Halkan ka Daawo Bulshada Somaliland oo dhaleecaysay iibka Gaandhi Public Library ee Hargeysa

    London 06April15(SDN/QJ)  halkan ka daawo Bulshada Somaliland ee gudaha iyo dibada oo la amakaagsan talaabada xukumada mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku qaaday rugta kali ah ee ay lee dahay caasiamda Somaliland ee Hargeysa ee ardaygu waxkubarato ee mudo 14 sano ka badan furnayd ee Yusuf Gaandhi Public Library, taas oo ay madaxtooyadu ka iibisay ganacsade…

    Read More

      Xisbiga ucid laantiisa Uk oo soo dhawayn balaran u sameyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali waraabe oo soo Gadhay Uk Daawo Sawiro

      London 06April15(SDN/QJ) Madaxda Xisbiga Ucid ee Uk oo soo dhawayn ku qabilay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng:Faysal Cali Waraabe oo soo gadhay London , soo dhawayntan oo ka qayb galeen madaxda xisbiga ee heer qaran iyo Uk .kulan oo mid aad u heer sareyey oo lagu soo dhawaynayey gudoomiyaha xisbiga ucid oo kulama la yeelan doona…

      Read More

        DAAWO:Kulmiye oo Soo dhaweyn liidata kala kulmay Burco

        Burco April 05,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweyn liidata kala kulmay shicibka iyo teegeereyaasha magaalada labaad ee Somaliland ee Burco. Gudoomiye Muuse oo ay weheliyaan madax sare oo ka mida Xisbul Xaakimka ayaa khudbado kookooban uGu jeediyay isu soo baxayaashii horjeedka xarunta xisbiga ee Burco.  

        Read More

          Somalida ku dhaqan Xaafada Islii ee Nairobi oo Isu soo bax ku Muujiyay Nacaybka ay u hayaan Argagixisada DAAWO

          Nairobi 05.April 2015 (SDN/QJ)- Weerarkii Kooxda Alshabaab ay ka gaysatay Jaamacada Gaarisa oo galaaftay Nolosha in Ku dhow 150 arday oo Masiixiyiin ah Waxa loo arkaa nacayb lagu sii kala fogaynayo Muslimiinta Kenya iyo Shucuubta kale ee Kiristaanka ah isla markaana dhexdooda looga dhigayo kuwo Cadaawad isu haya. Somali badan oo ku nool magaalada Nairobi…

          Read More

            Kulmiye oo Olole Kaambayn ka Wada Gobolada iyo Warbaahinta oo laga hor joogsaday inay Tebiyaan dad ka soo horjeeda Ololaha DAAWO

            Burco 05.April 2015 (SDN/QJ)- Mas’uuliyiinta Xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo socdaal ku maraya gobolada dalka ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyey Xarunta gobolka Togdheer ee Burco. Qaybo ka mid ah Shacabka Magaaalada Burco ayaa ka soo hor jeestay ololaha Xisbul Xaakumka kulmiye ku marayo Gobolka Togdheer hasa yeeshee Saxaafada Madaxa bannaan ayaa ku…

            Read More

              Kulan ay Isku Wajahayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Ingiriiska iyo Walaaca Madaxtooyada Somaliland

              Hargeysa, 05 April 2015 (SDN/QJ)-Wasaaradda arrimaha dibada dalka Ingiriiska oo ka walaacsan dibu dhaca doorashooyinka somaliland ayaa lagu waddaa inay is waajahaan madaxweynaha somaliland oo ay ka wada hadlaan amuurtaa. Siday sheegeen warar ay faafiyeen warbaahinta qaarkeed, waxa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu martiqaadka wasaarada arrimaha dibada ingiriisku soo gaadho madaxtooyadda, isla markaana…

              Read More

                “Kooxda Xiddigaha la yidhaahdo dhamaantood waanu soo dhaweynaynaa, laakiin waa laga yaabaa inaanu joojino mid magacooda si khaldan u isticmaalay,”Wasiir Cukuse

                Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Kadib Warar soo baxayey  oo sheegayey in Wasiir Cukuse Telefishanka Qaranka ka Joojiyey Heesaha uu Hal Abuuray Abwaan Laab saalax, ayuu wasiirku maanta markii ugu horraysay Arrintaas ka Hadlay, waxana uu tilmaamay inaanay jirin heeso waddani ah ee la joojiyey. Wasiir Cukuse oo munaasibad uu ka Hadlayey arrintan ku xusay, ayaa sheegay inaanay jirin gebi…

                Read More

                  “Siidii uu markii horeba wasiirka Duulistu Lacagta u boobi jirey ,ayuu u boobayaaa oo dadkii ayuu lacago cusub kusoo rogayaa,”Xil. Xoog

                  Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog  oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Waddani, ayaa dhaleeceyey Xeerka Duulista Hawada oo maalmahan horyaalla Aqalka Golaha Wakiillada. Mudane Xoog oo maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay in xeerkaasi yahay mid lacago lagu lunsanayo, waxana uu ka digay in la isku dayo in la ansixiyo. Xildhibaanku waxa uu…

                  Read More

                    Xisbiga Waddani Oo Dhaleecayn Kulul Dusha Ka Saaray Ha’yad Baadhis Ku Samayn Doonta Gaadiidka Dalka Imanaya Oo Xukuumaddu Dad Gaar ah Ku Naas nuujinayso

                    Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si kulul u dhaleeceeyey mashruuc ay xukuumaddu dhawaan kusoo rogtay Gaadiidka waddanka kasoo degaya, kaas oo lacago aan hore waddanka uga jiri jirin la dul dhigay gaadiidka. Xoghayaha warfaafinta Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (boobe)oo warbaahinta u akhriyey warsaxaafadeed kooban oo ay arrintaas ku dhaleecaynayaan, ayaa sheegay in mashruucaasi…

