Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Khudbad Dareenka Bulshada Kicisay u Jeediyay Shacabka Gobolka Togdheer DAAWO

    Burco 18.May 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Somaliland ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Shacabka Ku dhaqan Magaalada Burco Waxa uu Maanta la wadaagay Xuska 24 Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Xornimada Jamhuuriyada Somaliland iyadoo magaalada Burco ay ahayd Bogcadii lagaga dhawaaqay dib u soo celinta Madax bannaanid Somaliland. https://www.youtube.com/watch?v=pk1dRKv4PhU

    Read More

      Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo Dibu dhaca Doorashooyinka,Wada hadalka Mucaaridka,Beesha Caalamka,Ciidamada Somalia iyo Wada hadalada labada dal {DHAGAYSO}+DAAWO

      Hargeysa:May,18,2015(SDN/QJ)-Waxaa Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland Saaka ka socda dabaal degyo xoog leh oo lagu weynaynayo Xuska 24 Guurada ka soo wareegtay Markii J.S.Land Madax banaanideeda dib ula soo noqotay 18 May 1991kii. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Khudbaddiisa oo ahayd mid uu ugu talo galay Munaasibadd 18-ka, ayaa ku dheeraaday Waxqabadka xukuumaddiisa, Dib uddhaca doorashooyinka,…

      Read More

        Sidii looga Dabaal dagay Magaalada London, Munaasibadda 24 Guurada 18 May.Maalinta Qaranimadda Somaliland. Daawo Sawiro qurux badn oo qurbejoog idiin diyarisyay

        London18May15(SDN/QJ)Jaaliyiada reer somaliland ee ku dhaqan uk oo si wayn u xustay sanad guradii 24aad ee ka soo wareegtay gooni isuu taga somaliland taas oo goobo kala duwan lagu qabtay iyo teem reer somaliland oo ku ciyaaraya magaca somaliland oo ka qayb galay ciyaar lagu qabtay  Stadyoum ku yalaa london qurbejoog oo goob joog ka…

        Read More

          “Ragga uu hungurigu ka hayo dalkan, waxaan leeyahay waar damaciinna ku dara tudhaale iyo lexejeclo oo waa la doogiye yaan la dacaroon” Madaxweyne Siilaanyo

          Hargeysa:May,18,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa maanta shacabkiisa u jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga Hadlay Xaalado kala duwan oo Dalka ku gedaaman. Khudbadda maanta ee Madaxweynaha oo ahayd mid uu ugu talo galay Munaasibadd 18-ka, ayaa ku dheeraaday Waxqabadka xukuumaddiisa, Dib uddhaca doorashooyinka, Xidhiidha ay Beesha caalamka la leeyihiin iyo…

          Read More

            Madaxweyne Siilaanyo Oo Sharraxay Cidda Leh Eedda Dibu Dhaca Doorashooyinka

            Hargeysa:May,18,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa Goor dhaweyd Jeediyey Khhudbaddiisii uu ugu talo galay Munaasibadda 18-ka May oo haatan xuskeedu ka socdo Gebi ahaanba Somaliland. Madaxweynaha oo Khudbad kooban halkaas ka jeediyey ayaa Hadalkiisa diiradda ku saaray Arrimo badan oo ay kamid ahaayeen Dib udhaca Doorashooyinka, Siyaasadda Somalia, xidhiidhka Dawladdiisa iyo Beesha Caalamka iyo Gebi…

            Read More

            Barcelona oo Ku Guuleysatey Horyaalka Spain (La Liga) Markii Aay 1-0 Ku jalaaftey Atletico Madrid(DAAWO) By Jaahuur.

            Spain-May-18-2015-(SDN/QJ) Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ula caraabeynaa xagaa iyo Spain oo lagu kala faraxashey koobka horyaalka ee ka amartukaaleeya cariga Spain (La Liga). Haddaba koobkan iyo kuwa kale oo laga ciyaaro waddanka aynu kor ku soo xusney ayaa aalaaba waxaa hantiya oo isweydaarsada labada naadi ee Barcelona iyo Real Madrid waxaana ugu wacan iyaga oo…

            Read More

              “Cuqaashaay Haddii Aad Cadhootaan Hanna Odhaninna Airport Gaar ah baanu Dhisanaynaa, Hargeysina Airport qudha ayuun bay ….” Gudd. Muuse Biixi.

              Hargeysa:May,18,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka Hadlay Dhawaaqyo dhawaan kasoo yeedhay qaar kamid ah oday-dhaqameedka Magaalada Hargeysa, kuwaas oo qaarkood sheegeen inay dhisanayaan Garoon diyaaradeed oo labaad. Guddoomiye Muuse Biixi oo ka Hadlayey Madal Meher ahayd oo Kulmisay Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed tiro badan, ayaa sheegay inaan Madax-dhaqameedka looga Baahnayn…

              Read More

                Maxay Al-shabaab Ka Tidhi Diyaaraddii Drones-ka Ahayd Oo Kusoo Dhacday Gudaha Somalia?

