Ku-simaha R.W oo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan Sugidda Amniga
Khamiis Oct 16,2014(SDN/QJ)- Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Axmed Ereg, ayaa cambaareeyay falalkii foosha xumaa ee kooxaha Nabad-diidku u geysteen Shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan. Mudane Khaliif Axmed Ereg oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay markii kooxda Al-shabaab lagu jabiyay goobaha dagaallada, lagana qabsaday illihii dhaqaaluhu kasoo…
