|

Dhaxalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku Wadacayo 7 Sano Iyo Dheeraad  uu Hogaaminta Qaranka Somaliland Gacanta ku hayay!!

Hargaysa 09 November  2017 (SDN/QJ):- Toddoba sannadood iyo shan bilood, ka dib waxa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo talada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wareejiyo bisha December ee 2017, ka dib doorashada 13 November loo dareerayo ee madaxtooyada.

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu talada Somaliland la wareegay iyadoo ay shacabku u oomanaayeen isbedel hoggaamineed, maadaama oo uu aad ugu ololeeyay isbedel dhinacyo badan oo uu shacabka muddo 8 sannadood oo uu mucaarad ahaa u balan qaadayay.

Xukuumad tiro yar

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ololaha ku galay waxa ka mid ahaa inuu dhisi doono xukuumad tiro yar oo tayo leh, isagoo madaxweyne Rayaale ku eedayn jiray inuu dhisay xukuumad tiro badan oo bilaa tayo ah oo aanu dalku dhaqaale ahaan iska xejin karin. Waxaanu fagaarayaal iyo goobo kaleba ka balan qaaday inuu dhisi doono xukuumad kooban oo dalka iyo dadka wax u qabata. Waxaanu madaxweyne Siilaanyo markii u horaysay dhisay xukuumad ka kooban 26 xubnood oo ahaa 20 wasiir iyo 6 wasiir-xigeeno kooban.

 

Laakiin bisha December oo uu Madaxweyne Siilaanyo xilka wareejinayo, wuxuu wareejinayaa gole xukuumadeed oo ka kooban 70 xubnood kuwaas oo ka dhigay madaxweynihii ugu wasiiro badnaa ee dalka soo mara. Waxa intaas dheer la taliyayaal aan tiradooda si rasmi ah loo hayn oo aad u badan kuwaas oo ka qayb ah maamulkiisa xukuumadeed. Si kale haddii loo dhigo madaxweyne Rayaale oo uu dhaliili jiray wuxuu dhisay xukuumad ka kooban 54 xubnood, halka uu madaxweyne Siilaanyo maanta marayo 70 xubnood.

 

kobcin dhaqaale iyo la dagaalanka musuqa

 

Kobcin dhaqaale iyo hantida umadda oo la ilaaliyo ayaa qayb ka ahaa ololihii uu madaxweyne Siilaanyo kaga guulaystay madaxweyne Rayaale. Waxa kordhay miisaaniyadii qaranka, waxaana mushaharaadka loo kordhiyay shaqaalaha dawladda iyo ciidamada qalabka sida. Laakiin kor u kaca miisaaniyadda ayaa waxaan la socon wax qorshe ah, waxaana kor u kaca miisaaniyadd ka dhashay sicir barar aan dalka hore ugu jirin oo gaadhay halkii ugu sareeyay kaas oo saamayn ku yeeshay bulshada Somaliland ee danyarta ah. Laakiin mudadaas madaxweyne Siilaanyo joogay lama arag shaqaalaha dawladda dhexe oo aan bil ka  mid ah bilaha sannadka qaadan mushaharkooda. Taas ayaa ah talaabo wanaagsan.

 

La dagaalanka musuqa, ayaa isna noqday hal bacaad lagu lisay, waxaana mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayay kor u kacay musuqa iyo boobka hantida umadda oo wejiyo kala duwan leh.  Warbixino ay soo saareen hay’ado caalami ahi ayaa madaxweyne Siilaanyo ku calaamadiyay in xukuumadiisu noqotay tii ugu musuqa badnayd ee Somaliland soo marta.

