caafimaadkiisu ka soo reynayo

    Jabuuti Sept 15,2012(SDN)-Xaaji Cabdikariim Xuseen oo ka mida xildhibaanada gollaha Guurtida ee Somaliland ayaa dhawaan waxa xaalad caafimaad oo soo wejahday awgeed loo keenay dalka Jamhuuriyada Jabuuti. Xaajiga ayaa xog aanu ka helay ehelka safarka ku weheliya waxa ay noo xaqiijiyeen in caafimaadkiisu aad uga soo reynayo intii uu soo gaaray dalkan Jabuuti. Xaaji Cabdi…

    Read More

      Wariyihii BBCda Axmed Taajir oo xalay ku geeriyooday Isiolo

      Isiolo Sept 14,2012(SDN)-Mid ka mida wariyeyaashii ugu caansanaa saxaafada Soomaalida oo la soo shaqeeyay iddaacadaha BBCda iyo KBCda Kiinya Axmed Taajir ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Isiolo ee dalka Kiinya. Marxuukmka ayaan dhawrkii sanadood ee u danbeeyay aan saxaafada lagu arag ka dib kolkii uu xanuun soo wejahay marxuumka. Axmed Taajir ayaa eebe naxariistiisa ha…

      Read More

        UDUB oo taageereyaashooda ugu baaqay dibedbax,deqbixiyeyaashana fariin u diray

        Hargeysa Sept 14,2012(SDN)-Xisbiga mucaarika ah ee UDUB ayaa war saxaafada loogu talogalay oo uu ku sexeexanyahay ku-simaha Guddoomiyaha xisbigaasi ayaa waxa fariin loogu diray deeq bixiyeyaasha maalgeliya doorashooyinka Somaliland iyo taageerayaasha xisbigaasi. Xisbiga UDUB oo hore u shaaciyay in aaney ka qeybqaadan doonin doorashooyinka golaha degaanka ee in asoo haya ayaa qoraalkan ay soo saareen…

        Read More

          Banaanbaxyadii lagu diidanaa Filmka lagu aflagaadeeyay Nebigeena Suuban oo Gaadhay Muqdisho

          Muqdisho Sept14,2012(SDN)-Waxa maanta markii u horeeysay magaalada Muqdisho maanta ka dhacay banaabax looga soo horjeedo filmka lagu aflagaadeeyay diinta Islamka iyo rasuulkeena suuban NNKH. Dibed baxan ayaa ahaa mid si nebedgelyo ah uga dhacay aaga km4 ilaa wadada dheer ee Maka Al Mukarama. Dibed baxayaasha ayaa ku qelyayay erayo ka dhan ah aflaagada iyo ku…

          Read More

            Golaha Wasiirada oo Maanta Hambalyo u Diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

            Muqdisho, Khamiis, September, 14, 2012(SDN) Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa waxaana shir- guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Amniga dalka, iyo isbedelada Siyaasadeed ee dhacayey maalmihii ugu danbeeyey. Ugu horayntii goluhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin u…

            Read More

              Maxkamadda gobalka Hargeysa oo Ganacsade Al-Jaabiri u jartay warqad yeedhmo ah iyo dacwadda loo haysto

              Hargeysa 13, September 2012 (SDN)- Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa qoraal baafin ah shalay u dirtay ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Saleebaan Al-Jaabiri oo ah ninka iska leh maxjarka ugu weyn ee ku yaala magaalada Berbera, kaas oo ay dacwadi u taalo maxkamadda gobalka Hargeysa. Ganacsade Al-Jaabiri waa ganacsadaha ugu weyn ee dalka Sucuudiga geeya xoolaha nool…

              Read More

                Madaxweyne Siilaanyo oo Shaqaalaha dawladda, Ciidamada iyo dhinacyo kala duwan ka mamnuucay inay ka dhex muuqdaan siyaasadda

                Hargeysa 13, Sept. 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soosaaray degreeto uu ku socodsiiyay dhinacyo kala duwan, taasoo uu ku mamnuucayo dhinacyada aan loo baahnayn inay ku lug yeeshaan ururada/xisbiyada siyaasadda. Digreetadaas oo uu xalay soosaaray, waxay u dhignayd sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne…

                Read More

                  Weeraradii Safaaradaha Qaahira iyo Beghazi saameyn intee le’eg ayay ku yeelan doonaan Tartanka Doorashooyinka Mareykanka

