Shan Jir Shan Cisho ku Hoos Jiray Burburka Dhul gariirkii Nepal oo Maanta la soo saaray isagoo Nool

    Nepal 30.April 2015 (SDN/QJ)- Kooxaha badbaadada ee xarunta Nepal, Kathmandu, ayaa ka soo saaray wiil 15 jir ah oo nool hoosta burburka dhismo, isagoo ku jiray halkaasi ku dhawaad shan maalmood. Wuxuu ku badbaaday dhuun hawadu marto oo ku hoos jirtay burburka dhulgariirka. Dadka ayaa ku farxay markii dibadda la keenay ka hor intaan isbitaalka…

    Read More

      Nuxurka Khudbadii Gudoomiye Cirro Jeediyey,Ka Dib Soo Dhawayntii Balaadhnayd Ee Uu kala Kulamay Bulsho Waynta Reer Hargaysa.+(Sawiro)

      Hargaysa 30.April 2015 (SDN/QJ)- Masuuliyiinta  xisbiga wadani oo ay wahelinayaan taageerayaasha xisbiga iyo qaybo badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa si wayn usoo dhaweeyey Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)oo maanta dalka dib ugu soo laabtay   Soo dhawayntan ayaa ahayd…

      Read More

        Wariye Caan ka Ahaa Gobolka Bay Iyo Xaaskiisii Oo Xalay Kooxo Hubaysani Gurigooda Ku Dhex Dileen

        Baydhabo:April,30,2015(SDN/QJ)-Kooxo Hubaysan, ayaa Habeenkii xalay Aqalkiisa ugu soo daatay, isla-markaana Toogasho ku dilay Wariye Daa’ud Cali Cumar oo kamid ahaa Wariyayaasha ugu caansan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay. Wariyaha iyo Xaaskiisa oo degenaa Xaafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo, ayaa la sheegayaa in ragga dilay aqalka ugu soo daateen xilli ay isaga iyo xaaskiisu hurdeen,…

        Read More

          Ajaanib u Shaqaynayey Hay’ad Qaramada Midoobay ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Bariga Hargeysa

          Hargeysa:April,30,2015(SDN/QJ)-Shil gaadhi oo ka dhacay Deegaanka Aw Barkhadle ee Bariga Magaalada Hargeysa Maalintii shalay, ayaa waxa ku dhintay Saddex qof oo midka mid ahi ahaa ajaanib u dhashay Waddanka Spain una shaqaynayey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee FAO. Gaadhiga uu sarkaalku la socday ayaa waxay isku dhaceen gaadhi xoolo siday, taasoo keentay inuu…

          Read More

            Ninkii Caanka ku ahaa Sawir-gacmeedyada Nebi Muxamed N.N.K.H Oo Iclaamiyey Inuu Faraha Kala Baxay Hawshii Sawirrada, Kadib Weerarkii Charlie Hebdo

            Paris:April,30,2015(SDN/QJ)-Ninka Caanka ku ah Sawir-gacmeedyada Lagu Aflagaadeeyo Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم, ee kusoo bixi jirey Wargeyska Charlie Hebdo,   ayaa ku dhawaaqay in mar dambe  aanu waxba sawiri doonin. Wakaaladda Wararka Faransiiska ayaa baahisay war ay kasoo xiganayso maamulka Charlie Ebdo Ninka lagu magacaabo Luz kaasi oo ballan qaadaya in mar dambe aanay sawir…

            Read More

              Tirada Xoolaha Soomaalida Ee Dalka Laga Dhoofiyey Sanadkii Dhamaaday Oo Noqotay Middii Ugu Sarraysay Ee Abid Taariikhda La Arko Iyo Cadadka Lacagta Faa’iidada ah ee Laga Helay

              Muqdisho:April,30,2015(SDN/QJ)-Sida lagu sheegay Warbixin ay soo saartay Ha’yadda Cuntada Adduunka ee(FAO), waxa Dadka Soomaalida ahi sanadkii tegay ee 2014-kii ay dibadda u dhoofiyeen Tirada Xoolihii ugu badnaa ee Taariikhda lagu arkay. Warbixin ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay u dhoofisay Dalalka Khaliijka Xoolo gaadhaya 5 million, kuwaasi oo isagu jira Geel, Lo’ & Adhi, iyadoo…

              Read More

                “Waxaan u ballan-qaadnay in Dacwad kastoo ka dhan ah Ciidanka RRU aannu baadhitaan ku samayn doonno” Safaarada UK ee Addis Ababa

                Addis Ababa, 30 April, 2015-(SDN/QJ)- Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa xaqiijisay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah taageerada ay siiyaan Ciidanka loo yaqaan RRU oo ka tirsan Booliiska, waxaanay ka hadashay Baaq ay u jeedinayaan Xisbiyada iyo…

                Read More

                  Imaatinka Cirro ee Maanta, Abaabulka Soo Dhawaynta, Mudaharaadka Madaxtooyadda, Iyo xajiimaynta Jabuuti

                  Addis Ababa, 30 April, 2015-(SDN/QJ)-  Warar u dhuun daloola dhaqdhaqaaqyada gudaha qasriga Madaxtooyada, ayaa tibaaxay in Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan Golaha Xukuumadu ku hawlan yihiin abaabulka dibad bax oo lagu barbaraynayo soo dhawayn taageerayaasha xisbiga waddani la sheegay inay ku soo dhawaynayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi…