                Burhakaba:May,18,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadashay Diyaarad nooca aan Duuliyaha lahayn ah oo kusoo dhacday Gudaha Somalia, waxana ay sheegeen in Diyaaraddaasi jirto, isla-markaana ay gacantooda gashay. Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in Ciidamadooda ay gaadheen goobtii ay diyaaraddu ku soo dhacday, isla-markaana ay la wareegen, sida…

                Read More

                  Si Toos ah Qurbejoog uga dhagayso Xuska Haatan ka socda Caasimada Somaliland ee Hargaysa

                  Hargaysa 18.May 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Magaalada Hargaysa Gaar ahaan Qasriga Madaxtooyada hada ka socota Hawsha Munaasibada qaran ee 18 May waxaana halkaas ku Sugan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Waxaa uu Madaxweynuhu Salaan ka qaadan doonaa Cutubyo ka Tirsan Ciidamada qaranka Isla markaana halkaas ka jeedin doona Khudbad ku saabsan Munaasibada 18 May. Halkan Ka Dhagayso Munaasibada…

                  Read More

                    Xukuumada Somaliland oo dalka ka saaraysa Sadex hay’adood oo ay ku eedaysay inay Siyaasada dhex galeen

                    Hargaysa 18.May 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay Hay’adaha dalkeeda ku sugan qaar ka mid ah ka saarayso waddanka, ka dib markii ay ku eedaysay inay dhex-galeen Siyaasadda gudaha ee Somaliland, hayaanna caddaymo cadcad oo muujinayo inay arkeen Hay’adaha qaarkood oo dhex fadhiya Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland. La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsan…

                    Read More

                      Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Hogaanka Sare ee Xisbigaas oo Saaka Socdaal ku Jooga Magaalada Laascaanood & Deeq ay Gaadhsiiyeen SAWIRO

                      Laascaanood 18.May 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Ayaa Socdaal Ku Tagay Gobolka Sool Magaalo Madaxdiisa Laas Caanood Waxaa safarkan Gudoomiyaha Ucid ku wehelinayay Qaar ka mdi ah Masuuliyiitna Xisbiga Ucid oo ay ka mid yihiin Gudoomiye ku Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray ,…

                      Read More

                        Dalka Sweden iyo Sida looga Xusay Xuska Munaasibada Qaran ee 18 May iyo Wasiir Xaglo Toosiye oo ka Qayb galay SAWIRO

                        Malmo 18.May 2015 (SDN/QJ)- Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal-dagayay Maalinta qaranimada Somaliland ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Malmo ee dalka Sweden. Xafladii loo Sameeyey Sanad-guurada 24aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland dib ula soo noqotay xorriyadii ka luntay 18-ka May 1991-kii,ayaa waxa ka qeybgalay Wasiirka Wasaarada…

                        Read More

                          Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo Hambalyo u diray Shacabka Somaliland Xuska Maanta ee 18 May

                          Hargaysa 18.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdlilaahi Cirro ayaa dhammbaal hambalyo ah u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland munaasibadda Xuska 18 May awgeed. Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxaa uu hambalyo u dirayaa guud ahaanba…

                          Read More

                            Maxkamada Hargaysa oo Ka Gilgilatay Eedo Musuq Maasuq oo loo Soo Jeediyay Maragyo cadna soo Bandhigtay DAAWO

                            Hargaysa 18.May 2015 (SDN/QJ)- Maxkamada Gobolka Hargaysa ayaa gees iskaga leexisay eedo musuq maasuq oo lagu eedeeyay kuna soo baxay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland. Garsoore Maxamuud Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ah garsoorayasha maxkamada gobolka Hargaysa iyo kaaliyaha Maxkamada Gobolka Hargaysa Maxamed Maxamuud Xirsi (Gurey) ayaa warar kusoo baxay qaar ka mid ah…

                            Read More

                              Gaalka waxaanu Leenahay,YAAHUU!..YAAHUU! Wasiir Waran Cadde, Dooddii Muuse Biixi Iyo Jawaabtii Salaadiinta,Hujuumkii Warancadde Iyo Caddaani Iyo Jawaabtii Cirro

                              Hargeysa, 17 May 2015 (SDN/QJ) -Madashu waxay ahayd mid dhisme. Bartuna waxay ahayd Ambassador hotel. Lamaane is calmaday ayaa udubkooda lagu taagay. Ardaa billan oo dhan kastaba bilicdiisa loo sugay buu ahaa. Geyaan isu soo geed fadhiistay ayaa camiray. Barnaamijkii baa la bilaabay, isla markaana daadihiyihii xafladda meherku wuxuu ku ibba furay hadalkii munaasibadaa, in…

                              Read More

                                “Diyaaradaha Rakaabka ee Maraykanku ma dul mari karaan Hawada Somalia ” Hay’ada duulimaadyada Maraykanka

                                Muqdisho 17.May 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Maraykanka ayaa diyaaradaheeda ka mamnuucday inay maraan hawada Somaliya, ka dib cabsi amni oo ay dareemeen. Hay’adda Maraykanka u qaabilsan duulimaadyada ee FAA ayaa dhammaan diyaaradaha Maraykanka ka mamnuucday inay dul duulaan hawada Somaliya, taas oo ay sheegeen inay khatari ku gedaamantahay. FAA ayaa waxay sheegtay inay talaabadan u qaaday…

                                Read More