|

16 Guurada Duqayntii Caan baxday ee Daarihii Mataanaha ahaa ee New York,Xarunta Gaadhaandhiga Maraykanka,Anfariirkii ruxay Quluubta Shacabka Maraykanka & Muuqaaladii Mahadhada Reebay!! DAAWO

New York 12. September 2017 (SDN/QJ):-Shalay Waxay ku beegan tahay 16-guuradii ka soo wareegtay Weerarkii loo adeegsaday Diyaaradaha Rakaabka ee la soo afduubtay ee bishii Sept. 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daaraha Mataanaha ee Xarunta Hanacsiga Caalamiga (World Trade Center) oo ku yaalla magaalladda New York.

Hadaynu yara milicsano Dhacdada Septembert. 11, ee sannadkii 2001-kii waxaa la sheegay inay 19 Djallinyaro ka tirsan Ururka Alqaacida oo Tababar Duuliye Diyaarad lahaa si xoog leh ku qafaasheen  4 Diyaarado Rakaab oo ay u adeegsadeen Weerarkaas lagu hoobtay.

 

Kooxihii weerarkaasi fuliyey oo tiradooda dhamayd 19 qof oo  10 ka mid ka soo jeedeen Sacuudiga, halka kuwa kalena ka soo kala jeedeen dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Lubnaan.

 

Waxay isku qeybiyeen 4 koox, kuwaasi oo  afduubtay 4 Diyaarad oo  2 ka mid ah lala beegsaday Tawarka Waqooyi iyo kan Koonfureed ee Daarihii Mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Caalamiga..

 

Sidoo kale, Hal Diyaarad ayaa lagu duqeeyey Dhismaha Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon-ka, halka midda kale la toogtay iyadoo aan gaarin dhismihii hadafka u ahaa.

 

Diyaaradahaasi waxaa 2 ka mid ah lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee United Airlines iyo American Airlines.

 

Duqeyntaasi ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 2,995 qof, iyadoo in ka badan 6.000 oo kalena ku dhaawacmeen.

 

2,606 waxay ku geeriyootay Xaruntii Daaraha Mataanaha iyo deegaanadda ku xeeran, halka 125 kalena lagu dilay weerarkii lala beegsaday Xarunta dhexe ee Gaashaandhigga ee Pentoganka.

Haddaba, iyadoo aynu dul-mar kooban ku samaynay Dhacdadii September 11, ayaa waxaa soo baxay Caddaymo cusub oo lagu sheegay in Safaaradda Sacuudiga ku leeyihiin caasimadda Maraykanka ee Washington DC ku lug lahayd maalgelinta qaar ka mdi ah 19-kii qof ee fuliyey Weerarkii Diyaaradaha ee 16-sanno ka hor ka dhacay Mataykanka.

Wargeyska The Nork York Post ayaa maanta qoray Warbixin Cusub oo lagu sheegay in laga yaabo inay Safaaradda Sacuudiga ee Washington bixisay kharajkii Afduubayaasha u adeegsadeen Weerarkii Diyaaradaha ee Sept. 11.

 

Wargeyska ayaa qoray inay soo baxeen Caddaymo cusub oo muujinaya inay qoysaska ehelka la ah Kumaankii qof ee lagu dilay Weerarkii Sept. 11 doonayaan inay Dowladda Sacuudiga ku soo oogaan Dacwad kale.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey inay Safaaradda Sacuudiga kharaj ku bixisay 2 ka mid ah Shaqaalahooda oo wax ka fuliyey Afduubka Diyaaradaha loo adeegsaday qaraxyadii Daaraha Mataanaha ee magaalladda New York.

 

2-sanno ka hor inta uusan dhicin weerarkaasi, Safaaradda Sacuudiga waxay bixisay Kharajka 2 Muwaadin Sacuudiyaan ah, kuwaasi oo Maraykanka ugu noolaa iyagoo iska dhigayey Arday, balse ku lug ah fulinta mu’aamaradda Weerarkaasi.

Warbixin ay Hay’adad FBI diyaarisay ayaa waxaa ku sheegeen in  2-da Arday oo lagu kala magacaabo Maxamed Al-qudhaeein iyo Xamdaan Al-shalawi inay xaqiiq ahaan ahaayeen  xubno ka tirsan Shabakada Sirdoonka ee Sacuudiga u jooga gudaha Maraykanka.

 

Qoraalka FBI-da waxaa kaloo lagu sheegay inay labadaasi qof ka shaqeeyeen sidii ay Dowladda Sacuudiga uga heli lahaayeen Lacagod, iyadoo Maxamed Al-Qudhaeein shaqaale ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Islaamka Sacuudiga.

 

Sidoo kale, Xamdaan Al-shalawi waxa uu ahaa shaqaale muddo dheer u shaqeynayey Dowladda Sacuudiga.

 

Baarayaal badan ayaa ogaaday inay labadaasi nin u soo safreen Washington, si ay uga qeyb galaan seminar ay marti-gelisay Safaaradda Sacuudiga ee Washington oo kaashanaysa Machadka Islaamka iyo Sayniska Carabiga ee Maraykanka oo uu Danjiraha Sacuudiga madax ka ahaa.

 

Baarayaasha FBI-da waxay kaloo xaqiijiyeen inay Qudhaeein iyo Shalawi iibiyeen Tikidhaha Diyaaradaha ee kooxihii afduubtay Diyaaradihii loo adeegsaday Weerarkii Daaraha Mataanaha.

 

Baarayaashu waxay qoraalkooda ku xuseen inay Safaaradda Sacuudiga bixisay Kharajka 19-kii nin ee ka dambeeyey afduubkaasi.

 

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay FBI-da hayaan boqolaal kun oo bog ee Dukumentiyo Dowladeed oo Sacuudiga ku xiriirinaya inay si qarsoodi ahh u taageeraan Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

 

Warbixinta lagu soo daabacay Wargeyska New Yor Post waxaa lagu soo gebagebeeyey inuu Wregsyka ku guul-daraystay isku-dayay ku doonayeen inay Telefoon iyo E-mail ku helaan Qareenadda  wakiilka u ah Dowladda Sacuudiga si ay wax uga weydiiyaan arrimahaasi.

Comments are closed