Hargaysa 09 November 2017 (SDN/QJ):-Qaar ka mid ah Madaxda dhaqanka ee Gobolka Hawd oo Kulan Warbaahineed Maanta ku qabtay Caasimadda dalka ee Hargaysa ayaa Sheegay in Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi uu maanta ka sameeyay Degmada Axmed Dhagax isku dhac dhex maray Kooxo dhallinyaro ah oo uu Hor kacayay iyo Kuwa Degmada Axmed dhagax Waxayna xuseen in arrintaasi ay dhalisay boob loo gaystay Meherado ganacsi, iyo Khasaare la soo gaadhsiiyey gaadiid shicib.
