Nuxurka kulan dhexmaray saddexda Xisbi, ururada cusub ee tartanka u gudbay iyo Komishanka Doorashooyinka

    Hargeysa 25, April 2012 (Qurbejoog.com)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in guddiga Diiwaangelintu u soo gudbiyeen ururada siyaasadeed ee u gudbay ka qaybgalka tartanka doorashada Deegaanka oo la filayo inay dhamaadka 2012 qabsoonto. Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Mr. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo warbaahinta kula hadlay xaruntooda Hargeysa, waxa uu sheegay inay hadda Komishan ahaan…

    Read More

      WAR DEG DEGA:Madaxweynaha Eritrea oo Geeriyooday

      Asmara April 25,2012(SDN)-War aan weli la xaqiijin oo la isla dhexmarayo warbaahinta Caalamka ayaa tibaaxaya in Madaxweyniha dalka Eritrea Ezeyas Afworki uu dhawaan ku geeriyoodey dalka Dibediisa. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu qabay xanuun dhawr ah mudooyinkii u danbeeyay isla markaana todobaadkii dhawaan dalka dibedda looga qaaday. Wararku ma shaacin dalka daweynta loogu qaaday,waxase…

      Read More

        Jariirada Time oo hoggaamiyaha Al-Shabaab ku biirisay 100 qof ee Dunida ugu Miisaanka Culus

        Washington April 25,2012(SDN/Time)-Ninka sheegtay Amiirka Shabaabka in uu yahay ee madaxa u ah Kooxda Al Shabaab ee dalgaalka kula jirta DFKMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada Africa ee jooga Muqdisho. Muqtaar Abu Zubeyr ayaa Time Magazine sheegtay in uu ka dagaalamay dalka Afgaanistaan isla markaana uu xilka la wareegay ka dib kolkii la dilay Xaashi…

        Read More

          Hargeysa: Masuuliyiinta Xatooyada raashinka deeqda ah ku eedaysan oo maalintii saddexaad Maxkamadda la horgeeyay

          Hargeysa 25, April 2012 (Qurbejoog.com)- Saddex masuul oo hore dawladda xilal uga hayay, kuna eedaysan inay leexsadeen raashin mucaawino ah, ayaa maanta markii saddexaad la horgeeyay Maxkamadda gobolka Hargeysa. Masuuliyiintaas hore iyo laba qof oo la xidhan oo Maxkamaddu tan iyo 16-kii bishan dhegaysiga dacwadooda ku jirtay, waxay kala guddoomiyihii hore ee gobolka Hargeysa, Axmed…

          Read More

            Ceerigaabo: Weriyaha Telefishanka Royal 24 ee gobolka Sanaag oo la xidhay iyo sababta keentay

            Hargeysa 25, April 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidanka amaanka ee magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa xabsiga dhigay weriyaha Telefishanka Royal 24 u jooga gobolkaas Mr. Cabdullaahi Xuseen Darwiish. Weriyaha oo shalay la xidhay, waxa uu ilaa hadda ku jiraa saldhiga dhexe ee magaalada Ceerigaabo oo ilaa 800 Km dhanka waqooyi/galbeed kaga beegan caasimada Somaliland ee…

            Read More

              Hargeysa: Buundada u dhaw Madaxtooyada oo Roobkii shalay waxyeeleeyay iyo gaadiidka oo ku xanibmay

              Hargeysa, 25, April 2012 (SDN)- Buundada agagaarka xarunta Madaxtooyada Somaliland, isla markaana hormarta Maktabada Masaarida oo muddooyinkii u dambeeyay uu ka muuqday dildilaac iyo dhaawac ay u gaysteen roobabkii kal hore ayuu roobkii shalay gooyay, taasoo keentay inay ku xanibmaan gaadiidki u kala gooshayay maxkamadda Hargeysa iyo wadada wadnaha. Buundadan oo ay hore dhaawacyo u…

