Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale- Duur oo ku sugan Muqdisho siday u xaqijiyeen Xildhibaano Somaliland ka soo jeeda oo ku sugan Muqdisho

    Muqdisho  17July13(SDN) Xildhibaano Somalilandka soo jeeda  oo ku sugan Muqdisho aya shegay inay la kulmeen wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Mudane   Maxamed Nuur Carraale- Duur ee xilka laga qaday xildhibankan oo ka gaabsaday magaciisa ayaa qurbejoog u xaqijiyey inuu ku arkay  Duur magaalada muqdisho mana uu cadayn sababta uu u yimid  waxa kale oo ay shegeen…

    Read More

    Ciyaar Feedh Ahayd(Boxing Match) Kana Dhacdey Jikaarta oo Galaafatey Dimasho Iyo Dhaawac.(By Jaahuur)

    TIMIKA-Indonesia Sep-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Asxaabtay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu maanta ula caraabeynaa xagaa iyo carigaa Induuniisia. 17-an qofood ayaa ku dhimatey oo ay 12-an dumar yihiin 38-eed kalana way ku dhaawacmeen,markii laba ciyaaryahan oo feedhtamayey(Boxing Mach) taageerayashoodii kuraas isku tuurid bilaabeen. Ciyaartan oo ka dhacdey garoon ku yaala magaalo yar oo la yidhaahdo Nabire kana mid ah Induniisia ayaa…

    Read More

      “Dadku su’aalay I Weydiiyeen Markii Maxamed la magacaabay oo ah Waar ninkii Jaraa’idka kugu Caayay ayaa laguu keenay,Su’aalo igu adag bay ahaayeen” Wasiirka Ciyaaraha {DHAGAYSO}

      Hargaysa 16.July (SDN) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Cali Siciid Raygal ayaa Sheegay in Agaasimaha Guud ee Cusub ee Wasaarada loo soo Magacaabay Maxamed Xuseen Axmed ay in badan Warbaahinta uu ka caayay isla markaana uu u arko maanta Wiilkiisii oo kale . Wasiirka oo ka hadlayay Munaasibad ay Xilka kula kala wareegayeen…

      Read More

        Wasiirka Maaliyada oo ka dalbaday Diyaarinta iyo Soo Gudbinta Miisaaniyada Qaranka ee 2014

        Hargaysa 16.July (SDN) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed samaale ayaa soo saaray Digreeto uu u kala diray Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda, taasoo uu ku dalbanayo wasaarad kastaa in ay 1st August 2013ka soo xarayso Odoroska Miisaaniyadda 2014ka si loogu gudbiyo Golaha Wasiiradda iyo Golaha Wakiiladda si lo Ansixiyo una dhaqangasho horaanta sanadka 2014ka. Wareegtadan…

        Read More

          Agaasimihii Hore ee Wasaarada Ciyaaraha oo ku Taliyay in la soo celiyo Xidhiidhadii Ciyaaraha ee Wasiir Raygal baa’biyay {DHAGAYSO}

          Hargaysa 16.July (SDN) Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaarada Dhalinyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska ayaa Sheegay inuu ku talinayo in la soo Celiyo Xidhiidhadii Ciyaaraha kuwaas oo Wasaarada hawl weyn u hayay. Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaarada Ciyaaraha oo ka hadlayay Madal uu Maanta Xilkii Wasaaradaas ugu Wareejinayay Agaasimaha Cusub ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Xilkaas u…

          Read More

            Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada oo Xogwaran siiyay Gudida Joogtada ah ee Wakiilada kana Hadlay Golaha Cusub ee Hargaysa lagaga dhawaaqay

            Hargaysa 16.July (SDN) Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta Xogwaran siiyay Gudi hoosaadka Joogtada ah ee Golaha Wakiilada . Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu Gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida uga warbixiyay Wada hadaladii dhawaan ku dhex maray Somaliland iyo Somalia wadanka Turkiga waxaanu xusay in Somaliland…

            Read More

              Alla Haw Naxariiste Mujaahid C/raxmaan Tuur, Waxaa Laga Haya, Ninkii (Silanyo) Ee Talada Igu Wareejiyey Ayaa Guuto Kobaad Ii Soo Dhex Fadhiistay.

