|

12jir Soomaali Ah Oo Dhinacyada Ku Dagaallamaya Magaalada Gaalkacyo Baaq Nabadeed U Diray DAAWO

Mineapolis,30Nov,2015(QJ/SDN)-Iyadoo ay weli xiisad colaadeed ka taagantahay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa haddana dhanka kale aad isku soo taraysa dadka Soomaaliyeed ee baaqa nabadeed usoo jeedinaaya dhinacyada halkaasi ku daggaalamaya.

Haddaba Yuusuf Dayuur oo ah wiil yar oo 12jir ah oo degan magaalada Mineapolis ee gobolka minesota dalka maraykanka ayaa waxa uu ka hadlay oo uu baaq nabadeed u diray dhinacyada halkaasi ku dagaallamaya.

Yuusuf Dayuur ayaa ah wiil soomaaliyeed oo caan ka ah gudaha dalka Maraykanka, waxaana uu caan ku noqday ka dib markii uu u jawaabay isagoo intan ka yar nin siyaasi ah oo sheegay in aanay dadka muslimiinta ahi xaq u lahayn inay ku noolaadaan dalka maraykanka, sidoo kale Yuusuf ayaa ku caan baxay inuu doonayo in uu noqdo madaxweynaha Dalka maraykanka.

Haddaba Halkan Hoose ka Daawo, Yuusuf Dayuur Oo Baaq U diraaya Dhinacyada Isku Haysta Gaalkacyo:

Comments are closed