 

Qoyska madaxweyne Siilaanyo ayaa noqday qoyskii ugu horeeyay ee madaxweynaha oo talada haya lagu eedeeyo inay awood ku leeyihiin talada dalka. Waxa sidoo kale qoyska madaxweynaha lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo hanti dawladu leedahay oo ay la wareegeen. Inkastoo ay qoysku eedaynahaas iska difaacaan oo beeniyaan, haddana waxa jira waxyaabo badan oo markhaati loo qabsan karo. Tusaale ahaan gurigii caanka ahaa ee Hargeisa Women’s club oo ahaan jiray hoy ay wax ku bartaan haweenka aan fursada u helin waxbarasho toos ah, waxa uu hadda noqday qayb ka mid ah hudheel ay qoysku leeyihiin oo la balaadhiyay. Qoyska ayaa ku dooda in dugsigaas uu iibsaday nin ganacsade ah oo dawladu sifo sharci uga iibisay, laakiin bulshadu waxay aaminsantahay in qoyska madaxweyne Siilaanyo yahay cidda la wareegtay dhismahaas.

 

Qodobka 85aad ee distoorka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mamnuucaya inaanay qoysaska madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenku gelin karin ganacsi mudada ay xilalka qaranka hayaan.

 

Tahriibka iyo Qabyaaladda

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, mudadii uu mucaaradka ahaa wuxuu samaystay halku dhegyo caan noqday oo ahaa “UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walaal.” laakiin mudadii uu talada hayay waxa ay noqotay mudadii ay Somaliland ka tahriibeen dhallinyaradii ugu badnayd oo qaar badan oo ka mid ahi ay biyaha badda ku dhex dhinteen.

 

Qabyaaladda ayaa iyaduna gaadhay halkii ugu saraysay, waxaana muuqata inay shacabka Somaliland hadhsadeen qabyaaladda halkii ay waayadii hore ka hadhsan jireen dawladnimada. Markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada qabtayba waxa bilaabay shirar beeleedyo halis geliyay nidaamka dawladnimo ee Somaliland.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo caan ku noqday isku shaandhayn, bedel iyo xil ka qaadis wasiiro, mudadaas toddobada sannadood ah lama arag madaxweyne Siilaanyo oo xilka ka qaaday mid ka mid ah wasiirada awooda badan ee beeshiisa. Ragga ay xil ka qaadista madaxweynuhu ka war-wareegto wax ka mid ah wasiirada macdanta, madaxtooyada, hawlaha guud iyo dib u dejinta. Haddii laga tagi waayo wasiirul dawlihii duulista iyo hawada Mr. Faahiye ayaa noqday masuulka keliya ee ka soo jeeda beesha madaxweynaha ee xilka laga qaaday.

 

Siyaasadda dibadda

 

Siyaasadda dibadda ee Somaliland waxay hore ugu jihaysnayd dalalka Afrikaanka ah oo ah halka ay dalalka reer galbeedku ku xidheen inay ka soo unkantanto qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaana sannadihii 2006-2009 ee uu Rayaale talada hayay noqdeen sannado ay dad badani qabeen inuu soo dhawaaday aqoonsiga Somaliland, maadaama oo uu Rayaale culayska saaray qaaradda Afrika.

 

Laakiin markii uu madaxweynaha wakhtigadan talada hayaa la wareegay xukunka, wuxuu jihadi u wareejiyay dhinaca dalalka Carabta, waxaana gebi ahaanba dumay xidhiidhkii Somaliland iyo dalalka Afrika. Wareejinta uu Madaxweyne Siilaanyo giraanta siyaasadda dibadda u wareejiyay dalalka Carabta ayaa lagu tilmaamaa qorshe ku kooban dano dhaqaale oo keliya balse aan marna la xidhiidhin arrimo aqoonsi iyo galaan-gal dibadeed. Xidhiidhka Carabta ee uu Madaxweyne Siilaanyo la yimid ayaa ku bilowda kuna dhammaada dalka Imaaraadka Carabta. Imaaraadka ayaa Somaliland ka hirgeliyay maalgashi balaadhan oo ah in lagu wareejiyay dekedii Berbera iyo saldhig laga siiyay madaarka Berbera.