                    Read More

                      Xusni Mubarik Oo Loo Sheegay Inuu Markale Maxkamad Waajihi Doono

                      Qahira:April,05,2015(SDN/QJ)-Xusni Mubarik oo ah Madaxweynihii hore ee Waddanka Masar iyo laba wiil oo uu dhalay ayaa lagu ogaysiiyey inay markale maxkamad dalkaas ku taalla kasoo muuqan doonaan, iyadoo lagu eedaynayo xatooyo xoolo umadeed. Eedeymahan ayaa waxaa ka mid ah in hantida dowlada ee loogu talogalay in lagu hagaajiyo madaxtooyada dalka Masar in ay u weeciyeen…

                      Read More

                        Xubintii Ugu Sarraysay Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Oo Iscasishay Iyo Sharraxaad ay Sababta Ka Bixisay

                        Burco:April,05,2015(SDN/QJ)-Waxa soo baxay in Guddoomiyihii Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsanaa Gobolka Togdheer Marwo Nasra Maxamed Yuusuf(Nasra Qalayax) ay xilkii iska casishay. Marwo Nasra oo la Hadashay TV-ga Hctv, ayaa caddaysay inay Xilkaas iska casishay, waxana ay sababta ku sheegtay farogelin ay dib ka faahfaahin doonto oo xagga madaxtooyada kaga timi, “Anigoo ah gudoomiyihii…

                        Read More

                          Uhuru Kenyata Oo Hanjabaad Culus Xalay Jeediyey, Ballanna ku Qaaday Inuu Jawaab Adag Ka Bixin Doono Weerarkii Garrisa

                          Nairobi:April,05,2015(SDN/QJ)-Kadib weerarkii dadka badani ku dhinteen ee Kooxda Al-shabaab ku qaadeen Xarunta Jaamacadda Garisa, ayaa waxa uu Madaxweynaha Dalkaasi Uhuru Kenyata Xalay Soo Fadhiistgay Telefishanka Qaranka Dalkiisa, waxana uu ku hanjabay inay bixin doonaan Jawaab Kulul oo Weerarkaas ka dhan ah. Wuxuu tilmaamay in dadka taageerada ku bixinaya weerarada ka dhacaaya dalka Kenya, ay ku…

                          Read More

                            “Xilalka qaranka ee la magacaabayo meelana waa lagu tuulay, meelana waxad mooddaa inaanay dalkaba xuquuq ku lahayn, qabiilkuna nina waxba siin maayo, laakiin umaddu waxay u baahan tahay in sawirka inay ka wada muuqato……..” Cabdilaahi Jawaan

                            Hargeysa:April,05,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyihii Hore ee Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdilaahi Jawaan, ayaa Ka Hadlay caddaalad-darrada ragaadisay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sida uu u lumay nidaamkii dimuqraadiyadeed ee waddanku. Cabdilaahi Jawaan uu u warramay TV-ga Universal, ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo intii ay joogtay dhisamayaal ka fulisay meelo badan dalka ah, balse ay meesha ka baxday hannaankii…

                            Read More

                              “Waxaanu ku baaqaynaa in Qoxootiga Soomaaliyeed laga raro Dhadhaab” Hogaamiyeyaasha Siyaasada Somalida Kenya

                              Nairobi 05.April 2015 (SDN/QJ)- Hoggaamiyeyaasha siyaasadda gobolka ay Soomaalidu ka degto dalka Kenya ayaa weydiistay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta in qoxootiga Soomaaliyeed laga raro dalka Kenya, kaddib markii ay sheegeen in xeryaha Dhadhaab ee ay Qoxootigu ku deggen yihiin ay noqdeen goobaha laga soo abaabulo weerarrada Al-shabaab ka geysanayso gudaha Kenya.   Xubnaha codsigan jeediyay…

                              Read More

                                Hurin ka Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Galay Deegaanka Coodanle ee Gobolka Buuhoodle iyo Afar nin oo ay Gacanta ku dhigeen

                                Coodanle 05.April 2015 (SDN/QJ)- Ciidammada dawladda Itoobiya, ayaa Afar Nin ka qaatay deegaanka Coodanle oo 36 KM dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Buuhoodle, sidoo kalena 184-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu ka tirsan tahay Deegaankaasi.   Wararku waxa ay intaas ku darayaan in dadka la kaxaystay ay kamid yihiin…

                                Read More

                                  Budhcad Cabsi ku abuurtay Shacabka Magaalada Burco+Xil-gudasho la’aan Ciidanka ammaanka oo dhaliilay

                                  Burco, 05 April, 2015 (SDN/QJ)- Falal ammaan-daro oo cabsi ku abuuray shacabka magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa muddooyinkii u dambeeyey isa-soo-taryey, iyada oo dadku ay cabasho ka muuiyeen budhcad ku hubaysan hubka fud-fudud oo xilliyada habeenkii boob iyo dhac ka geystay xaafadaha iyo jidadka waaweyn ee Suuqyada magaaladaas. Kooxaha budhcadda ah oo ku…

                                  Read More

                                    Maayarkii Magaalada Laascaanood oo Xilka Laga Tuuray iyo Maayar Cusub oo ay doorteen

                                    Laasacanood 05.April 2015 (SDN/QJ) -Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ayaa fadhi ay yeesheen waxay xilkii kaga qaadeen gudoomiyihii golaha deegaanka ahna maayarka magaalada Laascaanood Cabdiqaadir Jaamac Saalax. Fadhiga  ay yeesheen xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ayaa xildhibaano ka tirsan golahaasi waxay keeneen mooshin ka dhan ah gudoomiyaha golaha deegaanka degmadaas isla markaana ah maayarka Laascaanood….

                                    Read More