              Read More

                Jaamacada SUTEK oo Deeq Raashin ah Gaadhsiiyay Xarunta Dhimirka ee Macruuf

                Hargeysa April 25,2012(SDN)-Gudoomiyaha Jaamacada SUTEK Dr Siciid Sh.Maxamed ayaa Maanta Deeq raashin ah gudoonsiisay xarunta lagu daryeelo dadka maskaxda ka xannuunsanaya ee Macruuf ee Caasimada Hargaysa. Deeqdan oo ka koobnayd Bariis,Digir, iyo Misir,waxaa Gudoonsiinteedii ka hadlay Gudoomiyaha Xarunta Macruuf C.raxmaan Maxamed Xasan oo ka waramay ahmiyada ay deeqdani u leedahay dadka xaruntan ay ku daryeelaan…

                Read More

                  Ikhwaanka Masar oo ku baaqay isu soobax balaadhan

                  Qahira April 25,2012(SDN)-Kooxda  Ikhwaanu Muslimiin ee reer Masar  ayaa sheegay inay  kala qeybgalayaan  kooxaha  kala duwan ee dhinaca  siyaasadda  iyo axsaabta  waddankaasi,  waxay  ugu yeedheen isku soo bax  ilaa hal malyuun  oo ruuxi ay  ka qeyb qaadan  doonaan maalinta  Jimcaha ah  ee soo socota. Isku soo baxaasi ay ku  dhawaaqeen  ayay ku  tilmaameen  inuu yahay…

                  Read More

                    Ururrada hadhay oo Caalamka ugu baaqay in laga fiirsado Dhaqaalaha iyo Wasiir Duur oo u Jawaabay

                    Hargeysa April 24,2012(SDN)- Qaar ka mid ah Ururrada Siyaasada ee lagu reebay Qiimayntii Ururada Siyaasada ayaa wali yooyootan ugu jira sidii ay ugu meel dayi lahaa qaadacaadooda ku aadan natiijadii ka soo baxday Guddida diwaan-gelinta Ururada oo ay ku qanci waayeen. Ururadan oo iminka samaystay Dalada farsamo oo ay ku gorgortamaan ayaa maanta shir jaraa’id…

                    Read More

                      Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Maayarka Hargeysa oo furay Waddooyin cusub, kuwo kalena dhagax-dhigay

                      Hargeysa April 24,2012(SDN)-Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md.  C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa   maanta  dhagax dhigay waddo cusub oo laami ah oo dhererkeedu yahay 1.8Km oo  laga hirgelinayo  xaafadda DAAMI  ee degmadda Gacan-libaax  ee magaaladda Hargeysa isla markaana xadhiga ka jaray  waddo kale oo xaafadaasi laga dhisay oo dhererkeedu dhan yahay 900m oo ka bilaabanta Geerashka Cabdi-Xasan…

                      Read More

                        Ra’iisul Wasaaraha oo maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumada KMG Soomaaliya

                        Muqisho April 24, 2012(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha  Xukuumadda KMG Soomaaliya, Waxaana looga hadlayay in agaasimayaasha guud aysan saameyn ku yeelan doonin xilliga kala guurka ah oo ay dowladda KMG Soomaaliya imminka ku jirto.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Agaasimayaasha in ujeedada ay…

                        Read More

                          Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo kulan la yeeshay dhigiisa Shiinaha iyo wararkii ugu dambeeyay ee xurgufka labada Sudan

                          Juba/Beijing 24, April 2012 (Qurbejoog.com/Guardian)- Dawladda dalka Sudan ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cumar al-Bashiir, ayaa sii wada duqaynteeda dhinaca cirka ee ay ku hayso degaamo ka tirsan dalka Koonfurta Sudan. Sida uu sheegay afhayeenka Milateriga Koonfurta Sudan Kornayl Philip Aguer, waxa uu Salaasada maanta sheegay in ilaa 8 duqaymood ay diyaaraddaha Antonovs-ka loo yaqaanaa xalay…

                          Read More

                            Dimishiq: Mucaaradka Siiriya oo bartilmaameedsaday saraakiisha Amniga iyo dilalkii ugu dambeeyay

                            Dimishiq 24, April 2012 (Qurbejoog.com/AP)- Kooxaha jabhada ah ee doonaya inay ridaan Madaxweynaha Siiriya Bashaar al-Assad, ayaa dilay saddex sarkaal oo ka tirsan dawladda. Siday ku warantay wakaalada wararka ee AP, weeraro si gaar gaar ah maanta uga dhacay caasimadda dalkaas ee Dimishiq, waxa lagu khaarajiyay saddex sarkaal oo ka tirsan hay’addaha amniga ee dawladda…

