|

Wasaarada Hawlaha Guud Oo Marwada Madaxweyne Silanyo Ka Difaacday Eedda Ah Inay Qaadatay Guriga Women’s Club

Hargeysa — Wasaaradda hawlaha guud ayaa marwada madaxweyne Siilaanyo, Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde ka difaacday eeddo loo jeediyay oo ah inay qaadatay guriga caanka ah ee Women’s Club oo ay ku dartay guriga uu dhismuhu ku socdo ee uu lahaa Alle haw naxariiste walaalkeed Cali Jirde. Guriga Women’s club ayay dawladii Ingiriisku u dhistay inay haweenka reer Hargeysa wax ku bartaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud Mukhtaar Maxamed Cali iyo agaasimaha dhulka iyo guryaha ee wasaaradaas Maxamuud Maal, ayaa shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen wasaaradooda, waxa ay ku sheegeen in gurigaas lagu eedeeyay marwada madaxweyne Siilaanyo laga iibiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid, waxaanay eeddaas ku tilmaameen mid aanay waxba ku jirin, iyagoo siyaasiga hadalkaas sheegay oo ah siyaasiga caanka ah ee Cabdi Haybe Maxamed ugu hanjabay inay sharciga la tiigsan doonaan. Waxa kale oo ay beeniyeen hadal ay Cabdi Haybe iyo dad kaleba sheegeen oo ah in xukuumadu iibinayso xerada Birjeex iyo Dugsiga Sheekh Bashiir,

“Ragga abaabulka wada ee dadka kicinaya, ee masuuliyiina sheeganaya, in nabadgelyada wadanka la khalkhaliyo maaha, in la yidhaahdo degmadaasay kaca oo dagaalama waa fawdo, waxaan cadayntooda loo hayn ciddii ku kacdana annagu warqad ayaanu qoraynaa oo maxkamad iyo sharci ayaanu la tiigsanaynaa.” sidaas waxa yidhi agaasimaha guud ee wasaaraddaas.

Isagoo agaasimaha guud si gaar ah u beeninaya in marwada madaxweyne Siilaanyo iibsatay gurigaas caanka ah, wuxuu yidhi  “Mucaaradku xaq ayay u leeyihiin wixii dhaliil ah inay sheegaan laakiin wax aanay cadayntooda hayn in lagula kaco aflagaado, oo marwada madaxweynaha ayaynu arkaynaa in wax aanay gayin meel aanay shaqo ku lahayn lagu eedaynayo.  Waa taas xaqiidu, Gurigaas women’s club oo laga iibiyay ganacsade Maxamed Aw Sicidi meel ay ka soo galayso anagu garan mayno, ta’ kale wax la bixiyay maaha oo ganacsadaha laftarkiisa wax la siiyay maaha oo waa wax laga iibiyay oo guddiga iibka qaranku ay ka iibisay, markaas waxaan odhan lahaa wax kasta intaynu ku hadalno hadhawna far ku dhuumano maaha, laakiin sharcigaa la isla tagayaa, anagu cadayntii waanu haynaa.”

Agaasimaha waaxda dhulka ee wasaaradda hawlaha guud Mr. Maxamuud Maal, ayaa isna isagoo u jawaabaya Cabdi Haybe, wuxuu yidhi “Cabdi Haybe, wuxuu afka ku cadeeyay Womens’ club inay marwadu qaadatay, women’s club wuxuu ku jiraa dhulka hantida dawladda, waana la iibiyay, waxaana laga iibiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid oo mulkiyada loo sameeyay, loona qoray mulkiyad lahaanshe ah, meel ay kaga jirto marwadu oo ay ku qaadatatay dhul ma hayno, waxaana iibisay guddiga iibka hantida qaranka, dhulkaasna waxaanu ka iibinay ganacsade Maxamed Aw Siciid.”

Siyaasi Cabdi Haybe oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa dhawaan sheegay in marwada Madaxweyne Siilaanyo ay gurigaas Women’ club ku darsatay dhismaha walaalkeed lahaa, waxaana hadaladii Cabdi Haybe ka mid ahaa  “Sheekh Bashiir ayaa la hadal hayaa in imika la iibinayo, waxaana ka sii daran haweenku Hargeysa waxay ku lahaayeen dugsi la odhan jiray iskuulka Dumarka oo women’s club la odhan jiray  kaana marwad koowaad ayaa qaadatay oo ku darstay aqalkii walaalkeed .

Dumarku saddex iskuul ayey  ku lahaayeen wadanka mid Hargeysa ah,  mid Burco ah iyo mid Boorama ah, kii Hargeysa waa taas marwadii qaadatay ee lagu kala tagay.”

Comments are closed