 

Geesta kale waxa meesha ka baxay dalal Afrikaan ah oo hore wadamadooda loogu tagi jiray Baasaboorka Somaliland, waxaana koow ka ah dalka Koonfur Afrika oo uu xataa meesha ka baxay ergaygii Somaliland u fadhiyay jiray ilaa cahdigii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

Basaboorka Somaliland, inkatoo uu Madaxweyne Siilaanyo u bedelay qaab casri ah oo dunidu hadda u guurtay, haddana mudadaas uu madaxweyne Siilaanyo Somaliland hoggaaminayay waxa hoos u dhacay Basaboorka Somaliland, waxaanay inta badan masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumadiisu ku safraan Basaabooro shisheeye madaama oo ay u badanyihiin qurbe joog haysta dhalashada wadamo kale.

 

Tusaale ahaan Madaxweyne Siilaanyo, wasiirkiisa khaarajiga, wasiirkiisa arrimaha dibadda iyo dad kale oo ku xeeraniba waxay haystaan Basaabooro shisheeye.

 

Siyaasadda gudaha

 

Siyaasadda arrimaha gudaha Somaliland, nooca ay tahay waxa laga halacsan karaa tirada wasiirada isaga dambeeyay wasaaradda arrimaha gudaha. Mudadaas uu madaxweyne Siilaanyo talada hayay wuxuu u magacaabay afar wasiir oo uu ku jiro wasiirka hadda xilka hayaa.

 

Inkastoo aanay jirin rabshado dalka ka dhacay oo halis geliyay qaranimada Somaliland, haddana waxa gudaha Somaliland markii u horaysay taariikhda lagu qabtay shir ka dhan ah qaranimada Somaliland kaas oo lagu aasaasay jabhada Khaatumo oo hadda u muuqata inay meesha ka baxday ka dib heshiis ay la gashay Somaliland.

 

Gobalka Awdal, waxa isna ka istaadhmay maleeshiyaad hubaysan oo uu horkacayay nin suldaan Wabar lagu magacaabo, inkastoo markii dambe la soo gunaanaday maleeshiyadaas haddana Suldaankii horkacayay ayaa weli dibad meer ah.

 

Dagaalkii jiidda Kalshaale iyo dagaalkii Baliga Diiriye Guuleed ee Burco ayaa noqday kuwo xaasaasi ah oo keenay dhimasho iyo dhaawac.

 

Laakiin sida guud marka la eego ma jirin waxyaabo halis geliyay isku duubnimada iyo ammaanka guud ee qaranka, waxase dalka ka curtay dareen qabyaaladeed oo saameeyay degenaanshaha siyaasadda gudaha ee Somaliland.

 

Saxaafadda iyo xorriyada hadalka

 

Inkastoo ay xubno saxafiyiin ahi ka tirsanyihin maamulkiisa, haddana wuxuu Madaxweyne Siilaanyo qaatay rikoodhka ah in xukuumadiisu noqotay xukuumadii xabsiyada ku gurtay saxafiyiintii ugu badnaa ee la xidho abid intii ay Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay. Waxa kale oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo bilowday inay albaabada u xidho xarumo warbaahineed oo caan ka ah dalka.

 

Tusaale ahaan wargeyskii caanka ahaa ee Haatuf wuxuu dhawr sannadood u xidhanyahay ka dib markii uu warbixino iyo eeddo musuqmaasuq ka qoray qoyska Madaxtooyada iyo xubno ka mid ah wasiirada madaxweyne Siilaanyo ku xeeran.

 

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa ay Somaliland gayaysiisay in xarumo caalami ah sida golaha ammaanka Qaramada Midoobay lagaga hadlo dhibaatada ka dhanka ah saxafiyiinta Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo, wakhtigii uu mucaaradka ahaa wuxuu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale ku eedayn jiray inaanu ixtiraamin madaxbanaanida iyo xorriyadda saxaafadda oo uu distoorku damaanad qaaday.  Laakiin araasaado ay sameeyeen SOLJA iyo xarumo xuquuqal insaan ayaa cadaysay in xukuumadiisu noqotay middii ugu xadhiga iyo tacadiga badnayd saxaafadda Somaliland.

Source Wargayska Geeska Africa Hargaysa

Comments are closed