                            Read More

                              Ururka Dhalinyarada DDSI ee UK oo munaasibad ku taageeray Xukuumada iyo Ururka Horumarinta DDSI

                              London, 24, April 2012 (SDN/Cakaaranews)- Ururka Dhalinyarada Soomaalida Itoobiya ee ka dhisan cariga Ingiriiska ayaa munaasabad lagu taageerayay Ururka Horumarinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee dhawaan laga dhisay DDSI ku qabtay Magaalada London(UK). Munaasabadan oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Jaaliyada DDSI ee UK iyo Marti Sharaf kale waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada UK Mudane…

                              Read More

                                Havana: Madaxweynaha Venezuela oo ka hadlay xaaladiisa Caafimaad ee uu Cuba u tegay iyo warar ku xidhiidhiyay inuu geeriyooday

                                Havana 23, April 2012 (Qurbejoog.com/BBCnews)- Madaxweynaha dalka Venezuelan Hugo Chavez, ayaa markii u horaysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad tan iyo markii 9 maalmood ka hor daawayn loo geeyay dalka Cuba. Madaxweyne Chavez oo 57 jir ahi, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhexmarayay oo sheegay inuu geeriyooday, ka dib markii 14…

                                Read More

                                  Hargeysa: Roob mahiigaan ah oo muddo hakiyay isu-socodka dadweynaha

                                  Hargeysa 23, April 2012 (Qurbejoog.com)- Roob si wayn loogu farxay, ayaa galabta ilaa caawa ka degay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaasoo dhaliyay daadad xoogan. Roobkan oo bilaabmay abaaro 5:30 galabnimo, waxa uu si xidhiidh ah u da’ayay dhawr saacadood, wuxuuna dhaliyay daadad soo rogmaday oo muddo hakad geliyay isu-socodka dadka iyo gaadiidka isticmaalayay jidadka caasimadda….

                                  Read More

                                    Khubaro Australian ah iyo wefti ka socday shirkadda Petrosoma oo booqday Oodweyne

                                    Hargeysa 23, April 2012 (Qurbejoog.com)- Wefti ka socda shirkadda Petrosoma oo fadhigeedu yahay UK iyo khubaro Australian ah, ayaa booqday degaamo ka tirsan degmada Oodweyne ee gobolka Togdheer. Weftigan oo uu hoggaaminayay madaxa shirkadda Petrosoma Mr. Maxamed Yuusuf, isla markaana ay weheliyeen masuuliyiin iyo khubaro ka socotay shirkadda Jacka Resources oo ah mid macdan-baadhiseed oo…

                                    Read More

                                    Bahweynta Isboortiga Jecei oo Baroor diiq u Sameeyey,Wiish,Mugaanbi Iyo Mawliid.

                                    Toronto-qurbejoog.com-Ahyaartay Barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu ku eegeynaa baroordiiq ay bahweynta ciyaaraha jecel u sameysey siiba kuwa Toronto uu hormoodna u yahay ciyaaryahakii caanka ahaa ee soomaaliyeed oo aad wada garaneysaan waa DR-Yuusuf Shaqaaq Marxuumiintii ku geeriyoodey qaraxii waxashnimada ahaa kunee kana dhacay Tiyaatarka oo kala ah Adan Xaaji Yabarow Wiish,Saciid Maxamed Nuur Muganbi,Mowliid Macaane Maxamed,  …

                                    Read More

                                      Natiijooyinka horudhaca ee Tartankii Madaxtinamada Faransiiska iyo waxa ka soo baxay

                                      Paris April 23,2012(SDN)-Natiijada hor dhaca ah eek a soo if-baxaysa doorashada madaxtinimada dalka faransiiska ayaa if-tiimisay in Madaxweynaha  muddo xileedkiisu dhammaanayo Nekoly Zekosi iyo murashaxa  la tartamaya ee Faransuwa Holand  ay isku mudan doonaan  wareeg labaad oo doorashadu  ay geli doonto lana qaban doono lix iyo tobanka bisha May ee soo socota, iyada oo  murashaxa…

                                      Read More