Daawo :Xoghaya Dawlada Hoose Burco Ayaa Ka Hadlay Jidad Lami Laga Samaynayo Badhtamaha Burco

    Hargeisa 11/oc/2014(SDN/QJ)Xoghayaha Dawlada Hoose  Burco iyo  qaar  ka mida xildhibanada dawlada hose  burco ayaa ka  hadlay  wadooyin  baryahii danbe  laga  bilaabay  magalada burco  oo ay  gacanta ku  hayso shirkada somaliland  hon group  iaygoo ugu  baaqay  dadwaynaha rer  burco inay  ilaashadan  wadooyinkasi   https://www.youtube.com/watch?v=gsm9EeYZAUo&list=UUj53Q4qchNyqvg6xkrKt2pg Hargeisa SDN/QJ Concat@Somaldiasporanews.com

    Read More

      Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Ayaa ka Warbixiyey shirkad cusub oo shidal badhis ka bilaabaysa deeganka baki ee gobalka Awdal Kana hadlay cabsho Dadka Degankasi Dagani Ka Muujiye Badhistaa Shidalka

      Hargeisa 11/oc /2014(SDN/QJ)Agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Siciid Axmed Jibriil ayaa jawaab ka bixiyey hadalo dhawaanahan ka soo yeedhayey dadka deegaanka Baki ee gobolka Awdal oo laga bilaabay hawlo dhinaca macdan baadhis ah. Agaaismaha guud ee wasaarada macdanta oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay inaanay jirin wax hawlo…

      Read More

        Wariye Cabdilaahi Maxamed Cali oo ka tirsan Saxafiyiinta ka hawl gala Wadankan Uk ayaa iska fogeyey eed uga timid shabakada somaliland today

        London11Oct14(SDN/QJ) Saxafiga Ruug Cadaaga ee Cabdilaahi Maxamed Cali ee ka hawl gali jiray Tvga qaranka somaliland  hadana ka hawlgala TvStar ayaa wax laga xumaado ku sheegay hadal uga yimid Tafatiraha somaliland today Muniir Axmed Cigaal taas oo u shegay wax kama jiraan qoraal uu soo gaadhsiyey shabakada qurbejoog ayaa waxa u qorna sida tan (Waxaan…

        Read More

          Maamulka Cusub ee Munadamada Beder oo xilka kala wareegay Maamulkii Hore

          Gaalkacyo Oct 11,.2014(SDN/QJ)- Munadamada Beder ee Ardayda kabaxday Machadka Al-Faaruuq oo ah Munadamo ka shaqaysa Faafinta Diinta ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo kula kala wareegay Xilka Maamulka Munadamada Gudoomiyihii Hore ee Munadamada Mudane Muxamed Cabdulaahi Cali (Sayid) , iyo Gudoomiyaha Cusub Cabdirazaaq Cabdulaahi Daahir (Nadaara). Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Gudiga Cusub ee Munadamada Hogaamin…

          Read More

            Ciidamada Jabuuti oo fashiliyay Qara loogu talogalay in lala beegsado faras magaalaha casiimada

            Jabuuti Oct 11,2014(SDN/QJ)-Ciidamada dalka Jabuuti ayaa la arkayay iyaga oo suuwa Riyaad ee caasimada dalkaasi ku dul xoonsan shadad walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Shacabka halkaa ka adeeganayay oo ka shakiyay shandada ayaa u yeeray ciidamada oo isla markiiba xaqiiijiyay in halkaasi yiileen walxaha qarxa. Ma cada cida shandada halkaa dhigtay iyo cida lala beegsanayay ee…

            Read More

              Dalalka Reer Yurub Oo Somalia Uga Digay Dilalka Toogashada ah ee Maxkamaduhu Fuliyaan

              Brassels:Oct,11,2014(SDN/QJ)-Dalalka ku Bahoobay Dalladda EU-da ee reer Yurub, ayaa qaylo-dhaan kasoo diray Dilalka ay Maxkamadaha dawladda Federalku sida joogtada ah u fufliyaan. Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa khudbad ka jeedinayay munaasabadda lagu xusayay maalinta Midowga Yurub iyo Caalamka ayaa sheegay inaanay aqbali karin in dalalka Afrika ka tirsan ay kasii…

