|

2,500 oo Qof oo ku Dhintay Badda Meditareeniyaanka Warbixin

Roma 01.June 2016 (SDN/QJ):- In ka badan 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa sanadkan illaa iyo iminka ku geeriyooday badda Meditareeniyaanka, ayaga oo isku dayaya inay u gudbaan Yurub, sida ay sheegtay hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

 

tahriibayaalMarka la bar-bar dhiggo shanti bil ee ugu horreysay ee sanadkii 2015, 1,55 qof ayaa ku geeriyootay.

 

“Fursadda qof ku safraya badda Meditareeniyaanka uu ku geeriyoon karo iminka, waa hal qof, 81-kii qofba,” Waxaa sidaas yiri afhayeenka UNHCR William Spindler oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva.

 

Xanuunkii ka Dhashay Tahriibtii lagu Lee'day

                     Xanuunkii ka Dhashay Tahriibtii lagu Lee’day

Waxa uu intaas ku daray in marinka la isaga gudbo Woqooyiga Afrika iyo Talyaaniga uu yaha midka ugu halista badan.

 

“2,119 qof oo ka mid ah dadka dhintay ayaa ku geeriyooday marinkan, taasi oo ka dhigeysa in qof ka mid ah 23-kii qofba ee marinka ku safaraya uu dhimanyo” ayuu yiri.

 

Inta badan muhaajiriinta safarkan dhimashada leh ee Woqooyiga Afrika illaa Talyaaniga galaya, ayaa ka imnaya dalalka Nigeria, Gambia, halka muhaajiriinta ka imanaya dalalka Syria, Afghanistan iyo Ciraq ay marayaan marinka Turkiga illaa Greece, sida ay sheegtay UNHCR.

Comments are closed