              (KamaplaSDN) Somalidu waxaay ku maahmahda ninkaad kabo ka tolan lahayd kabihiisa la eega, waxaa igu kalifay inaan manta oo ay taariikhdu tahay 16/7/2013 aan diyaariyo qormadan, bulshada reer Somaliland waxaay can ku tahay dhaqan ahaan inay tahay bulsho hadal waxeeda ku dhamaysata laakiin aan wax qorisa ku samayn (oral society) Hadan u soo noqdo biyo…

              Read More

                ”Ujeedkayagu waa u hiilinta Somalia” Afhayeenka AMISOM

                Muqdisho 16.July (SDN) Afhayeenka ciidamada Nabad ilaalineed ee Midowga Afrika AMISOM Col.Cali Adan Xumad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka joogitaanka ciidankoodu yahay sidii ay ugu hiilin lahaayeen shacabka Somaaliyeed. Col.Xumad oo wareysi siinayay warbaahinta Muqdisho ayaa ka hadlay ciidanka AMISOM taliska Jubooyinka oo uu sheegay inay u taaganyihiin xasiloonida magaalada Kismayo,isagoona xusay…

                Read More

                  Wasiirka Gaashaandhiga oo ka waramay Safar ay ku Joogaan Deegaanka Badhan iyo Sanaag Bari {DAAWO}

                  Ceerigaabo 16.July (SDN) Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Ceerigaabo waxay ku faahfaahiyeen Guulo ay Weftigoodu kala soo Guryo noqdeen Safarkii shaqo ee ay ku tageen Gobolka Badhan iyo Deegaanada Sanaag bari. Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliland iyo Xubnaha Wehelinayay…

                  Read More

                    Isimada Gobolka Mudug Oo Taageeray Go’aankii Madaxweynaha Puntland ku Hakiyay Doorashooyinka

                    Gaalkacyo July 16,20139SDN)-Waxaa Maanta isugu yimid Hotel Yaasiin ee ku Yaal Magaalada Gaalkacyo Odayaal, isugu jira Isimo, Nabadoono, Cuqaal, waxayna war muriyeed kasoo saareen Qodobo sadex ag oo kala ahaa. 1.Waxyaalihii ugu Danbeeyay ee ka dhacay Deegaanada Puntland laga soo bilaabo 3/7/2013 ilaa 14/7/2013 waxay garawsadeen wax laga xumaadana ahaa Falalkii amni Xumada iyo Nabad…

                    Read More

                      Wasiirka Maaliyadda oo Furay Kulan Wadatashi Qiimaynta Nugaylka Dalka ee New Deal

                      Muqdisho, July 16, 2013(SDN)…Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta dawladda federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamuud Xasan Suleebaan oo uu weheliyo wasiir ku-xigeenka wasaarada Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibrahim, ayaa maanta si rasmi ah Muqdisho uga furay shirka wadatashiga qiimeynta nugaylka ee barnaamijka hiigsashada cusub (New deal). Shirkan wada tashiga ee ay ka soo qayb-galeen qaybaha kala duwan…

                      Read More

                        Xaaji Cabdi Waraabe oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Golaha La Tashiga Madaxa Banaan

                        Hargaysa 16.July (SDN) Gudida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta jawaab ka bixiyay eedaymo Baarlamank a ay u soo jeediyeen  siyaasiyiinta  dhawaanta sheegtay Golaha wada tashiga. Gudoomiyaha Gudidad joogtada ah ee Golaha Guurtida mudane. Xaaji C/kariim Xuseen( Cabdi Waraabe) ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan saddex xisbi qaran oo doorasho ku yimi …

                        Read More

                          Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka oo Xilkii kala wareegay agaasimihii hore ee Wasaaradaas

                          Hargaysa 16.July (SDN) Agaasimaha Guud ee cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cismaan Xuseen Warsame ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Agaasimahii guud ee Hore Md Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta wasaaraddasi ayaa Marwo Nimco Xuseen Qawdhan wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka oo labada mas’uul xilka u…

                          Read More

                            Akhriso oo ka Bogo Xeerka Saxaafada Soomaaliya

                            Muqdisho July 16,2013(SDN)-Waxa Todobadaakii hore la soo bandhigay xeerka cusub ee Saxaafada Soomaaliya oo saxaafadu ku kala qeybsantay taageeradiisa. Xeerkan oo ay ansixiyeen gollaha wasiirada Soomaaliya ayaa taabanaya dhinacyo faro bada,AKHRISO OO KA BOGO: Xeerka Saxaafadda Hordhac Warbaahintu waa adeeg daruuri u ah bulshadda, waxtar weyna u leh, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “War la helaa,…

                            Read More

                              Ma Dhabaa in Xukuumada Somaliland Qorsheyneyso in ay Xabsiga Dhigto Guddoomiyaha UCID?

                              Hargeysa July 15,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyay ku hawlaneyd sidii ay ula tacaali laheyd Gollaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ee dhawaanta looga dhawaaqay magaalada Hargeysa. Xukuuada ayaa sas weyn ka qaaday Gollahan oo toosh ku ifiyay wax qabad la’aanta Xukuumada. Sidoo kale Gollaha Wada Tashiga Qaran ee Somaliland oo ay ku bahoobeen Ashqaas dalka…

                              Read More