Saxaafadda Somaliland Oo Maanta si Weyn u Tebtay Marxuum Halyey Maxamed-rashiid Iyo SOLJADA Cusub Oo Qiimo-tirtay Xuska Maalinta Saxaafadda Addunka

    Hargeysa:May,03,2015(SDN/QJ)-Inkastoo ay Maanta ku beegan tahay Maalinta caalamiga ah ee dunida looga asteeyey Maalinta Saxaafadda Adduunka, haddana Somaliland wax xus ahi kama jiro, lagama dareemayo in lagu jiro dharaar ay si gaar ah iskaga leeyihiin Warbaahinta Caalamku. Cabudhinta iyo cago-juglaynta xukuumadda Talada Haysaa ku hayso warbaahinta madaxa Bannaan iyo Xorriyatul qowlka, ayaa waxa soo raacay…

    Read More

      “Awoodda cayimaadda Maalinta Doorashada waxa iska leh Komsihanka Doorashooyinka. Guurtiduna rabaa inay Kordhiyaan Wakhtiga Xukuumadda ee 26-june dhacaya…..”Muj. Boobe Yuusuf Ducaale

      Hargeysa:May,03,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay muranka ka taagan muddada rasmiga ah ee la filayo in loo kordhinayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada oo isku sidkan, waxana xisbigu faahfaahiyey cidda iska leh awoodaha muddada lagu cayimi karo qabsoomidda Doorashada. Xog-hayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)oo maanta Warbaahinta Kula Hadlay Xafiiskiisa,…

      Read More

        Xukuumadda Britain Oo Shaacisay Inaanay Taageeraynin Haddii Kenya Ciidamadeeda Kala Baxdo Gudaha Somalia

        London:May,03,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Dalka Britain, ayaa ku dhawaaqday inaanay taageeri doonin tallaabo kasta oo Kenya ciidankeeda jooga Gudaha Somalia ay kula baxayso. Hadalkan ayaa waxaa sheegay Ergayga Britain ee Kenya Christian Turner, xilli uu la hadlaayay TV-ga KTN ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in kasoo saaritaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya aysan xal u aheyn dhibaatooyinka iyo…

        Read More

          Gudoomiye Saleebaan oo Calaamadi dul saaran tahay Sida uu ka Yeelo Mudo Kordhinta Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

          Hargaysa 03,May 2015 (SDN/QJ)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku hawlan Mudo Kordhin ay u samaynayaan Madaxweyne Siilaanyo oo Mudada Xil hayntiisu ku eeg tahay 26 Ka Bisha June. Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan ayaa Sannadkii 2009kii si adag uga Hor yimid in Wakhti ka duwan kii beesha caalamku ku dhex dhexaadisay dhinacyada siyaasada somaliland…

          Read More

            Guurti oo Magacawday Gudi ka soo Talo bixisa Wakhtiga ay qabsoomayso doorashooyinka Somaliland

            Hargaysa 03.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Adan ayaa fadhigii saaka goluhu yeesheen  magacaabay Guddi ka kooban 29 Xubnood oo ka Tirsan Xildhibaanadda Golaha Guurtidda, si ay uga soo tallo-bixiyaan wakhtiga rasmiga ah ee qabsoomi karto Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda. Halkan ka akhri magacyada gudida uu gudoomiye Saleebaan Magacaabay:-   1….

            Read More

              Daawo Xildhibaan Rayte oo London si weyn loogu soo dhaweeyey,Baaqna udiray Golaha Guurtida iyo Xukumadda Madaxweyne Siilanyo.

              London03May15(SDN/QJ)Waxa gegida diyaaradaha ee Heathrow Airport ee London lagu soo dhaweyey Xildhibaan Ibrahim Jaamac Rayte oo ka mida xildhibanada Barlamaanka Xisbiga wadani  ,waxa ku soo dhaweeyey madaxda xisbiga Waddani ee dalka UK. Xildhibaanka oo ka soo kici timay dalka Sweden oo uu Hawlo u yimid . halkan ka daawo soo dhawayntii .

