Xukuumadda oo golaha Wakiilada u gudbisay heshiiskii ay ku galeen wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee UK iyo Imaaraadka Carabta
Hargeysa 7, July 2012 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha Wakiilada Somaliland, ayaa mudaneyaasha loogu qaybiyay heshiisyadii ay Somaliland iyo Soomaaliya ay dhowaan ku gaadheen wada-hadaladoodii London iyo Dubai. Fadhigan oo uu shirgudoominayay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golahaas Baashe Maxamed Cadde, waxa xildhibaanada ka xaadiray loogu qaybiyay lifaaqa uu ka kooban yahay heshiisyadii ay Somaliland iyo…
