|

DHAGEYSO: 29 Ruux Oo Harraad Ugu Geeriyooday Deegaannada Jubbaland

haraad

Kismaayo (QJ/SDN) – Maamulka Jubbaland ayaa maanta sheegay in 29 qof ay oon iyo harraad ugu geeriyoodeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada dhexe, Gedo iyo Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo la hadlay VOA ayaa sheegay in deegaanada ay dadkan ku dhinteen ay ka jiraan abaaro xooggan oo saameeyey dad iyo duunyaba.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dad aad u badan oo abaarta ka cararaya ay usoo qaxeen magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa ku baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaadho deegaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan.

Halkan Hoose Ka Dhagayso;

Comments are closed