26 qof oo Qoomiyada Oromada Itoobiya oo Somaliland laga Tarxiilay iyo Gaadiidkii Siday oo Dawladu sheegtay inay la wareegtay DAAWO

    Hargaysa 11.Dec 2014 (SDN/QJ)- Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ayaa dib ugu Celiyay dalka Itoobiya Tahriibayaal u dhashay dalkaasi oo Sifo Sharci daro ah ku soo Galay Gudaha Somaliland kadib markii ay ka soo Gudbeen Magaalo Xuduudeedka Togwajaale. Taliye ku Xigeenka Laanta Socdaalka ayaa ka waramay hawl galkaasi.

    Read More

      Dadweynaha Ku dhaqan Deegaan ka Tirsan Gobolka Awdal oo Macdan baadhis ka socota oo Shirkada hawshan Wada iyo Xukuumadaba ugu baaqay inay Joojiyaan Hawlgalkooda DAAWO

      Boorama 11.Dec 2014 (SDN/QJ)- Madax-dhaqameed iyo waxgaradka degmadda Dilla ee gobolka Awdal, ayaa ugu baaqay shirkad Shiine ah oo macdan ka baadhaysa tuulo hoos timaada degmadda Baki ugu baaqay inay ka baxdo gobolka maadaama oo aanay heshiis sharci ah oo baarlamaanku ansixiyay aanay dalka ku iman.

      Read More

        Xogo Cusub oo Faahfaahin ka Bixinaya Xaaladda Gacan-ku-dhiigle Maalmo Kahor Maraykanka Ku Dilay Wiil Kale Oo Soomaaliyeed

        Minneapolis 11.Dec 2014 (SDN/QJ)-Warar dheer ah ayaa kasoo baxaya xaaladda wiil soomaaliyeed oo khamiistii ina dhaaftay qudha ka jaray Wiil kale oo soomaaliyeed Gudaha Waddanka Maraykanka. Waalidka iyo Ehelka Wiilka Dilka geystay oo lagu magacaabbo Axmed Aden, ayaa sheegay inuu wiilkoodu muddo qabay Xanuunka dhimirka, isla-markaana aanu ahayn qof miyir qaba. Hooyada dhashay Axmed Aden…

        Read More

          Xaalada Dalka Zimbabwe oo Cirka Maraysa,Madaxweyne Mugabe oo Shaqada Banaanka ka dhigay Ku Xigeenkiisii

          Zimbabwe 11.Dec 2014 (SDN/QJ)-  Robert Mugabe oo ah Madaxweynaha Dalka Zimbabwi, isla-markaana ah Madadweynaha Dunida ugu Muddada dheer ayaa shaqadii ka caydhiyey Haweenaydii Ku-xigeenka u ahayd oo ah Joice Mujuru. Mr Mugabe ayaa sheegay inay Haweenaydan ku-xigeenka u ahayd ay  Ku kacday Musumaasuq baahsan iyo Inqilaab isaga ka dhan ah. Casilaada Madaxweyne kuxigeenka ayaa salka…

          Read More

            Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka DJABUTI Oo Abaal Marino Gudoonsiyay Shaqsiyaad Ay Ugarteen Inay Geyaan In La Maamuuso + Sawiro

            Hargeysa(SDN/QJ) Munaasibadan Ayaa Ahayd mid ahayd mid Si Heer Sare Ah loo soo agaasimay Waxan Kasoo qayb galay Wasiiro Aqoon yahano Masuuliyin Ka tirsan Xukumadda Suxufiyiin magac weyn Ku Leh dalka iyo marti sharaf kale. Xafladan ayaa waxa soo qaban qaabiyay jahliyada Somaliland ee dalka Jabbuti iyadona ujeedadeedu daaranayd inay ku abaalmariyaan xubno ay ugarteen…

            Read More

              “Waxaanu Aaminsan nahay in Sannadkani yahay Kii Ugu Badnaa ee Warbaahintu Xadhig iyo Tacadi la Kulantay”

              Hargaysa 10.Dec 2014 (SDN/QJ)- Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland (Human Right Center) ayaa iyadoo maanta la Xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Iinsaanka Waxay soo bandhigeen warbixin sanadeedkoodii ay ka diyaariyeen xad-gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadamaha ee xukuumada Siilaanyo geysatay sanadkan. Warbixintan oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa,…

              Read More

                Eng Maxamed Xaashi oo Farta ku Fiiqay Musuqa Ugu balaadhan ee ka Dhex Jira Hay’adaha Laamaha Dawlada DAAWO

