Hargeysa: Masuuliyiin bil iyo maalmo eedaymo Musuqmaasuq u xidhnaa oo saaka Maxkamad la horgeeyay

    Hargeysa , April 2012m (Qurbejoog.com)- Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maanta gudo gashay dacwada saddex masuul oo muddo bil iyo maalmo ah u xidhnaa eedaymo musuqmaasuq oo la xidhiidha lunsiga raashin deeq ah. Saddexdan masuul oo kala ah; Guddoomiyihii gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdullaahi (Xamarje), Agaasimihii hore ee wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi iyo lataliyihii Madaxweyne…

    Read More

      Somalilaneey Kulmiye wa kaa

      Hargeysa April 16,2012(SDN)-Xukuumada heysa talada dalka ayaa dad badani shalay kolkey arkeen habdhaqankii ay xilka iyo karaamadaba uga xayuubisay Kuxigeenkii 1aad ee Kulmiye Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa u soo baxday in cida sharafta laga xayuubiyay ay tahay Qaranka Somaliland. Habdhaqankaasi ma aheyn mid xitaa Jebhaduhu ka suurtoobaan,waana xukuumada ta looga fadhiyo isku heynta iyo xafidaada…

      Read More

        Jabuuti oo lagu heysto in ay gacan ka siisay Iran in hub loo raro Siiriya

        Jabuuti April 16,2012(SDN)-Saraakiisha dalka Jarmalka ayaa baadhaya Markab dalkooda laga leeyahay oo Hub Jabuuti uga rara dawlada cunaqabadeyntu saadhan tahay  ee Siiriya,sidaa waxa daabacay barta Internetka ee Der Spiegel. Sida la daabacay Markab ka diiwaan gashan Dalka Jarmalka oo la yidhaahdo the Atlanta Cruiser ayaa Hub ka soo raray Jabuuti deetana u jiheystay Siiriya. Markabka…

        Read More

          Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo la socday in xilka laga xayuubinayo,iyo talooyinka uu ka dhego adeygay

          Hargeysa April 16,2012(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa intii lagu guddo jiray qaban qaabada shirweynaha xisbiga waxa loo jeediyay talooyin dhawra oo uu gidigood ku gacan seyray. Sida ay dhawr ruux oo ka mida xisbiga Kulmiye Somaliladiasporanews u xaqiijiyeen Md Cabdiraxmaan waxa loo bandhigay si xilka uu u sii hayo in…

          Read More

            Xubno ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta gaadhay caasimadda Somalia

            Muqdisho 15, April 2012 (Qurbejoog.com)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaadhay wefti ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan xubno ka tirsan waddamada Faransiiska iyo Jarmalka. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray afhayeenka dawladdda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya Mr. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), dalalkan waxa kala metelayay Mr Frederic Jung iyo Stephen Russell oo…

            Read More

              Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay Ganacstada

              Hargeysa April 15,2012(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka jsl  mudane  c/raxmaan c/laahi  ismaciil saylici oo uu weheliyo  wasiirka  wasaaradda  ganacsiga  c/risaaq  Md  khaliif  ayaa  maanta ka qayb galay  kulan ay isugu yimaadeen  xubno ka mida  ganacsatada  dalka  oo lagu qabtay  huteel  maansuur  ee magaalada  hargeisa. Sida ay sheegtay  wakaaladda wararka ee solna  ulan kan oo ay  kasoo qeyb…

              Read More

                Taalibaanka Afganistaan oo weerar xarumo ku yaal Bartamaha Kabul

                Kabul April 15,2012(SDN)-Ururka  Daalibaan ee  ka soo horjeeda  xukuumadda Afgaanistaan  diidana  joogitaanka  ciidamada  caalamiga  ah ee NATO  dalkooda  ayaa maanta sheegtay in ay  weeraro kadis ah  ku qaadeen   goobo muhiim ah  oo ku yaala caasimadda dalkaasi ee Kaabuul. Waxana  goobahaasi ka mid ah Huteel  ka ag dhawaa  xarunta  baarlamaanka  dalkaasi oo lagu  weeraray   gantaalada  degta…

                Read More

                  Xabad Joojintii Suuriya oo burburtay

                  Humus April 15,2012(SDN)-Wararka ka soo baxaya dalka  Suuriya  ayaa maanta sheegaya in ay  dagaalo ka dhaceen  degaanka  Khalidiya  ee magaalada  Xumus , kuwaas  oo u dhexeeya  mucaaridka hubaysan iyo ciidamada  qaranka  dalkaasi, iyadoo ayna  wali dalka  soo galin kooxihii u horeeyey ee goob joogo yaasha caalamiga ah. Waxana  ay  wararku intaasi  ku darayaan  in ciidamada …

                  Read More

                    War degdeg ah: Guddoomiye kuxigeenkii KULMIYE ee xilka laga qaaday oo Cusbatal loola cararay

                    Hargeysa 15, April 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiye kuxigeenkii 1aad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa loola cararay cusbatal ku yaala caasimadda Hargeysa, ka dib markii maanta si xoog ah lagaga saaray shirweynihii golaha Dhexe ee xisbigaas, xilkana laga xayuubiyay. Siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa xaalad…

                    Read More

                      Munaasibad Caleema Saara oo Maanta loo sameeyay Suldaan Cusub oo reer Hargeysa ah