              Read More

                Cudurka Ebolaha Oo Tirada U Dhimatay ay Sii Cago-cagaynayso Ilaa iyo 4000-Qof

                New York:Oct,11,2014(SDN/QJ)-Wararkii ugu dambeeyey ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadku kasoo saartay Heerka uu marayo dhimashada Cufurka Ebola, ayaa sheegaya in tiradaasi ay sii kordhayso, isla-markaana Kor u dhaaftay ilaa Afar kun oo qof. Tiradan ugu dambeysay ee haatan la shaaciyay ayaa intooda badan waxaa ay dadku ku dhinteen wadamada Guinea,Liberia iyo Sierra Leone…

                Read More

                  Qarax Gaadhi Loo Adeegsaday Oo Xalay Degmada Xamarweyne Laga Fuliyey iyo Wadihii Oo Boolisku Gacanta ku Dhigeen

                  Muqdisho:Oct,11,2014(SDN/QJ)-Qarax loo adeegsaday Gaadhi kamid ah Kuwa Raaxada, ayaa xalay Fiidkii hore lagu qarxiyey Gudaha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir. Qaraxa gaadhigan ayaa wuxuu ka dhacay halka loo yaqaaan Shaneemo Super ama kasoo horjeedka Masaajidka Marwaas ee Degmada Xamarweyne sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir. Guddoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in gaadhigan uu…

                  Read More

                    Akhri 13-Qoddob Oo Madaxweyne Gaas Hordhigay Ra’isal Wasaaraha Somalia ee Martida u ah

                    Garowe:Oct,11,2014(SDN/QJ)-Kulamo xaasaasi ah ayaa Ra’isal wasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland uga Bilaabmay Magaalada Garowe, waxana labada dhinac isla gorfaynayaan sidii meesha looga saari lahaa shakiga iyo is afgaranaaga soo kala dhex galay Labada dhinac. Wararka kasoo baxaya Aqalka Madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in labada Masuul ku ballameen inay si daacad uga wada shaqeeyaan sidii…

                    Read More

                      Xukuumadda Oo Xabsiga Dhigtay Guddoomiyihii Dhallinyarada Jiidali u Qaabilsanaa Gobolka Togdheer iyo Afhayeenka Ururka Oo Cambaareeyey

                      Burco:Oct,11,2014(SDN/QJ)-Amar sida la sheegayo kasoo fulay dhinaca Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa lagu xidhay Guddoomiyihii Ururka dhalinyarada ee Jiidali u qaabilsanaa Gobolka Togdheer Cabdisamad Axmed Boon. Afhayeenka Guud ee Ururka Jiidali Faysal Cumar Madar, ayaa isagu warsaxaafadeed lagu cambaaraynayo kasoo saaray Xadhigga Guddoomaiyahaas la xidhay, kaas oo lala xidhiidhiyey inuu ka dambeeyey cadho xukuumaddu ka…

                      Read More

                        Wardeg dega: Wariye Cabdixakiim Cadaani oo Ay Weerareen Qaar ka mid ah Taageerayaasha Wasiir ka Madaxtoyada Xirsi iyo Dagaal Ku Dhexmaray Masijdka Allhuda gudahisa

                        London11Oct(QJ/SDN)  Kooxo Taageersan isla markaana la Hayb ah Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Xaaji Cali ayaa Weerar ku eekeeyay Wariye CabdiXakiim Cadaani oo dagan Magalaalada London,Dagaalka ay ku soo qaadeen Taageerayaasha Wasiir ka Madaxtooyada Xirsi ayaa ah mid daba socday Warbixin ay dhawaan Hadhwanaag ka qortay WasiirkaMadaxtooyada taas oo si weyn uga Cadhaysiisay Wasiirka iyoTaageerayaashiisaba…

                        Read More

                          Madaxweynaha Somaliland Oo U Dhoofay Britain iyo Ujeeddada Socdaalkiisa

                          Hargeysa:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo  iyo Wafti uu Hoggaaminayo, ayaa Maanta safar shaqo ugu amba baxay dalka Britain oo uu muddo kooban ku maqnaan doono. Mudane Siilaanyo, ayaa intaanu dhoofin, waxa uu qolka VIP-da kula Hadlay saxaafadda, waxana uu ujeeddada safarkiisa ku sheegay inuu shir  arrimaha Ganacsiga ah oo dhawaan Somaliland loogu qaban doono Magaalada London uu ka…