                  Washington Sept 13,2012(SDN)-Weeraro ay kooxo cadheysani ku qaadeen saafaradaha Mareykanku ku leeyahay dalalka Masar iyo Libiya ayaa waxa ay isbedel muuqda ku keeneen doodihii iyo tartankii siyaasadeed ee u dhexeeyay musharixiinta ku tartameysa talada dalka Mareykanka. Weerada ayaa dhacay ka dib kolkii la baahiyay Film aflagaadeeyay Nabigeenii suubanaa NNKH. Weerarada oo ay ku geeriyoodeen afar…

                  Read More

                    Dagaalka Burcad badeeda iyo Calooshooda u shaqeysteyaasha oo caqabado hor leh la yimi(DARAASAD)

                    Sydney Sept 13,2012(SDN)-Dagaalka beesha caalamku kula jirto Burcad badeeda Soomaalida ee ka qawleysata baaha ku teedsan geeska Africa ayaa galay marxalad hor leh ka dib kolkii ay shirkadaha maraakiibta ganacsigu hawlgaliyeen calooshooda u shaqeysteyaal gelbiya maraakiibtooda. Sidaana waxa lagu shaaciyay Draasad ay dhawaan sameysay Machad reer Austrarilia ah oo la yidhaahdo Lowy Institude oo derista…

                    Read More

                    Somali National TV Wareysigii Goolhayihii Horseed Iyo Qarankaba Maxamed Cabdi Jaahuur(DAAWO)

                    Ottawa Sep-12-2012-Saaxiibayaal Xulashadeena ciyaaraha Maanta waxaynu ku eegeynaa wareysi dheer uu talefishinka qaranka Soomaaliyeed la yeeshey Goolhayihii Naadigii Horseed Iyo qarankaba Maxamed Cabdi Cumar (JAAHUUR). Jahuur oo haatan ah mid ka mida ciyaaryahanadii qaranka ee weli ka dhex muuqda bahweynta ciyaaraha caalamka ayaanu wareysigiisa oo muqaal ah halkan idiinku soo bandhigeynaa ee daawasho haboon.  …

                    Read More

                      Hambalyada ay Xukuumada Axmed Siilaanyo la daba taagan tahay Soomaaliya maxey ka dhigan tahay?

                      London Sept 12,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa intii ay la wareegtay talada dalka ka dib waxa ay wax ka bedel baaxad leh ku sameysay habdhaqankii Somaliland ee ku wejahnaa Soomaaliya. Xukuumada Axmed Siilaanyo waxa ay wax ka bedel ku sameysay siyaasadii iyo shuruucdii dalka ee ku wejahneyd dalka Soomaaliya. Waxa…

                      Read More

                        Safaaradaha Mareykanka ee Qaahira iyo Banghazi oo dad Gadoodsani ay weerareen

                        Qahir Sept 12,20129SDN)-Shacab gadoodsan ayaa isku gadaamay oo isla markana burburiyay qeybo ka mid ah Safaaradaha Mareykanku ku leeyahay dalalka Liibiya iyo Masar oo dhawaan ay ka dheceen isbedelo xukunkii looga tuuray keligood taliyeyaal. Isbedeladaa oo ay Mareykanku taagereen ayaa kolkii danbe isku rogay qaar ay majaraha kula wareegeen hogaamiye diimeedyo reer Galbeedku ka walaacsan…

                        Read More

                          Xukuumadda Somaliland oo soo dhawaysay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kana hadashay rejadeeda sii socoshada wada-hadaladii labada dhinac (DHEGAYSO)

                          Hargeysa 11, September 2012 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Mr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in xukuumaddu soo dhawaynayso Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu faahfaahin ka bixiyay aragtida xukuumadda ee doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, sii socoshada wada-hadaladii labada dhinac iyo qodobo kale. Haddaba…

                          Read More

                            Sanca: Wasiirka Gaashaandhiga Yemen oo ka badbaaday qarax ismiidaamin ah iyo khasaaraha uu sababay

                            Sanca 11, September 2012 (SDN)- Ugu yaraan 10 ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo Salaasada maanta ka dhacay caasimadda dalka Yemen ee Sanca. Siday sheegeen masuuliyiinta dawladda Yemen, qaraxa waxa lala beegsaday wasiirka Difaaca dalkaas Mr. Mohammed Nasir Ahmad. Siday ku warantay qaybta afka Ingiriisida ee idaacadda VOA, ugu yaraan shank a mid ah…

                            Read More

                              Madaxweyne Siilaanyo oo hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya iyo Sheekh Shariifka laga guulaystay

                              Hargeysa 11, September 2012 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Sida lagu sheegay qoraal uu goor dhawayd soosaaray afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa uu sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo hambalyo u diray Madaxweynihii laga guulaystay Sheekh Shariif Sheekh…

                              Read More