|

Wasiir Waran-cadde Oo Maanta Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Allaybaday

Hargeysa:May,07,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Maanta Degreeto ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Allay Baday ee Gobolka Gabiley.

dihWasiirku waxa uu u magacaabay Guddoomiyenimada Degmada Allay Baday Mudane Maxamed Xasan Shiil oo uu sheegay inuu ku qancay Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Xirfadiisa, isla-markaana leeyahay Karti uu shaqadaas ku hanan karo.

Wasiirku waxa uu Degreetadiisa ku amray Guddoomiyaha Gobolka Gabiley inuu xilkaas si degdeg ah ugu kala wareejiyo Masuulka Cusub eek ii hore oo dhawaan xilkaas laga qaaday.

Guddoomiyaha Cusub ee Haatan loo magacaabay Degmada Allay Baday, ayaa ah khabiir muddo dheer kasoo shaqaynayey Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxana  Kamid ahaa Musharraxiintii Xisbiga Ucid uga sharraxnayd Tartankii Dawladaha Hoose ee Saddex Sano kahor dalka laga qabtay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed