|

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya: Abaaraha ka jira Gobollada dalka oo Lacag dheeraad ah loogu deeqay

Muqdisho, March 31, 2016 (SDN/QJ)- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid yihiin abaaraha ka jira qeybo kamid ah gobollada dalka, Amniga iyo qodobo kale.

unnamed-11-360x200Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin la xiriirta ammaanka guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxana ay soo hadal qaadeen dagaalladii dhawaan ay la galeen Ciidamadda Ammaanka Puntland iyo Galmudug kooxihii firxadka ahaa , waxana uu goluhu boggaadiyey guulaha ay ka gaareen Ciidamaddau kooxihii doonayey in ay khal-khal geliyaan amniga deeganadaas.

Waxana Goluhu cambaareeyeen falkii argagixisonimo ee shalay lala beegsaday muwaadiniin isugu jirta Soomaali iyo Turki, ee ka shaqeynayay magaalada Muqdisho iyo Qaraxii Argagixiso ee ka dhacay Gaalkacyo.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga dooday sidii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay u kordhin lahayd dhaqaalaha ay ugu yabooheen dadka abaaruhu ku dhufteen, iyadoo intii uu shirku socda la falan-qeeyey sida ay muhiimka u tahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee la dhiban abaaraha.
Golaha ayaana isku raacay in lagu daro lacagtii horey loogu yaboohay abaarta $1.291 Million Dollar, lacagtaas oo laga jari doono Howlwadeenada dawladda.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo caawin lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee ay sida ba’an abaaruhu u saameeyeen, waxana gurmadka abaaraha Xukuumaddu horey ugu magacawday Guddi u howlgala gacan siinta dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

Comments are closed