|

10-kii Isku-day Shirqool ee Madaxda Carabta Ugu Caansan Lagula Beegsaday iyo Saamaynta Taariikheed ee ay ka Tageen

Hargeysa 18.July 2016 (SDN/QJ):- Taariikhda Dunida waxa soo maray isku dayo shirqoolo dil ah oo qaarkood lagu guulaystay qaar kalena fashilmeen oo lala seegay halkii la doonayay kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday Madax Caaan ah oo dunida soo martay.

 

cz-urban-counter-sniper-cWaxa jira Shirqoolo dil oo dunida gilgilay taariikhdana wax weyn ka badalay oo saamayn ku yeeshay. Waxa jira boqollaal shirqool oo dil ah oo dunida laga maleego taariikhdana soo taxnaa balse waxa lagaga guulaystaa in kooban. Taariikhda waxa soo jiray shirqoolo loo maleegay siyaasiyiin, Madax, Ganacsato iyo dad caan ah oo kale oo qaarna lagu guulaystay oo la fuliyey qaar kalena lagu guul darraysatay oo ay dadkii la shirqoolay ka badbaadeen.

 

Qormadan oo muddo kooban taxane innoo noqon doonta waxa aan ku eegi doonaa 10-kii Shirqool ee ugu caansanaa taariikhda dunida ee fashilmay ama aan lagu guulaysan ee loo maleegay Madax soo martay dalalka Carbeed. 10-kan isku day ee shirqoolada ahaa ee la doonayay in lagu khaarajiyo madax carbeed haddii ay fuli lahaayeen waxa is badal weyni ku iman lahaa mandaqadda dalalka Carabta. Waxaanay kala ahaayeen 10-kaasi shirqool ee dhicisoobay kuwan:

  1. Shirqoolkii Jamaal Cabdi Naasir (Masar)-1954-kii
    Taariikhyahanadu waxa ay wariyaan qisada Shirqool uu ka badbaaday Madaxweynihii hore ee dalka Masar Jamaal Cabdi Naasir oo in badan oo shucuubta Carbeed ahi u yaqaaneen geesigii Qawmiyadda Carbeed iyo Cadawgii adkaa ee Yuhuudda. Taasi waxa ay keentay inbadan in la isku dayay in shirqoolo siyaasadeed lagu khaarajiyo Jamaal Cabdi Naasir oo wakhtigii uu xukunka hayay in badan oo Shucuubta Carbeed ahi jeclaayeen in badanina aad u necbaayeen adadaygiisii.

Waxa uu wakhtigiisii hadaf u ahaa shirqoolo ay cadawgiisu maleegaan. 26-kii Oktoobar sannadkii 1954-kii, Jamaal Cabdi Naasir waxa uu ahaa mid khudbad toos ah ka jeedinayay idaacadda dalka Masar oo si toos ah khudbaddiisa shacabku u dhagaysanayay isaga oo ku sugnaa Miidaanka Al-manshiya ee Magaalada Al-Iskandariya ee dalka Masar.

 

Khudbaddaasi oo ku saabsanayd dabbaal-degga Masar ugu jirtay bixitaankii ay Ciidamada Ingiriisku kaga baxeen Masar, halkaasi oo si kedis ah Jamaal Cabdi Naasir loogu furay rasaas uu ku riday nin lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Ladiif oo xubin ka ahaa Xarakada Islaamiga ah ee Ikhwaan Al Muslimiin oo Masar ka aasaasantay dunidana ku faaftay.

Waxa uu Maxamuud Cabdi Ladiif Madaxweynaha ku riday 7 xabbo oo rasaas ah oo aanu mid kali ah hadafkeedii la haleelin. Goobtii uu Khudbadda ka jeedinayay Jamaal Cabdi Naasir oo dad badani ku xoonsanaa waxa mar kali ah ka dhacay argagax iyo kala yaac iyo xaalad fawdo ah laakiin Jamaal Cabdi Naasir waxa uu ku qayliyey cod dheer oo uu shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan oo xaaladda daganaansho ku soo dabbaalaan. Waxaana hadaladii uu ku dhawaaqayay ka mid ahaa:
“Qof Kastaa halkiisa ka joogo.

 

Ha dhawaaqina is dejiya. Waar rogoow is dejiya oo mid kastaa halkiisa ka is taago. Noloshayda idinka ayaan idiin huray. Dhiiggayga ayaan idinku furtay. Waxaan u noolahay dartiin. Waxaanan u dhiman doonaa dartiin. Waxaan u noolaan doonaa ama aan u dhiman doonaa xornimadiina iyo sharaftiina. Haddii ay waajib tahay in uu dhinto Jamaal Cabdi Naasir, waxa la idinka rabaa in uu mid kasta oo idin ka mid ahi Jamaal noqdo. Waxaan u noolahay in aan dartiin nafta u bixiyo dalkana aan naftayda u hibeeyo”.
Qaylada ayaa isu baxday, buuq iyo waxa meeshii ka dhacay is dhex yaac badan.

 

Isku daygii dil ee la doonayay in lagu khaarajiyo Jamaal Cabdi Naasir sidaasi ayuu ku fashilmay oo dhammaan rasaastii lala beegsaday waa lala waayay. Intaa kadib Jamaal Cabdi Naasir waxa uu amray mid ka mid ah ololayaashii ugu cuslaa uguna arxan darnaa ee ugu adkaa ee lagu ekeeyo dadka Mucaaridka ku ahaa gaar ahaan Ururkii Ikhawaanka ee isku dayay in uu dilo oo uu horeba cadaadis aad u badan ugu hayay. Waxa la xidhay kumannaan qof oo siyaasiyiin Mucaarad u badan oo intooda badani ku ab tirsadaan Ikhwaanka iyo Shuuciyiinta. Waxa xilka laga qaaday in ak abdan 140 sarkaal oo u janjeedhay dhinaca Maxamed Najiib.

 

8 ka mid ahaa hogaankii Ikhwaanka waxa lagu xukumay dil daldalaad ah. Waxa xilkii Madaxnimo laga qaaday Maxamed Najiib, in badan waxa loo taxaabay xabsiyada qaar badana xukun la’aan ayaa la khaarajiyey. Intaa kadib Jamaal Cabdi Naasir waxa uu si aan muran ku jirin u noqday Madaxweynaha dalka Masar isaga oo gacan bir ah ku qabtay. Isku dayga dil ee fashilmay ee lagu doonayay in isaga lagu khaarajiyaana waxa uu ka mid noqday isku dayada dil ee fashilmay ee soo maray madaxda caalamka.

Qalinka: Maxamed M. Yuusuf (Ilkacase)
….La Soco

Comments are closed