              Read More

                Xawaaladaha Soomaalida Uganda Oo Lagu Soo Rogay Sharciyo Adag Oo Hantidooda Halisgelinaya

                Kampala:May,03,2015(SDN/QJ)-Golaha Sharci dejinta Waddanka Uganda, ayaa soo saaray shuruuc lagula dagaalamayo in kooxaha Xag jirka ah lacago loogu diro xawaaladaha, waxana shuruucdaasi caqabado ku yihiin xawaaladaha soomaalidu halkaas ku leedahay. Shuruucdan cusub, ayaa dhigaya in lala wareegi karo Hantida shaqsiyaadka ku lug yeesha argagixisada ama la dili karo, taas oo niyad jab ku ridday dadka…

                Read More

                  Mudane Katirsan Baarlamaanka Federalka Oo Sucuudiga Ka Dalbaday Inay Bixiyaan Mag-dhawga Shacabkii Soomaaliyeed ee Diyaaradihiisu ku laayeed Gudaha Yemen

                  Muqdisho:May,03,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, an Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa ugu baaqay Dawladda Sucuudiga inay magdhaw ka bixiso ugu yaraan 40-Qof oo soomalida waddanka yemen ka qaxaysay ahaa oo axaddii lasoo dhaafay ay diyaaradaha Sucuudigu duqayn ku laayeen. Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa wuxuu Dowladda Somaliya uu ugu yeedhay…

                  Read More

                    “Annagu maamul baanu ahaanaynaynaa oo Somaliland baa nala yidhaahdaa Dawladda Federalka ahna Hebel iyo Hebel oo Reer Hebel ah ma doonayno, waxoogaa waa iskukaaya qaban weyday…” Madaxweyne Xasan Sheekh.

                    Garowe:May,03,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka Hadlay natiijada ka dhalatay wada-hadalkii Dawladdiisa iyo Dawladda Somaliland usoo socday, waxana uu tilmaamay inuu rajo ka qabo inuu wada Hadalku mardambe bilaabmi doono. Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey Telefishanka Somali Channel, ayaa sheegay inay jirto Baahi loo qabo in wada-hadalka Mabaadii guud loo…

                    Read More

                      “..Beesha Caalamka Markaanu ka mid Noqono ayey Shuruucdoodu na qabanaysaa, Laakiinse waanu Tix-gelinaynaa Tallooyinka…” Xildh. Indho Indho

                      Hargeysa:May,03,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (indho indho)oo kamid ah Mudanayaasha Miisaanka ku leh aqalka Golaha Guurtida, ayaa Markii ugu horraysay ka hadlay sida ay guurti ahaan u arkaan Baaqyada kala duwan ee lagaga dalbanayo inay u hoggaansamaan Wakhtiga Guddida Doorashooyinku u cayimeen dhicitaanka Doorashooyinka Dalka laga rajanaynayo sanadka dambe. Xildhibaanku waxa uu sheegay inay si gaar…

                      Read More

                        Nuxurka Kulamo Uu Wasiirka Arrimahada Dibadda Somaliland La Yeeshhay Xubno Kamid ah Baarlamaanka Norway

                        Oslo:May,03,2015(SDN/QJ)-Kulamo gooni ah ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway la qaateen Xubno kamid ah baarlamaanka Waddanka Norway, kuwaas oo lagu lafo guray xidhiidhka labada dhinac leeyihiin. Xubnaha Wasiirka iyo wakiilku kulamada la qaateen ayaa waxa kmid ahaa Hekki Holmas iyo Slyvi Graham oo caan ka ah…

                        Read More

                          Nuxurka War-murtiyeed 7-Qodob Ka Kooban Oo Laga Soo Saaray Shirkii Garowe Uga Socday Dawladda Federal-ka iyo Maamul-goboleedyada

                          Garowe:May,02,2015(SDN/QJ)-Kadib muran iyo isfaham waa muddo soo jiitamayey, ayaa aakhirkii qoddobo la isku afgartay laga soo saaray shirkii Magaalada Garowe uga socday Dawladda Federal-ka Somalia iyo Maamul-goboleedyada. Qodobada lagu heshiiyay ee ay isla garteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada ayaa ka kooban 7-qodob, waxana Qoddobka ugu horreeyaa ka hadlayaa Fulinta Heshiisyadii hore maamulladu uwada…

                          Read More

                            Xiisaha iyo Xamaasadda Kulan Golaha Guurtidu Maalinta Berri ah u Ballansan yihiin Iyo Kulamo Shirguddoonku La Qaateen Beesha Caalamka Oo Guuldarro Ku Dhamaaday

                            Hargeysa:May,02,2015(SDN/QJ)-Golaha Guurtida, ayaa waxa Maanta ka baaqday Fadhi ay ka yeelan lahaayeen Arrimaha Muddo-kordhinta Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo Wakhtigii ka dhammanayo, waxana  fadhigaas loo riixay Maalinta Berri oo ah Axad ku Beegan, maadaama maanta dalku fasax ku jiro. Aragtiyaha Xubnaha Golaha Guurtida, ayaan midaysnayn, waxase la filayaa in Hadba wixii Shirguddoonka iyo Xubnaha Talo-qabeenka…