                      Hargeysa April 15,2012(SDN)-Wasiirka wasaarada  caafimaadka Mud,Xuseen Maxamud Maxamed Xoog,Ayaa maanta ka qayb galay Xaflad lagu caleema saarayey Suldaan cusub   oo ka mid ah beelaha deegaanka Hargeysa Suldaan Axmed Cismaan Caddo gude, xafladaasi oo lagu qabtay Huteel Kaah ee Magaalada Hargeysa. Xafladan caleema saarka Suldaanka Cusub  oo ay ka soo qayb galeen , Salaadiin, Xildhibaano, Madax-dhaqameed,…

                      Read More

                        Hargeysa: Khasaare ka dhashay rabshado dhexmaray Booliska iyo dad shacab ah oo Saldhig hujuumay

                        Hargeysa 15, April 2012 (Qurbejoog.com)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen markii ay koox shicib ahi weerar ku qaaday saldhiga Iftin ee degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa. Sida la sheegay, waxay rabshadaasi ka dhalatay markii ay dad shacab ahi isku dayeen inay dhistaan meel dhinaca ku haysa dugsiga Xalane…

                        Read More

                          Is-bedelkii jawiga ee Shirka KULMIYE + Hanjabaadii Jaamac + Cataabkii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo xilka xayuubintii xooga ahayd(DHEGEYSO)

                          Hargeysa, 15, April 2012 (SDN)- Guddoomiyihii 1aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa xilkii uu ka hayay xisbigaas xooga lagaga tuuray, ka dib markii qoraal uu ku saxeexan Muuse Biixi laga hor akhriyay Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga oo maalintii lagu soo gunaanaday Hargeysa. Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamac Shabeel oo guddoominayay shirka ayaa qoraalka uu…

                          Read More

                            Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE oo jawi degan ku bilaabmay iyo xubno loo ansixiyay Golaha dhexe

                            Hargeysa, 15, April 2012 (SDN)- Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxa lagu ansixiyay 39 xubnood oo ka mid noqon doona xaha Golaha dhexe. Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo maalintii labaad ka socda hoolka Shirarka ee Mansoor hotel wax aka sooqaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan…

                            Read More

                              Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo garab maray sharaxaada Isbedelka ugu weyn ee Somaliland soo wejahay intii uu talada hayay

                              Hargeysa April 15,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo shalay khudbada dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Shirwenaha Gollaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa ka socda ayaan ku soo qaadin isbedelada ugu hadal heynta badan ee xukuumadiisu la timi. Isbedelka dhanka Siyaasada khaasatan ta ku wejahan dhanka Soomaaliya ayaa ah mid la odhan karo waxa ay…

                              Read More

                                Koonfurta Sudan oo gacanta ku dhigtay degaanka Shidaalka badan ee Heglig

                                Juba April 15,2012(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka koonfurta  Sudan  Mr  Reg  Mishaal  oo maanta  warbaahinta caalamka kula hadlay  caasimadda dalkiisa  ee Jubba   ayaa sheegay in ay  gacata ku hayaan magaalada  Heglig iyo goobaha  shidaalka laga  soo saaro. Mr  Reg  Mishaal  waxa uu intaasi ku daray in ay  dib u celiyeen weeraro kaga yimid  dhinaca  xukuumadda  Sudanta  Waqooyi, …

                                Read More

                                  Mareykanka:Woqooyiga Kuuriya lama aamini karo

                                  Washington April 15,2012(SDN)-Wafti  ka socda  dawladda Iran  oo uu hogaaminayo u qaybsanaha  dhinaca mashruuca  Niyukliyeerka  Mr  Saciid  Jaliile  ayaa maanta  kulan kula yeeshay  wakiilo ka socda  shanta dawladdood ee aduunka ugu awooda badan iyo  wakiil dawladda Jarmalka  ah, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay   magaalada  Istanbul  ee dalka  Turkiga. Waxana  ay  tahay  arinta  laga  wado hadlayaa …

                                  Read More

                                    Guddomiyaha Rugta Ganacsiga oo ka waramay Markab Burcad laga soo furtay,eedao iyo Maana ukala jeediayay Puntland iyo Galmudug

                                    Hargeysa April 14,2012(SDN)-Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Somaliland Maxamed Shugri oo ay weheliyaan xubno ka mid ah ganacsatada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa cadeeyay inay markabkii u rarnaa ganacsato Somaliland oo mudo laba bilood ah kooxo budhcad badeed ahi ku haysteen deegaanada Puntland la soo daayay kadib markii la bixiyay…

                                    Read More

                                      Boosaaso: Maxkamad xukuno dil ah ku riday dad Al-Shabaab lagu eedeeyay

                                      Boosaaso 14, April 2012 (Qurbejoog.com)- Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta xukuno dil ah ku riday dhawr qof oo lagu xidhiidhiyay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Qaacida ku xidhan ee Al-Shabaab. Siday suxufiyiin madaxbanaan oo Boosaaso ku sugani u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa Sabtidii maanta maxkamadda derajada koowaad ee gobolkaas la horgeeyay sagaal…

                                      Read More

                                        Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo ka hadlay wareegto shaqadooda saamaysay oo uu soosaaray wasiirka Duulista Hawada Somaliland

                                        Hargeysa 14, April 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mr. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay in wareegto uu wasiirka Duulistu soosaaray lagu joojiyo hawshii laanta Baanka ee madaarka caasimadda Hargeysa. Guddoomiyaha oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu sheegay in wasiirka Duulistu wareegto uu soosaaray ku joojiyay lacag 30…

                                        Read More