                          Read More

                            Haweenay 17-Jir ah Oo Ku Guulaysatay Billada Qaaliga ah Nabadda Adduunka

                            Islamabad:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Gabadha lagu Magacaabo Malala ee u dhalatay Dalka Pakistan, ayaa Noqotay Qofkii ugu da’da yara ee Abid ku guulaysta Billada Dunida laga Ixtiraamo ee Nobel Peace Price-ka Loo  Yaqaano. Haweenaydan oo caan ku ah udooddida Waxbarashada Gabdhaha ayaa waxa Sanadkan Billada kula guulaystay Kailash Satyarthi oo u ololeysa xaquuqda caruurta lagu shaqeysto. Malala oo 17…

                            Read More

                              Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Caasimadda Puntland ee Garowe

                              Garowe:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo Kasoo amba baxay Magaalada Muqdisho, ayaa Haatan  gaadhay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garowe oo ku jihaysnaa Safarkiisu. Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdigiisa, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Garoowe, iyadoo ay soo dhaweentiisu ka qayb qaateen Madaxda Maamulka Puntland iyo boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaaladaasi….

                              Read More

                                Madaxweynaha Somalia Oo Maanta Si Kedis ah U Gaadhay Degmada Cadalle

                                Cadalle:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si kedis ah ku tegay Degmada Cadalle ee Gobolka Shabelada dhexe oo dhawaan Al-shabaab laga saray. Ammaanka degmada Cadale oo dhowaan ciidamada Dowladda u gacan gashay ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ay iska kaashadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM….

                                Read More

                                  Odaygii Ugu Cimriga Dheeraa Shacabka Reer Sanaag Oo Geeriyooday

                                  Badhan:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Waxa Maalintii shalay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ku Geeriyooday  allah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Ibraahim Cigaal(xiddig) oo loo aqoonsanaa inuu ahaa qofki ugu da’da weynaa shacabka Gobolka sanaag ku dhaqan. Marxuunka ayaa lasheegay Da’diisu  ahayd 123-sanno uuna ahaa ninka ugu da’da weyn Mandaqadda Maakhir Waqtigan Iminka Lajoogo Waxaanu Ifadda Kaga tegey Durriyad Gaadheysa…

                                  Read More

                                    Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo Saaka Garowe Kusii Jeeda

                                    Muqdisho:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Waxa lagu wadaa in saaka oo jimce ah uu Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Safar ugu amba baxo dhinaca Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland. C/wali Sheikh Axmed ayaa Safarka uu ku tagayo Puntland waxaa uu Salka ku hayaa Khilaafka u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka oo Bilihii danbe Xumaa. Waxaa la filayaa in…

                                    Read More

                                      Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safarkiisii 20-aad Ku Tegi Doona Britain Intii uu Xilka Hayey

                                      Hargeysa:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuu(siilaanyo) iyo Wafti ballaadhan oo uu Hoggaaminayo, ayaa lagu wadaa inay maanta saacadaha soo socdo safar ugu amba baxaan dalka Britain oo uu ka furmi doono shir lagaga hadlayo arrimaha Ganacsiga somaliland. Shirkan ayaa la sheegayaa inay kasoo qaybgeli doonaan Ganacsato caalami ah iyo waliba qaar kasoo jeeda Somaliland, kuwaas…

                                      Read More

                                        Wasiir Bayle Oo Dhaqaale Darro Al-baabada Ugu Laabay 9-Safaaradood Oo Somalia Ku Lahayd Dalalka Dibadda

                                        Muqdisho:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga ee Somalia ayaa shaaciyey inay Go’aansatay Wasaaraddiisu inay Al-baabada u laabto Sagaal Safaaradood oo Dawladdu ku lahayd Dalal dibadda ah Dhibaato dhaqaale darteed. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Go’aankan uu yimid markii ay Golaha Wasiiradu isku raaceen in Saafaradaha Soomaaliya ee Caalamka lagu soo…

                                        Read More

                                          Madaxweynaha Ugaanda Oo Shacabkiisa Uga Digay inay Is gacan-qaadaan Baqdin Cudur Darteed

                                          Kampala:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Ninka Madaxda ka ah dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa shacabka dalkiisa uga digay inay salaamaha isgacan-qaadka ah adeegsadaan, si ay uga Badbaadaan Cudurka Ebola oo ka dilaacay Dalal badan oo afrikada Galbeed ah. Cudurkan oo la sheegay in lagu kala qaado salaanta iyo dheeceenka ayaa waxaa la yidhaahda Marburg kaasoo hadda ku dhacay saddex ka…

                                          Read More