|

“26ka Juun waa Maalin Qaran oo Shacbiga Reer Somaliland oo Dhammi ay Wada Lee Yihiin Bari iyo Galbeed ba.”.Murashaxa Madaxweynaha WADDANI DAAWO

Hargaysa 29. June 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), ayaa guud ahaan shacabka Somaliland si weyn ugu hambalyeeyey maalinta xornimada Somaliland ee 26ka Juun oo ku beegneyd maalintii ay madaxbanaanida ka qaadatay guumeystahii Ingiriiska, waxaana uu sheegay in maalintaasi ay tahay maalin qaran oo ay wada lee yihiin shacabka reer Somaliland oo dhan bari iyo galbeed ba. isaga oo sida oo kale na hambalyeeyey dawladda Jabuuti iyo shacabkeeda iyagu na u dabbaal-degay maalintii xornimada ay ka qaateen guumeystahii Faransiiska.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo warbaahinta kula hadlaayey Madaarka Hargeysa, ayaa shacabka goballada Togdheer iyo Maroodi-jeex ba ku guubaabiyey in ay si weyn uga qeyb-qaataan qaadashada kaadhka codbixinta Doorashada Somaliland oo dhawaan ka bilaabmaya goballadaasi isaga oo sida oo kale na Xukuumadda ugu baaqey in maadaama oo la gelaayo wakhti doorasho ay si deg-dag ah u soo bixiso qarashaadkii kaga hadhsanaa dhanka Doorashada iyo weli ba sida oo kale in ay kor u qaado dhanka ilaalada Amaanka dalka.

Comments are closed