Wasiir Xirsi “Shacabka Boorama Waa Kuwo Taariikhda Somaliland Kaga Suntan, Bog Dahabiya”
Hargaysa 02.May 2015 (SDN/QJ)-Waxaan xalay barnaamij si heersare ah loo soo agaasimay kaga qaybgalay Caasimada Gobolka Awdal ee Borama, Ujeedada Barnaamij-ka ayaa ahayd xidhitaanka dufcad ka kooban 108 arday oo dhamaysatay tababaro dhinaca horumarinta iyo qaabaynta hab dhaqanka nololeed ee Aadamaha ah oo uu soo qaban qaabiyey machadka loogu yeedho “Life Shaping and personal training…