                Hargaysa 10.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Eng Maxame Xaashi Cilmi ayaa baarlaamanka ku eedeeyay inay ku fashilmeen xilkii ay shacab waynaha Reer Somaliland u doorteen. eng Maxamed Xaashi Cilmi oo saxaafada kula hadlayay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in looga baahan yahay Baarlaamka Somaliland inay sidii loogu talo galay u qabtaan hawshii loogu…

                Read More

                  “Wuxuun baa la odhanayaa xagee lacagi taalaa,Turkiga ina geeya,halkee Lacagi taalaa Faransiiska Ina geeya, Dawladdeenu waxa kaliya ee ay taqaano….” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble DAAWO

                  Hargaysa 10.Dec 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Guddida Shuruucdda iyo Xuquuqal Iinsaanka Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa Xaaladda Xuquuqal Iisaanka ee maanta Somaliland ka jirta ku tilmaamay mid liidata,Waxa uu sheegay inay sahlanaatay xadhiga Dadku, iyadoo aan sifo sharci ah loo marin. Md.  Siciid Cilmi Rooble waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyay Munaasibad…

                  Read More

                    Suugaan Dhaadhiga Cabdi Good oo loo aqoonsaday Man of The Year iyo Abaal Marin la Gudoonsiiyay SAWIRO

                    London 10.Dec 2014 (SDN/QJ)- Ururka HAYA oo ka jira dalkaasi UK oo sanad walba Abaalmarino gudoonisiya shaqsiyaadka uu u garto ee ku hadasha Afka Somaliga Xaflada sannadkaan ayuu ururkan HAYA waxuu abaal-marin kala duwan gudoonsiiyay Ganacsato, Aqoonyahano, Fanaaniin, Abwaano, Ciyartooy iyo dad kala duwan oo Sumcad iyo Maamuus ku dhex leh bulshada Soomaalida.   Dadka…

                    Read More

                      Madaxwayne Cabdiwali Gaas oo furay shirkii ugu horeeyey noociisa ee looga hadlo beelaha Puntland ee la dulmo

                      Garoowe Dec 10,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-12-2014 kaga qeyb galay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland Shirweynaha u Qareemidda Beelaha Dulmiga Soo jireenka ah tirsanaya ee Dega Puntland. Shirweynahaan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisan oo kale ah ee lagu falan qeeyo sidii looga hortagi lahaa…

                      Read More

                        flydubai waxay ku dhawaaqaysa saddex duulimaad cusub oo Hargeisa, Somaliland

                        HARGEISA, Somaliland, December 10, 2014/ — flydubai (http://www.flydubai.com) oo fadhigeedu yahay Dubai waxay shabakadeeda si ballaranayso ku dhawaqday duulimaad cusub. Duulimaadyada Hargeisa (Somaliland), Chennai (India), iyo Nejran (Saudi Arabia) waxay bilaawanaysa qaybteeda koowad 2015, taasi oo ay si ballarin doonta duulimaadyadeeda ilaa 89 goobood ku taala 46 waddan.   Logo: http://www.photos.apo-opa.com/plog-content/images/apo/logos/flydubai.jpg   Photo 1: http://www.photos.apo-opa.com/index.php?level=picture&id=1389(Sudhir…

                        Read More

                          Shirwaynahah Dhalinyarada Somaliland Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Hargeisa Kaasi Oo Socon Doona Mudo Labo Casho Ah

                          Hargeisa 10/12/2014(SDN/QJ)Ururka dhalinyarada somaliland ayaa maanta  shirwayne laba casho  soconaya u qabatay  dhalinyarada somaliland  iyadoo  shirwaynahasi ay  ka soo qayb galeen  dhalinyaro  ku  dhaw  3000  shirkani  oo soconaya mudo laba casho ah ayaa lagaga hadlayaa qaabka dhalinyarada somaliland looga wacyi galin lahaa aafada  tahriibka iyo  waliba doorka ay dhalinyaradu  ku  yeelanayso  sidoo kale  doorka waxbarasho…

                          Read More

                            Madasha Wada Tashiga oo Xukuumada ugu baaqday in Xalka Gobolka Awdal loo daayo Madax dhaqameedka

                            Hargaysa 10.Dec 2014 (SDN/QJ)- Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka waxay ka xuntahay xiisada cusub ee ka iloosantay Gobalka Awadal waxaanay Madashu ku baaqasaa in xaalada la dajiyo dowlad iyo shicibba. Xilka weyne se waxa uu saaranyahay Dowladda waayo iyada ayey waajib ku tahay in ay dadka iyo dalkaba isku wado si miyir, caqli iyo…