                  Read More

                    Isbedelkii ugu Layaabka badnaa oo Ku Yimid Habkii Dhaxal Tooyo ee Boqortooyada Sucuudiga

                    Riyadh 30.April 2015 (SDN/QJ)-Isbeddelkii ugu ballaadhnaa ayuu Boqorka Cusub ee Sucuudigu Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ku sameeyey Hannaanka Is dhaxal ee Boqortooyadiisa iyo waliba Jagooyin kale oo Dawladdiisa kamid ah. Boqor Salman Bin Cabdulcaziz, ayaa xilka ka qaaday ninka lahaa dhaxalka boqortooyada isla markaana ah walaalkiis, Muqrin Bin Cabdulcasiis. Waxaa uu xilkaasi u magacaabay wiilka…

                    Read More

                      Madaxda maamul goboleedyada Jubba iyo Koonfur galbeed oo tagay Garowe

                      Garowe  30 April, 2015-(SDN/QJ)-Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubba iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa. Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), hoggaamiyaha maamulka KMG ee Jubba, iyo hoggaamiyaha maamulka koonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalayo wajiga labaad ee shirka wada-tashiga dowladda…

                      Read More

                        Guddida Dhismaha Waddada Cad Ayaa Maanta Shahaadooyin ku Abaal Marisay Jaaliyadaha Beelaha Ciidagale ee Qadar , Maraykanka , iyo Hay’adda Human Concern International (HCI) Canada(SAWIRO)

                        Hargaysa 29/4/2015(SDN/QJ)-Hargeisa_ Guddida Dhismaha Waddada Cad ayaa maanta Shahaadooyin ku abaal marisay Jaaliyadaha Beelaha Ciidagale ee Qadar  , Maraykanka , iyo Hay’adda Human Concern International (HCI) Canada . Xaflad Maanta ka DHacday Star Hotel Ee Magaalada Hargaysa ayaa Shahaadooyinkan lagu siiyay Jaaliyadahaas iyo Ha’ayaddaas waxaana xafladdan ka soo qeyb galay Gudoomiye Ku Xigeenka Guddida Dhismaha Waddada…

                        Read More

                          “Shacabka Reer Awdal Ee Dibada Joogaa Boqolkiiba Sagaashan Waa Reer Somaliland” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

                          Hargaysa 29.April 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in shacabka ka soo jeeda gobolka Awdal ee ku dhaqan dalka dibasii ay ka midaysan yihiin jirtaanka iyo qaranimada Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka oo maanta dalka ku soo laabtay waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda iyo beesha caalamku ay ka…

                          Read More

                            Liiska xubnaha Golaha Guurtida JSL iyo saami qaybsiga beelaha ee 82-ka kursi,Kalsoonida loo hayo Guuritu waxay ku xidhantahay siday ka yeelaan mudo kordhinta taagan

                            London April 29,2015(SDN/QJ)-Waxaa lagu soo doortaa xubinnimada guurtida hab-doorasho dadban oo xulasho ah, 82-ka  xubnood ee Golaha Guurtidu ka kooban yahay, in kasta oo xulasho dadban lagu soo doortay mudo hore waxaa hada ka sii nool xubnihii xulashadaa lagu soo doortay 11 xubnood oo keliya halka ay 71 xubnood ee kale ay ku yimaadeen dhaxaltooyo…

                            Read More

                              Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo dalka dib ugu soo laabtay

                              Muqdisho, 29, April, 2015(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu kasoo bogsaday dhaawac kasoo gaaray falkii argagixiso ee kooxda nabad diidku ay ku qaadeen Hotel Central 20-ka bishii February ee sanadkan,  waxana kusoo dhaweeyay garoonka Muqdisho xubno ka tirsan labada gole ee…

                              Read More

                                Nuxurka Farriin ay Guddida Qabanqaabada Munaasibadda 18-Ka May Maanta u Direen Shacabweynaha Reer Somaliland

                                Hargaysa:April,29,2015(SDN/QN)-Guddida Qabanqaabada Munaasibadda 18-Ka May oo maanta Markii ugu horraysay isku yimi, ayaa shacabweynaha Farriin u diray, isla-markaana faahfaahiyey tallaabooyinka loo baahan yahay in sanadkan lagu wajaho xuska maalinta Qaranimada ee soo socota. Guddidan oo fadhigoodii ugu horraysay Maanta ku yeelatay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay inay diyaarinayaan sidii xus qiimo badan, kana duwan kuwii…

                                Read More

                                  Dawladda Kenya Oo Qiratay In Guddoomiyaha Deegaanka Wajeer Ka Badbaaday Weerar ay Xarakada Al-shabaab Ku Qaadeen Xaruntiisa

                                  Nairobi:April,29,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Kenya, ayaa qirtay in Guddoomiyaha Degmada Wajeer uu ka Badbaaday Weerar qorshaysan oo xubno Al-shabaab katirsani kusoo qaadeen Xaruntiisa. Jeneraal Joseph Boinet oo ah taliyaha Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in sedax dagaalyahan oo islaami ah ay dharaar cad weerar ku qaadeen degmada Wajeer balse iska caabin adag oo ay kala kulmeen ciidanka Booliska…

                                  Read More