                            Read More

                              Kenya Oo Ballan-qaad Lagaga Taageerayo Weerarrada Al-shabaab Kaga Imanaya Ka Heshay Midowga Yurub

                              Brugsels:May,02,2015(SDN/QJ)-Kulamo ay yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa loogu codeeyey in taageero dhinacyo badan ah waddanka kenya laga siiyo weerarrada Joogtada ah ee kaga imanaya Xarakada Al-shabaab oo ku sugan Gudaha waddanka Somalia. Taageerada la siinayo Dalka Kenya, ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin sidii ciidamada waddanka Kenya loo siin lahaa tababar buuxa oo la xidhiidha…

                              Read More

                                Sawirrada Lix Kamid ah Saraakiisha Booliska Baltimore Oo Loo Maxkamadaynayo Gacantii ay Ku Lahaayeen Wiilkii Madoobaa Ee Mr Gray

                                Baltimore:May,02,2015(SDN/QJ)-Lix Sarkaal oo katirsan Booliska  gacantii ay  ku lahaayeen Geerida Freddie Gray oo ahaa Wiil madaw oo dhawaan Goob saldhig ah ugu geeriyooday Dhaawacyo la sheegay in Boolisku gaadhsiiyeen. Warkan oo si weyn loosoo dhaweeyey, ayaa waxa shaaca ka qaadday Xeer ilaalinta Magaalada Baltimore, waxana ay tilmaamtay in lixdaas Booliska ah si weyn loo baadhi…

                                Read More

                                  Madaxweyne Bill Clinton-kii Hore Ee Maraykanka Oo Kenya Jooga Iyo Goobaha U Qorshaysan Inuu Booqdo

                                  Nairobi:May,02,2015(SDN/QJ)-Madaxweynihii hore ee Dalka Maraykanka Bill Clinton iyo Gabadha uu dhalay ee lagu magacaabo Chelsea, ayaa Maalintii shalay soo gaadhay Waddanka Kenya, waxana ay Kulamo kala duwan la qaateen Madaxweyne Uhuru Kenyata iyo Marwadiisa, iyagoo dalkaas booqasho saddex maalmood ah ku joogi doono. Clinton iyo gabdha uu dhalay ayaa inta ay dalka ku suganyihiin ka…

                                  Read More

                                    Maamulka Puntland Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Sababaha Keenay Muranka Ka Taagan Shirkii La Filayey inuu Ka Furmo Magaalada Garoowe, Eedana u Jeediyey Dawladda Federal-ka

                                    Garowe:May,02,2015(SDN/QJ)-Maamulka Puntland, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Cakirnaanta  iyo isfaham waaga ka taagan shirkii la filayey in Madaxda Dawladda Federalka ah iyo Kuwa Maamul goboleedyada Dalku ku yeeshaan Caasimadda Garowe iyo Sababaha fashilaadda keenay. Cabdiweli xirsi Cabdille oo ahWasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland oo arrintan kala Hadlay Idaacadda VOA-da, ayaa qiray inay fashilmeen iskudayo la…

                                    Read More

                                      Dibad-bax Rabshado Wata Oo Yuhuudda Ethiopia Kasoo Jeeddaa Ka Dhigeen Magaalada Qudus

                                      Qudus:May,02,2015(SDN/QJ)-Dibad-baxyo Rabshado wata, ayey Yuhuudda kasoo jeedda Dalka Ethiopia ka dhigeen Gudaha Magaalada Barakaysan ee Qudus, iyagoo cabasho ka muujinaya Dhaqan ciidanka Boolisku kula kaceen Askari qoomiyaddaas kasoo jeeday. Inta la hubo waxa bannaan baxaas ku dhaawacmay ugu yaraan 15-qof oo shacab ahaa iyo 2-ka mid ahaa Ciidamada Ammaanka, iyadoo dadkaasi isku dayeen inay ciidamada…

                                      Read More

                                        Indhaha Daneeyayaasha Dimuquraadiyada Somaliland oo Walaac hor leh ka qaba Xaalada Somaliland

                                        Hargaysa 02.May 2015 (SDN/QJ)- Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageerta arrimaha doorashada iyo dimuquraadiyada  ayaa sheegtay in haddii dib u dhac doorasho oo aan ahayn dhinaca farsamadu yimaado ay wiiqmi doonto kalsoonida guud iyo tan beesha caalamkaba .   Qodobo ay si wada jir ah u soo saareen xubno metalaya beesha caalamka iyo guddida jihaynta…

                                        Read More