|

Sawir Dunnida Danaysa Siyaasadda Somalia Ku Faafay oo uu Sameeyay Wiil Ku Nool Magaaladda Hargaysa & Fariinta uu Gudbinayo

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Sawirkan waxa la sameeyay maalmihii ugu horreeyay ee ay taagnayd xiisaddii dhiibitaanka Cabdikariim Qalbi-dhagax oo ururka ONLF ka tirsan taasi oo soomaalida hadal badan ka dhex dhalisay.

Sawirkan oo ah jaantus lagu muujiyay heerka shacbiyadda madaxweyne Farmaajo ee markaas oo hoos u dhacday ayaa waxa lagu daabacay warbaahinta bulshada iyo tan caadiga ah.

Waxaana inta badan lagu arkaayay iyadoo baraha bulshada ay kusoo daabacayaan shakhsiyaad caan ka ah dadka soomaalida dhexdooda iyo dunida kaleba. Sidoo kale sawirkan waxa lagu soo daabacay qaar kamid ah Wargeysyada ugu akhriska badan magaalada Hargeysa iyagoo inta badan u adeegsanaya sheekooyin ay cinwaan uga dhigeen “Sumcaddii madaxweyne Farmaajo oo hoos u dhacday”.

Sawirkan oo dadka isticmaalay badankoodu aanay xusin cidda samaysay iyo halka uu ka yimid ayaa waxa sameeyay oo hal’abuuray Cabdillaahi Axmed Muuse oo ah wiil dhalinyaro reer Hargeysa ah oo magaalada Qaahira ee wadanka Masar ka dhigta cilmiga caafimaadka.

Cabdilaahi Axmed Muuse oo la waydiiyay sababta sawirkan ku kalliftay ayaa waxa uu yidhi; “Sida ka muuqata jaantuska bilaha hore waa 100% laakiin waxa uu Graph-ku is dhimayaa bisha June oo ay ku beegnayd munaasibadihii 26june iyo 1july. Wakhtigaa Farmaajo khudbadihiisa wuu siyaasadeeyey oo dad badan oo reer Somaliland ah umay cuntamin siduu hadallada u dhigay iyo Maxamed Ibraahim Cigaal oo uu hadal kasoo xigtay. Bisha sideedaad ayuu Graph-ku hadana sii dhacay oo ahayd wakhti uu jiray xasuuqyo ay ciidamada maraykanku gaysteen oo dad rayida ku laayeen gudaha Soomaaliya wax jawaabana kamuu celin Farmaajo. Marka dambe Graph-ku waxa uu aad ugu sii dhacay dabayaaqadii bishiii sideedaad iyo horaantii bishan sagaalaad oo ay ahayd wakhtigii arrintii foosha xumayd dawladdiisu ku tallaabsatay arrintaas oo ahayd dhiibidda muwaadin soomaaliyeed oo soo magansaday Muqdisho. Sawirkana waxaan sameeyay 3/9/2017”

Comments are closed