|

Garyaqaan Caan ka ahaa Dalka Turkiga oo la toogtay Xilli uu Saxaafada toos ula hadlaayay SAWIRRO

Ankara,30Nov,2015(QJ/SDN)-Waxaa shalay Degmada Sur Ee Magaalada Diyarbakir, ee dalka Turkiga lagu toogtay Garyaqaan Caan ka ahaa dalka Turkiga oo lagu magacaabo Tahir Elci , garyaqaankan ayaana la sheegay in uu tagaeero u ahaa Jabhada PKK ee dagaalka kula jirta Dowlada Turkiga.

Garyaqaanka ayaa la weerarary xili uu la hadalayay Saxaafada , waxaana mar qudha madaxa ka toogtay kooxo hubeesan oon heebtooda la garan, waxaana toogashada kadib goobtaasi ka bilaabatay rasaas ay is dhaafsadeen kooxihii hubeesnaa iyo ilaalo dhar cad ah oo la socday Garyaqaanka la toogtay.

Tahir Elci ,ayaa si weyn u taageersanaa xoogaga hubeesan ee PKK ,kuwaa oo u dagaalama gooni isutaaga Kurdiyiinta kunool Dalka Turkiga, waxaana garyaqaankan horey loogu hanjabay in la dili doono hadii uusan kooxdaasi u aqoonsan in ay tahay argagaxiso.

Garyaqaankan ayaa Saxaafada u sheegay kahor inta aan la toogan in xalka uu ku jiro in nabada laga shaqeeyo, waxa uuna tilmaamay in Dowlada Turkiga aysan dan ugu jirin in ay la dagaalamaan Kooxda PKK.

 

 

Comments are closed