                            Read More

                              Ururka Suxuufiyiinta Puntland MAP oo dawlada Gaas ku eedeeyay Caburin

                              Garoowe Dec 10, 2014(SDN/QJ)-Ururka Suxuufiyiinta Puntland MAP ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay canbaareeyeen falal caburin ah oo lagula kacay bahda saxaafada ee ka hawlgasha degaanada maamul goboleedka Puntland, sidaana waxa lagu sheegay qoraal sidan u dhignaa: Ururka Suxufiyiinta Puntland ee (MAP) waxaa uu si weyn u canbaareynaya falkii handadaada ,caga-Jugleynta iyo cabsi gelinta…

                              Read More

                                Xubin Ka Tirsan Ururka Al-shabaab Oo Xalay Shacabka Reer Muqdisho Gacanta Ku Dhigeen Xilli Uu Weerar Ku Hawllanaa

                                Muqdisho:Dec,10,2014(SDN/QJ)-Waxa Xalay Badhtamaha Magaalada Muqdisho Lagu qabtay Xubin ka tirsan Ururka Al-shabaab, kaas oo Weerar Bambaano ah ku qaaday Xarun Ciidanka Dawladdu Ku Leeyihiin Degmada Hodan. Ninkan oo qarax ka dib isku deyay in uu ka baxsado goobtaasi, ayaa waxaa ku dhegay oo isku duubay askari ka tirsan Nabad Suggida, oo aan wax hub ah…

                                Read More

                                  DAAWO:Ambassador Kaysar Cabdilahi Safiirka Wareega ee Somaliland oo ka warmay Dhalinyaro dhawaan lagu xidhay Bristol

                                  Bristol Dec 10, 2014(SDN/QJ)-Waxa dhawaan magaalada Bristol ee dalka UK xabsi dheer lagu riday dhalinyaro Soomaali ah oo lagu helay denbi ahaa in ay ka ganacsadeen jirka gabdho aad da’adoodu u yar tahay aya awaxa ka waramaya Ambassador Keysar Cabdilahi. Amassadorka oo ku nool magaalada Bristol ayaa la socday marxaladihii kala duwanaa ee dacwadaasi martay.

                                  Read More

                                    Muftiga Guud Ee Islaamka Oo La Amray In Lasoo Xidho iyo Cidda Ka Dambaysa

                                    New York:Dec,10,2014(SDN/QJ)-Ciidanka Booliska caalamka ee Loo yaqaanno Interpool-ka, ayaa amar ku bixiyey in xabsiga lasoo dhigo muftiga muslimiinta sunniga ah ee loo yaqaano Sheekh Yuusuf Al-qardawi. Booliiska ayaa sheegay in dawlada Masar ay kasoo dalbatay in lasoo qabto Sheekh Qardaawi isla markaana la horkeeno cadaalada. Qardaawi ayay dawlada Masar ku eedaynaysaa in uu qayb ka…

                                    Read More

                                      Xasan Xanafi Oo Loo Gacangeliyey Dawladda Somalia Iyo Magacyada Wariyayaasha Uu Dilkooda ku Eedaysan Yahay

                                      Muqdisho:Dec,10,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Kenya ayaa toddobaadkan  Somalia gacanta u gelisay Wariye Xasan Xanafi oo lagu eedaynayo dilka Tiro katirsan Wariyayaal lagu laayey Gudaha Somalia, waxana Hay’adda Nabadsugidda Somalia shalay kusoo bandhigtay xafiisyadeeda. Sirdoonka Kenya oo gacan ka helaya Sirdoonka Soomaaliya ayaa ka soo qabtay Xasan Xanafi xaafada soomaalida ay ku badan yihiin islii bishii Agosto ilaa…

                                      Read More

                                        Hadallo Wasiir Samaale Ku Duray Mujaahid Boobe Yuusuf Oo Sababi Gaadhay In Madaxweyne Siilaanyo Lagu Mudaharaado

                                        Hargeysa:Dec,10,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, shalay khudbad uu ku durayey Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ay sababtay in madaxweynaha lagu mudaharaado oo  shacabkii halkaas joogay ay ka dhiidhidhiyaan Hadallo uu diiday inuu joojiyo oo uu microfonka kula kaliyeystay. Hadallada Wasiir Samaale oo uu ka jeediyey Madal uu madaxweynuhu xadhiga kaga jarayey Xarunta Cusub ee…

                                        Read More