|

Qaraxii Diyaaraddii Daallo Airlines oo looga shakiyay inay ka Dambeysay Kooxda Al-shabaab

Muqdisho — Waxaa socda baariatanno looga shakisan yahay in Qaraxii Diyaaradii A321 ee Daallo Airlines ee sida deg-degta ah ugu soo degtay Muqdisho uu ahaa mid ay ka dambeysay Al-shabaab, sida ay sheegeen ilo wareed ka tirsan dowladda Mareykanka.

Reuters oo ka mid ah Wakaaladaha Wararka Caalamka ayaa qortay in Il-wareedyadaan ka tirsan Xukuumadda Washington ay sheegayaan in la rumeysan yahay in weerarkan ay soo abaabushay Al-shabaab. Inkastoo aanay illaa hadda jirin cid sheegatay mas’uuliyada shilkii qabsaday diyaaradda Daallo Airlines.

Sidoo kale, Ilaha wararka Mareykanka ayaa sheegaya in waxyaabo Qarxa laga shaki qabo in lasii saaray, balse waxaa socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo walaxda qaraxday nooca ay ahayd.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo sheegaya inay ku lug leeyihiin shilkii ka dhacay diyaaraddii Daallo Airlines. Dhanka kalena ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay shirkadda Daallo Airlines.

Diyaaradda Daallo Airlines ayaa la sheegay inu qaraxu ka dhacay markii ay ku jirtay hawada muddo daqiiqado ah, uuna Nin ka dhacay diyaaradda markii uu ka dhacay Qaraxa, kaasoo maydkiisa laga soo helay dulleedka degmada Balcad.

“Waxaa dadaal dheeri ah muujiyay duuliyihii diyaaradda oo si ammaan ah ugu soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, rakaabkii oo dhan iyagoo bad-qaba ayaa la keenay garoonka, marka laga reebo laba ruux oo dhaawacmay iyo Ruux ka dhacay diyaaradda,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Daallo Airlines.

Agaasimaha Hay’adda Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya, C/wahaab Sh. Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa isaguna sheegay shalay in baaritaanku uu weli socdo, mana jiraan illaa hadda wax war ah oo dhanka Xukuumadda Somalia kasoo baxay.

Ruuxa diyaaradda ka dhacay ee maydkiisa la helay ayaa waxay da’adiisu ahayd 55-jir, In-kastoo aan magaciisa la sheegin, waxaana haatan maydkiisa gacanta ku haya ciidamada ammaanka dowaldda si ay baaritaanno ugu sameeyaan.

Ugu dambeyn, Diyaarada A321 oo u kireynayd Daallo Airlines ayaa xiligii uu ka dhacayay Qaraxa waxay ku socotay dalka Jabuuti, Waxaana saarnaa 74 Rakaab ah, kuwaasoo Jabuuti kasii raaci lahaa diyaaradda Daallo Airlines.

Comments are closed